Araweelo News Network.

W/Q. Mohamed D. Salah

Waxaan ka mid ahaa dadka fursadda u helay inay xogogaal u noqdaan hawlaha diiwaangelinta gaar ahaan gobolka Sanaag oo aan booqday wakhti dheer ka dib. Dhacdooyin ugub ku ah hannaanka doorashooyinka iyo horumar badan ayaa is hareer socday. Toddobaadkii ugu horreeyey bishan January waxaa magaalada Ceerigaabo la geeyey qalabka diiwaangelinta iyo shaqaalaha ka hawlgelaya ee la tababaray iyo weliba shaqaalaha guddida doorashada. Qaar ka mida shaqaalahaas ayay ahayd markii ugu horraysay ee ay magaaladan booqdaan.

Alt: Araweelo News Network

Kormeerka diiwaangelinta sanaag

Guddida amniga ee gobolka Sanaag ayaa talooyin amni ka soo saaray goobaha amni ahaan la geyn karo diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo goobaha aan la geyn Karin. Waxaana goobihii guddida amniga ee gobolka Sanaag ay ku taliyeen in baajiyo ka mid ahaa, guud ahaan diiwaangelinta la qorsheeyey inay ka dhacdo degmada Laasqoray, ugu dambayna waa la raacay taladii amni.

 

Arrimaha la yaabka leh ee aan la kulmay intii diiwaangelintu ka socotay gobolka Sanaag waxaa ka mid ahaan, dhaqan ku cusub hannaanka doorashooyinka Somaliland, kaas oo ah, in xubin ka mida Guddida Doorashada oo kaashanaysa Wasiir ka tirsan xukuumadda madaxweyne Biixi oo labadooduba dhalasho ahaan ka soo jeeda bariga Sanaag inay ku taliyeen inaan la geyn Karin deegaanada bariga Sanaag, shaqaalihii guddida doorashada ee loo tababaray hawlaha diiwaangelinta ee ka soo shaqeeyey gobollada kale ee Somaliland iyaga oo ku dooday inaanay amnigooda qaadi Karin.

Xubinta ka tirsan guddida Doorashada Maxamuud Cabdi Daahir oo kaashanaya wasiir Xigeenka Gaadiidka ayaa soo bandhigay liis shaqaale ah oo u dhashay deegaanada bariga Sanaag, oo ay soo jeediyey in dhalinyaradaas loo dhiibo agabka diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Dood dheer ka dib, go’aankaas ayaa lama huraan noqday. shaqaalihii loo tababaray diiwaangelinta ee ay ahayd inay Bariga Sanaag tagaan ayaa lagaga tegey magaalada Ceerigaabo.

Waxaa Ayaan darro ah in qaybo ka mida Somaliland, oo diiwaangelini ka dhacayso in isla guddidii doorashadu soo jeediyo in beesha deegaanku ay iyadoo keliyi is diiwaangeliso.

Maxaa u diidaya gobollada kale ee Somaliland inay tallaabo noocaas oo kale ah qaadaan, haddiiba Bariga Sanaag sidaas laga aqbalay oo lagu heshiiyey in ciidan, shaqaale iyo masuuliyiin isku deegaan ahi ay diiwaangelinta iyo kormeerkooda ka soo fuliyaan dhulkooda.

 

Qodobka labaad ee u baahan in si weyn hoos loogu eego ayaa ah, in markii ay dhamaatay afartii maalmood ee diinwaangelinta codbixiyayaashu ee la gaadhay maalmaha dheeriga ah ee ay guddida doorashadu ku daraan si loo sii wado diiwaangelinta goobaha dadku ku badan yahay, inay dhacday in guddida Amniga ee gobolka Sanaag ay ku taliyeen in sanaaduuqda ama agabka doorashada ee bariga Sanaag in badankooda la soo xereeyo, iyaga oo sheegay inaanay amni ahaan qaadi Karin masuuliyadooda.

Hase ahaatee waxaa arrintaas ku gacan saydhay Xubinta ka tirsan guddida doorashada ee ka soo jeeda deegaanka bariga Sanaag oo sheegay in la kordhiyo goobo diiwaangelineed oo ku yaalla agagaarka degmada Badhan kuwaas oo guddida amniga ee gobolka Sanaag ay ku taliyeen in la soo xereeyo.

 

Arrinta aadka loola yaabo ayaa ah, in mid ka mida agabkii diiwaangelinta ee saraakiisha amnigu ka digeen, isla markaana Xubinta Guddida Doorashadu uu ku adkaystay in wakhtiga loo kordhiyo, inay la baxsadeen isla shaqaalihii deegaanka ee gacanta ku hayey, iyada oo aan wax rabshad ahi ka dhicin, waxayna la tageen degmada Badhan, halkaas oo haatan ay kula jiraan gorgortan, masuuliyiinta Puntland.

Inkasta oo wararka qaarkood ay xaqiijiyeen inaan guddida doorashadu ku wada socon, haddana illaa haatan guddidu arrintan way qariyeen, warbaahintana umay sheegin, kamana hadlin in sanduuq lagala baxsaday, iyaga oo asturaya fadeexadda uu ku kacay mid ka mida xubnaha guddidooda oo ka horyimi talooyinkii amni ee ahaa in la soo xereeyo sanduuqaas. Arrintan ayaa ah, halis kale oo mustaqbalka keeni karta in sanaadiiqda codbixinta si fudud loola baxsan karo.

Xukuumadda Somaliland ayaa lacag gaadhaysa $200,000 ku bixisay diiwaangelinta deegaanada bariga Sanaag, waana sababta keentay in Xubinta ka tirsan guddida doorashada iyo Wasiirada bariga Sanaag inay ku taliyaan in magaalada Ceergaabo lagu reebo shaqaalaha aan u dhalan bariga Sanaag, lacagtaas ayaa gacanta u gashay hoggaanka ciidamada ee ku sugan bariga Sanaag, Xubinta Guddida Doorashada iyo masuuliyiinta dawlada ka socday.

Waa safarkaygii ugu horreeyey ee aan qurbaha kaga tago ee aan dalka hooyo ku tago diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxay ii lahayd waayo aragnimo badan, hase ahaatee waxaan la guryo noqonayaa aniga oo ka werwersan, habka masuuliyiinta dawladdu u maamulayaan gobolka Sanaag, taas oo aad mooddo inay halis gelin karo nidaamkeena doorasho ama laga baranayo caadooyin xunxun.

 

Guddida Doorashada waxaa horyaalla oo ay tahay inay ka jawaabaan suaalo badan oo ka marag kacaya daahfurnaanta guddida doorashada sida, Sababta keentay in shaqaalihii la tababaray looga tegey magaalada Ceerigaabo oo shaqaale hal deegaan ka soo jeeda loogu aaminay agabka diiwaangelinta? Haddii deegaan kale sida Awdal ama Saaxil ay codsadaan in shaqaale deegaankooda ka soo jeedaa ay doorashada ka qabtaan gobolkooda, sharciga ay ugu diidayaan?

Sida loo maamulay lacagta la sheegay in Xukuumaddu bixisay? Haddii guddida amniga iyo saraakiisha milaterigu sheegeen in sanduuqa lala baxsaday la soo xereeyo sababta keentay in Xubin ka tirsan Guddida doorashadu inay ku adkaysato?

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Mohamed D. Salah

Ceerigaabo, Sanaag

hornpress@gmail.com