abdirashiidali

Laga soo bilaabo dhamaadkii dagaaladii koowaad iyo labaad ee dunida, waxa fagaaraha xadaaradeed ee caalamka weydaartey quwado dunida kajirey kuwaa oo ku hirdamayey hogaanka caalamka. Waxaa jaraha qabtay wadamadii ku guulaystey dagaalka, waxana xadaarada iyo hogaaminta dunidu gacanta u gashay wadamo cusub, kuwaa oo ugu horeeyo wadanka Mareykanka. Dawlada Mareykanka oo waqtigaas ahayd wadan awood ahaan iyo cilmi ahaanba dhismaya waxaa caqabad ku noqday quwadii Ruushku hogaaminayey ee Midowga Soviet kuwaa oo cilmi ahaan iyo dhaqaale ahaanba isku hortaagey hanashada quwada koowaad ee dunida.
Sanadahii 1960 kii waxay ahaayeen sanado uu jirey dagaal qadhaadh, dagaal kaasi ma ahayn mid hubaysan balse waxa uu ahaa dagaal aqoon ku dhisan. Waxaa lagaadhey heer loo tartamo dayaxa, guushaana waxaa qaaday ciidanka Mareykanka kadib markii sanadkii 1969 uu Niel Armstrong uu cagta dhigay dayaxa guudkiisa.
Tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad waxaa dawlada Maraykanku ku mashquulsanayd samaynta ururo iyo inay saamayn ku yeelato dunida. Bishii October 1945 kii waxaa dawlada Maraykanku hormuud ka ahayd asaaska ururka Qaramada Midoobey, waxana marmarsiinyo looga dhigayey in lagaga hortegayo si aanay dib udhicin masiibooyin lamid ah dagaalkii labaad ee aduunka.
Ururka Qaramada Midoobey waa urur ay ku jiraan 193 wadan, urur ahaan waa la balaadhiyey waxaana loo sameeyey laamo farabadan, laamaha ururka intooda badani waxay ahaayeen ururo dawli ahaa oo mareykanka hore uga jirey. Ururkani iminka waa awooda wadan kasta oo dunida ku yaalaa kadambeeyo xeerarkiisa. Wadanka ka horyimaada qawaaniinta ururkan, dunida kuma sii waaro, wadan aanu aqoonsana calankiisu ma sii jiro. Awoodkasta ha lahaadee ururkani ma aha mid awood ahaan loo simanyahay, awoodiisa ugu badan waxa si dadban iyo si daalacanba gacanta ugu haya wadanka Maraykanka oo bixiya dhaqaalaha ugu badan ee uu ururku ku hawlgalo. Ururkani waxa uu taageeraa nidaamka dimuqraadiyada oo ah nidaam uu Mareykanku hormuud ka yahay. Waxan loo aqoonsadaa wadanka aan nidaamka dimuqraadigu kajirin ee ku dhaqma xeer iyo nidaam uu isagu leeyahay ama mid caqiido inuu yahay wadan ka hadhay nidaamka cusub ee dunidu ku socoto (The new world order), waxana laga taliyaa dhagartiisa.
Dawlada Mareykanku iyada oo kaa shanaysa saaxiibadeeda reer Yurub, waxay dunida u samaysatay ururo hubiya isla markaana ansixiya waxkasta oo wadan dunida ku yaalaa soo saaro (Standardization bodies). Ururadaasi waxa ay xukumaan waxsoosaar kasta oo dunida lagu isticmaalo sida agabka, technologiyada, daawooyinka, cuntooyinka, dharka iwm. Waxa sidoo kale mamnuuc ah in uu suuqyada caalamka galo shay aan ruqsad ka haysan, ama ay shaqayso wershed aan ruqsad ka haysan ururadaa caalamiga ah.
Standarization waa luuqad caalamku iskula xiidhiidhaan si loo ogaado bedqabka, tayada iyo waxyeelada shayga. Tusaale ahaan hadii aad akhrido galka sare ee buskutka iwm, waxad ku arkaysaa waxaa hubisay ISO. Waa nidaam fiican in la hubiyo ashyaada laakiin, dawladaha reer galbeedku waxa ay nidaamkan u isticmaaleen sifo khaldan si ay ugu curyaamiyaan wadamada soo koraya waxsoosaarkooda, waa in ugu horeyn ay soo maraan ururada caalamiga ah ee qaabilsan hubinta, kuwaa oo si cad u hoostaga dawlada Mareykanka iyo Midowga Yurub. Ururadaa hubinta iyo sharciyaynta waxsoosaarka waxaa kamid ah ISO, IEC, IEEE, ITU, FCC, W3C, UPU, AEEC, CEN, ETSI iwm.
Sanadkii 1990 kii waxaa suuqyada caalamka soo galay nidaam cusub oo isgaadhsiineed kaas oo ah shebekeda internet ka oo waxbadan u fududaysay dawlada Maraykanka, hadii ay ahaan lahayd dhaqaale ahaan iyo difaac ahaanba. Internetku waa nidaam isgaadhsiineed oo dad badani u haystaan isgaadhsiin madaxbanaan, balse taa bedelkeeda ma aha shebekad madaxbanaan waxa ay si cad u hoos tagtaa wasaarada difaaca ee Mareykanka. Waxaa dawlada Maraykanku gacanta ku haysaa dhamaanba serverada waaweyn ee lagu kaydiyo xogta caalamka. Awoodahaa badan ee Mareykanku ku maamulaan caalamka waxa ay dunida ka dhigtay mid dhaqaale ahaan, aqoon ahaan iyo fekered ahaanba u afduuban wadamada reer galbeedka.

sabradiin@gmail.com