Dalku wuxu u baahanyahay, hoggaamiye iyo madax ka horjoogtsata dhiigaa dhalinyarada ee daadanaya oo u horseeda maskax furan, kuna shaqeeysa is dhexgalka bulshada ah, Isla markaana leh hami ah in Ummadda ay ka badbaadiyaan dhibaatooyinka ka dhalan karta dagaalada sida nabadgalyada xumada iyo horumar la’aanta.

Waxaan rajeynaya in caqligu uu shaqeeyo lagana maarmo in la aamino fikradda ah, in dagaal wax lagu xallin karo.

Baaq nabadeed, dhamaan dadka walaalaha ah ee diritu ku dhex martey Dararweyne, wada-degana Gobolka Sanaag kuwaas oo deegaan, ahaan, dhalasho iyo noloshuba ka dhaxeyso, waxaan ugu baaqayaa inay ku soo dabaalaan colaadaa, nabad iyo wada noolaasho.

 

Waxaan ilaahay uga baryayaa inta dhimatay Janadii farduusa inuu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna in Illaahay bogsiiyo.
Waxan aad ugu damqanayaa dadkaa walaalaha ah ee ku dhimanaya colaaddaas, waxan mar labaad iyo mar sedexaadba ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee wada dega deegaannadaas inay colaadda joojiyaan.

Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (jaafaa)
Norwey, Kristiansand.