Waxa fiican in waxqabadka loo daayo dawladda oo aan lagu shinbira-waaqlay si kaabayaasha dhaqaalaha loo horumariyo, tusaale ahaan waxa dhacda marka ay xkuumaddu doonay in ay deegaan wax u qabato, sida metelan iyadoo tidhi, “Tuulo Heblaayo, waxaanu ku deeqnay Gaadhi, ama Caggaf”, waxa dhacda iyadoo aan deegaankii loo balanqaaday waxba soo gaadhiin in dhawr deegaan oo kale qayliyaan, kadib wixiiba la waayo.

Xukuumaddii hore ee Somaliland, ayaa magaalada xeebta ah ee Maydh ka samaysay Mishiino Qaboobiyayaal, iyadoo xilligaa ay mashruuca ku jirtay in Magaalada Maydh ee qadiimka ah laga samaynayo Deked Kaluun (Fishing Jetty) oo inata baddan ka samaysayn Loox ama dhagax, haatana waxan maqlayay waxa la hirgelinayaa oo Maydh laga samaynaa Dekeda sida weyn baahida loogu qabo, taas oo aan filayo in ay wax weyn ka tari-doonto horumarka dhanka dhaqaalaha ee deegaankaa iyo dalkaba, isla markaana suuratgelinay in Kaluumaysatadu ka faa’idaysataan.

Haddaba waxa hubaal ah in haddii Maydh noqoto Deked Kaluumaysi oo halkaa laga hirgeliyo (Maydh Fishing Jetty), iyadoo ay burburtay deked Loox ah oo ay magaalada Maydh hore u lahayd xilligii ay Somaliland maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Midawday ee Britain,.

Fursada Maydh, waxa  hubaal ah ay ferej u noqonay xeebaha hareeha ka xigga ee iyaguna qadiimka ah ee la ilaaway, waxaana  magaalada ay mataanaha yihiin ee iyaduna qadiimka ah ee Xiis ay noqonay (Dry Dock), maadaama ay Xiis tahay meel ku haboon oo dabiici ah in ay yeelato goobta lagu haggaajiyo Maraakiibta iyo Doonayaha, isla markaana ay xiis leedahay deked Dabiici ah sida goobta la Macaajileenka, oo xilliga dabaylaha waaweyni badda ka dhacyaan ay gaadiidku kaga gabadaan, halka Ceelaayo oo duleedka Bari kaga beegan Maydh ay noqonay (Cost guard Station), xarun saldhig muhiim ah oo ciidanka xeebaha fadhiisin u ah.

Sidaa awgeed, waxaan bulshada usoo jeedinayaa in waxqabadka dawladda loo daayo oo yaan la carqaladayn.

 

 

By Admiral Abdirahman Ali Farah (Ali Madobe)