Share this:

" />
Published On: Sat, Aug 17th, 2019

Gorfaynta Buugga Aaya-reeb Laba Cirmaalka Buraad

Smiley face

W/Q. Cabdinaasir  Axmed Abraham

MAHADNAQ EEBBE IYO BARIIDO

Mahad idilkeed Alle ayaa mutaystay anna waxa aan ahay addoonkiisii dhac-dhaca iyo dheel-dheeliga badnaaye ugu horreyn aan ka tuugo in uu sur-ma-seegtooyinkayga inta aan ku guda jiro falanqayntan igu asturo. Intaa kaddib,  aan bariido gacaltoonyo xeebta Djibouti idiinka soo hadyeeyo, waxa aan rajaynaa in waa-san idiinku baryay guud ahaan geyiga. 


HORDHAC Buuggan Cirmaalka Buraad wuxuu kulmiyay cilmiyo kala jaad-jaad ah oo kala geddisan, qofka sida ugu wanaagsan falanqayn ama lafo-gur ugu samayn karaana waa qof ugu yaraan culuumtaa wax uga baxsan yihiin ama fahan wanaagsan ka haysta.  Arrimaha aadka u xiisaha badan ee buuggu wax ka xusayna waxa ka mid ah; 


▪ Aragtida Soomaalida ee fahanka wakhtiga oo runtii aad u yaab badan wax badanna kaga geddisan tan Sayniska ee hadda reer Galbeedku innagu hoggaamiyaan. Waxa aanan ku tilmaamay anigu, “Somali philosophical Understanding of Time” Waa aragti maraggeeda iyo xujooyinkeeda wadata oo buuggu faahfaahiyay. ▪ Aragtiyo Fisikis ah oo hadda aragtiyo ku eg “Theoretical physics” haddii se baadhitaanno cilmiyeed lagu sameeyo ay suurto gal tahay in aqoon laga dhalaaliyo laga na gun gaadho runnimadooda. ▪ Cilmiga deegaanka iyo sida uu iskugu xidhan yahay ama isku saameeyo. “Ecology and ecosystem” ▪ Aqoonta la xidhiidhna Hidda-sidaha “”Genatics” iyo fahanka Soomaalidu ka haystay inta uu gaadhsiisnaa. ▪ Goorayntii Soomaalida iyo Afar iyo labaatanka saac mid walba magaca ay ula baxeen. ▪ Sooyaalka xiddigiska Soomaalida Arrimo  kale oo door ah oo buugga Cirmaalka Buraad ku qoranna hoosta ayaan kaga hadli doonaa
Silsiladda buugta ee AAYO-REEB buuggeeda labaad ee “Cirmaalka Buraad” Waxa lagu tarmiyay Djibouti, sannaddii 2018. Waxa qoray Ibraahim Axmed Cali. Wuxuu ka kooban yahay 530 bog.      

Dahaadhka oogada sare ee buugga foolka hore waxa ili-qabatin leh oo aad sheedda ka arkaysaa AAYA-REEB LABA oo far waaweyn oo dhiin ah ku xardhan iyo CIRMAAALKA BURAAD oo iyana khad madaw ku qoran.  Labadan magac dhexdooda waxa yaal sawir khariirraddii dunida ah oo u eg buul-soomaali udub dhexaadkiisa korka laga arkayo. Kaas oo badhtankiisu geyiga Soomaalidu degto ku aaddan, waxaanu muuqaalkaasi igu dhaliyay dareen ah in dhulkeennu badhtamaha khariirradda dunida dhaco. Taasina waxa ay i xasuusisay sheeko aalaa ba barbaarta Soomaalida lagu habi jiray idil ahaanna ku baahday deegaanno aad u kala fog, dulucdeeduna daarnayd; In Alle innagu beeray dhul ahmiyad juquraafi istaraatajiyaddeed leh. Geesta kale waxa dahaadhka buugga roggiisa dhabarka meel cidhifka midig ah saaran sawir marka ugu horreysa ee aad isha ku dhufato ba aad u aqoonsanayso wiil Soomaali timihiisu sidii hafrooga la odhan jiray u go’an yihiin oo gacantiisa midig dhafoorka saaray, dhoola-caddaynna ku daray,  midabkiisuna maarriin yahay oo gadaashiisa cir darruuro teel-teel ah lihi ka muuqdo. 


Da’diisu qiyaastii weli kama bixin da’dii layliga (40) haddaad buugga akhrido sawirkana aad aragto xogta buugga ku qoran wiilkan yar baa soo ururiyay marna maskaxdaada ku soo dhici mayso. Hadda ba aynu oogada sare ee buugga dhaafno oo gudaha u galnee, bal aan ugu dambayn eegno kaalinta midabka jaldiga.  Midabka jaldiga oo dambari caddaan maag ah ayaa qayb laxaad leh ka qaatay bilicda aanay ishu sahalka u dhaafi karayn ee oogada buugga Cirmaalka Buraad.  

Maadaama, kacdoon xooggan oo dhinaca qoraalka ah guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ka curtay, dad badanna ay u holladeen in ay wax qoraan. Isla-markaa, qoraalku ka mid noqday wararka ugu xiisaha badan, ugu na hadal-haynta badan. Inkasta oo aan qof ahaan jeclaan lahaa in dadku akhriska iyo qoraalka ay mudnaanta siiyaan akhriska. Isla kolkaa ay wax qoraan dadka ugu akhriska badan; sababtuna waxa weeyaan xogta ugu badan iyagaa helaya. Walaw, hadda dadkii wax akhriyi lahaa ay wax qoreen, kuwii wax qori lahaana ay wax akhriyaan. Is-maan-dhaafkaasi wuxu keenay in buug badan oo soo baxday ay madhnaadaan oo magac kaliya uun ahaadaan.Hasa yeeshee, buuggan CIRMAALKA BURAAD waa mid idil ahaan ba ka geddisan buugtii indhawaale aqoon-yahanku daabacayeen, mawduuc ahaan iyo macne ahaan ba. Sida oo kale, qoraaga laftiisa ayaa leh shakhsiyad jaad-gooni ah oo ay sumad u tahay aqoon, karti, dul iyo dedaal. 


 Ibraahim Axmed Cali waa qof ay ku beeran tahay oo ay dhiiggiisa raacday JACAYLKA XIKMADDU. Sidaa darteed, ayay buuggiisii ugu horreeyay ee KAB-DHEXEEYE iyo kan haatan aan falanqayntiisa u tafo-xaytay ee la magac baxay CIRMAALKA BURAAD ba u yihiin kuwo ummadda Soomaaliyeed manaafacaad u leh. Waxa aanay ku soo beegmeen xilli baahi laxaad leh loo qabo, in ummaddu is-daba-qabatayso oo tirada ka gedmatay dib u saxato. 


Asaraar kuma jiro in ummad ahaan aan boqoolka asaaggeen ka gaabinnay haddii sababta dib-u-dhaceenna la i weydiin lahaana waxa aan u sibir-saari lahaa in aan aqoontii iyo waayo-aragnimadii nololeel ee dhaxalka awoow ahayd dayacnay,  kana door-bidnay mid dool innuugu timi oo ergis innagu ah, wali ba aan u badaniyo in aanay ku saan-go’nayn dhaqankeenna, duruufteenna iyo waayaheenna nololeed. Taasina waxa ay inna dhaxal siisay doc kasta oo nolosha ka mid ah ba in aan caydh ka noqonno. Hadda ba buuggan CIRMAALKA BURAAD iyo dhiggiisa uu hoggaaminayaa waa kuwo aan aaminsanahay in ay inna xoraynayaan, isla markaa farta innuugu fiiqayaan jidkii toobiyaha ahaa ee aan ka ambannay ama cadowgu ba innaga duway, kaasi oo ahaa mid aan hore ugu badhaadhnay. 


EREYGA  MADAXWEYNAHA 
…Ka sokow fahanka aad u sarreeya ee dhaqanka ee madaxweyne Geelle waxa aniga i soo jiitay laba qodob oo aan u maleeyay in ay bogaadin mudan yihiin. kuwaas oo kala ah; 
1. Madaxweynuhu ereygiisa buugga wuxuu ku xusay dedaalkii Afka ee xukuumaddii Kacaanka ee uu gadhwadenka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre kaasi oo uu bogaadiyay, hore na buug uu Aw jaamac Cumer Ciise qoray oo uu madaxweynuhu isna erey ka yidhi ayaan isla farriintan ku arkay.  Taasina waxa ay muujinaysaa astaan gobonnimo oo farta ku fiiqaysa wixii dedaal kaa horreeyay in aad ciddii lahayd ku xusto kuna ammaanto. 


2. Sida aqoon-yahankii cilmiga Xiddigiska iyana dedaalka naf hurka ah geliyay uu u bogaadiyay ayaan ku diirsaday kuwaas oo uu ka xusay;● Xaaji Muuse Ismaaciil Galaal,● Dirir Faarax Aadan,● Xasan Xagaa Idiris, ● Wacays Guuleed Abtidoon. 
Ugu dambaynna murti-maahmaaheed miisaankeedu aad iyo aad u culus yahay oo sidan u taallay ” Reer Sahay la’aan waa la raraaye, sahan la’aan se maya” ayuu Madaxweynuhu ku soo afmeeray ereygii uu buugga Cirmaalka Buraad ka yidhi. 
Falanqaynta Cirmaalka Buraad cufka iyo culayska culuumta ku dhitaysan buugga ayaa igu kallifaya in aan dhawr qormo u kala jabiyo, tan ugu horreysana waxa aan ku ekaan doonaa uun fahankayga guud ee buugga in aan kor-ka-xaadis idiinku sameeyo iyo in aan idin la wadaago qaybta ugu horreysa ee buugga cutubyada hore qaar ka mid ah. Hasa yeeshee, akhriskayga iyo fahankayga buugga oo weli socda dartood waxa aan qaybaha kale idin la wadaagi hadba sida ay iigu suurto-gasho. 


CIRMAALKA BURAAD wuxuu daaha ka faydayaa ilbaxnimo guun ahayd oo xirfado heerkoodu sarreeyo adeegsan jirtay in Soomaalidu lahayd hadda se ay ka arradan tahay, faro-madhanna ka joogto. Dhigaalka buuggu wuxuu maan-godlayaa xasuusteenna dheer bal si ay korka maskaxdu u soo mariso wixii qof kasta ba raad uu ka maqlay ilbaxnimadaa duntay ee ab-ogaaga ahayd. 


CIRMAALKA BURAAD wuxu bakhti-afuufayaa culuum iyo ereyo xabaasha qarka u saarnaa haatan se la daba-qabatayn karo. Ciilow ba’aye! waa wax aan muran la gelin karin in afkeenna maalin ba qaybi go’ayso ama lumayso haddii aynaan ka daba-tagin sida buugganna  gaar aan loo bartilmaameedsan ereyada halista daaqaya. “Maxaa sheeko taabud ahTawraadi faallaynWeli nebina soo tebin,Kaa tasoobay oo lumay!”(AHN) Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Taabud. 1972. 


Cirmaalka Buraad wuxuu ka hadlayaa sooyaalka Soomaalida ee adeegsiga labada Ilaysleyaal ee Dayaxa iyo Cadceedda, iyaga oo marna isku milan marna kala soocan, sida oo kale qoraagu wuxuu kala caddeeyay bilaha iyo sida deegaannada looga kala isticmaalo iyo wali ba taariikhdooda. 


Cirmaalka Buraad wuxuu wax ka tibaaxaa noocyada kala geddisan ee cimilada deegaannada dhulka Soomaalidu degto isaga oo u qaybiyay toddoba nooc. Sida oo kale xilliyada roobabka la helo gu’ iyo jiilaal ba isaga oo sharrax waafi ah ka bixiyay aad na u sii dhex galay. 


Cirmaalka Buraad waxa kale oo iyana si hagaagsan u iftiimanayaa wax ka) ogaanshaha (28-ka) gob iyo habka wax looga sheego cimilo ahaan iyo dhalasho ahaan ba. 
Garasho dhaqan waa cutubka kowaad ee buugga markaan akhriyay waxa aan la dhaygagay sida xeesha-dheer ee qoraaga buuggu u fahansan yahay una soo tebiyay xogta dhaqanka ku saabsan. Sharraxa waafiga ah ee uu culuumta dhaqanka Soomaaliyeed ka bixiyay aniga oo buug door ah oo arrimahaa wax ka qoray soo akhriyay way ka duwannayd dhammaan dhigaalladii hore ee aan soo arkay.  Hab cilmiyaysan, farshaxannimo qoraal ka muuqato, Af-soomaali badhax-tiran oo aan af qalaad erey ka soo ergisannayn ayuu qoraagu innagu durduursiyay xogaha amakaagga badan ee idil ahaan innaga dahsoonaa. 


AFWAANTA DHAQANKA/  Oral Tradition  Wali waxa aan ku guda jirnaa “Garasho Dhaqane” Erey aan qof ahaan in badan baadi-doon ugu jiray oo aan la’aa ayaan si sahlan buugga Cirmaalka Buraad uga helay afka faranjiga ayaan ku hayay oo ahaa”Oral Tradition” waxa aan se soo qaban la’aa dhiggiisa afkeenna hooyo oo ah, Afwaanta dhaqanka. Si kasta ba ahaatee, Cirmaalka  Buraad wuxuu Afwaanta Dhaqanka u sharxay sidan, AFWAANTA DHAQANKU; Waa wixii aqoon ah ee afka lagu wariyo ama aqoonta kale ee la isaga reebo farsamo ahaan ee fac ba facii ka horreeyay ka reebo aabbo iyo hooyo ba. Afwaanta waxa uu u qaybiyay laba qaybood oo kala ah; 


1. XAREED; Waa wixii Alle soo dejiyay ee cilmi diineed ah oo Alle dadka ugu deeqay. ( Alle-keen) 
2. BIRQOD; Wixii uu Aadamuhu kala soo dhex baxay wixii Alle soo dejiyay iyo wixii isagu uu dedaal ku helay. (Aadame-keen)  odayyadu waxa ay cilmigaa u yaqaannaan Afwaan oo u kala baxa laba nooc oo kala ah; 
● MADAX-MAAL; Waa aqoonta lagu garan karo madaxa ee aan la taaban karin. ● MUUQ-MAAL; Waa aqoonta isha iyo maanku ba arkaan addinkana lagu taabto. sida hadhaaga ummadihii hore raadadka iyo sooyaalkoodii hore. 
Aqoontii Jiyoolajiga ee Soomaalidu u lahayd gudaha dhulka iyo oogadiisa walxa saaran bal intan aan idinka dhadhansiiyo macaankeedii. Wixii intaa dheerna waxa aad ka sii akhriyi doontaan buugga. 


Dhadhaabyo waxa uu buuggu u kala saaray saddex jaad oo kala ah; ●Dhadhaab Shiileed,● Dhadhaab Lakabeeda,● Dhadhaab Dhalanrogan. 


-DHADHAAB SHIILEED; Waxa ay ku samaysantaa dhulka gudahiisa waxa ayna u qaybsantaa laba qaybood oo waaweyn. 


☆DAHSOONAYAAL;  waxa ay ku qaboobeen(barafoobeen) meelo hoose oo ay galshooyin ka samaysteen lakabyadii ka sarreeyay si tartiib ahna ay u qaboobeen oo ay yeesheen wiriqyo waaweyn. Hadda ba marka burbur guur ku dhaco ayay dhadhaabahaasi oogada dhulka u soo baxaan.
☆ DABADYAALLO; waa kuwa dhulka dushiisa u soo baxay oo ku dul qaboobay ama barafoobay. 


DHADHAAB LAKABEEDKU; wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood oo kala ah 1. Dabayl-tuul oo iyana saddex u qabsan ta, – Wabi-tuul-Baraf-tuul -Bad-tuul 2. Noola samays oo iyana laba u kala baxda. -Noole; dugaag, dad, duunyo, waa kuwo xayawaanku samayskooda kaalin ku leeyihiin. -Noole;  waa kuwa samayskooda ay kaalin ku leeyihiin dhirtu sida dhuxul dhuleedka. 


● DHADHAAB DHALAN ROGAN: Asalkeedii hore waxa ay ahayd dhadhaab shiileed ama dhadhaab lakabbeed, hasa ahaatee muuqaalkoodii ama samayskoodii baa dhalan-rogmaday oo is-beddel ku dhacay waxaana keenay kulka iyo culayska ku yimid awgeed. Marka ay dhadhaabuhu sidaa u kala baxaan waxa jira kuwa la yidhaa dhadhaab-macdaneed, marka hore macdan walba waxa ay ku jirtaa dhadhaab ama dhagax , sida oo kale waxa la yidhaa dhadhaab wali ba macdan bay ka kooban tahay, macdantuna waxay ka kooban tahay waxyaabo ma nooleyaal ah, dhadhaabtuna waxay ka kooban tahay macdano iskugu jira mid laba iyo in ka badan. Halkan ayaan ku xusaynaa shan dhagax oo faa’iido leh waxayna kala yihiin; 1. DHAGAX-MALAASEED: Waa dhagax dhalan-rogan Soomaalidu inta badan timaha ayay ku caddeysataa, wuxuu Idiris Giirre Faarax igu yidhi: ” Dhagaxan waxa laga sameeyaa bootarka jidhka  saabuunta iyo balaastarka Kabaha.” 


2. DHAGAX-DHEEMAN: Waa dhadhaab lakabeed oo ah dhagax-quruxeed caddaan ama casaan ah, Idiris Giirre wuxuu igu yidhi:” Waxa laga sameeyaa jigraha riiggu wax ku qodo.” 


3. DhAGAX-XARAGEED: Waa dhadhaab lakabeed, Dr. Idiris Giirre Wuxuu igu yidhi:”Waa dhagax sibidhka laga sameeyo, dhulkeenna aad iyo aad ayuu ugu badan yahay.” 
4. DHAGAX-DAHABEED: Waa dhadhaab lakabeed hasa yeeshee intiisa badani waa dhadhaab-shiileed. 
5. DHAGAX-JIBIS: Waa dhadhaab lakabeed waxa loo isticmaalaa farshaxanka ranjina waa laga sameeyaa….
Sida oo kale waxa jirta dhagax la muuneeyo oo buuggu xusay waxaana ka mid ah kuwan hoose. 


DHAGAXDA LA MUUNEEYAY1. Dhagaxa Foosha ama xabrid 2. Dhagaxa Cagtaan 3. Dhagaxa Kulmis 4. Dhagaxa Sandalool5. Dhagaxa Abees 6. Dhagax Karaan 7. Dhagax Dhiig8. Dhagax Canbar 9. Dhagax Mayax ama dhagax-adhi 10. Dhagax Bey 11. Dhagax Lo’aad 12. Dhagax Geed ama gorof geel13. Dhagax Durmi 14. Dhagax-Wadneed 15. Dhagax-Sood 16. Dhagax-Good
LA SOCO…
MAGAN ALLE

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp