cabdikariinjaahuur

Shacabka reer Somaliland ayaa waxay aad isku weydiinayaan xil-ka-qaadista Xisaabiyihii guud ee qaranka Prof. Maxamed Cabdi Bade iyo sababta keentay.
Xisaabiye Bade waxa uu ahaa barafasoor aqoon sare leh oo ku fiican xilka uu yahay qaranka, dadkuna aad ula dhaceen shaqadiisa, waxaannu ku caan-baxay daacadnimo, xil-kasnimo kartiyi ku dheehan tahay. Muddadii uu xilka hayay wax khalad ah laguma helin, waxaanay dadku is-weydiinayaan sababta xilka looga qaadayo dadka shaqooyinkooda ku wanaagsan, isla markaana loo deynayo kuwa ku fashilmay hawshii loo igmaday!
Prof. Bade waxa uu in badan ku tallo bixiyay sidii loo xakameyn lahaa sicir-bararka seetada goostay oo farsamo ahaan ay tahay takhasuskiisa, haseyeeshee aannu u gacan bannaanayn xakameyntiisa, waxa uu markasta isku dayi jirey sidii dabar xakameeya loogu heli lahaa sicir-bararka, la isuguna miisaami lahaa waxa ka baxaya xukuumadda iyo waxa soo galayaa.
Ninkii qaranka sidaas ugu fikirayay ayaa waxay beddelkiisu noqday in xilka laga qaado, waxaana is-noqon waayay wixii xukuumaddu doonaysay iyo wixii shaqadu doonaysay.
Xukuumadda taagta daran ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddo xileedkeedii dhammaaday ayaa waxay sii ciir-ciiritaana iyo indho la’aana u jiidhaysa dad muhiim u ah qaranka.
Prof. Badde muddadii uu xilka hayay waxa uu ahaa saraakiisa ugu sareysa ee Maasaaniyadda qaranka dejiya, isla markaana kor-u-qaaday 2011-kii ilaa 2016-kii, waxaanan ku tilmaami karnaa inuu yahay masuulka kaliya ee nidaamiyay hab-xisaabeedka dalka oo aad u liitay markii uu xilka qabtay. Waxaanu waafajiyay nidaam xisaabeedka caalamiga ah ee ka caagan musuqmaasuqa, waxa kaloo uu fikirkeeda lahaa dhismaha xarunta Xisaabaadka Guud ee Qaran iyo xarumaha Maaliyadaha ee Boorama iyo Gabiley.
Waxa uu hormuud ka ahaa Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta ee Jaamacadda Cammuud, waana macallinkii Jaamiciyiinta da’ada yar ee reer Somaliland ee imminka shaqeeya, waxa uu baal-dahaba kaga qoran yahay taariikhda Somaliland, waana hantida uu qarankani leeyahay sinnaba lagu ilaabi doonin.
Qallinkii Cabdikariin-JAAHUUR
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email:Hayannews@gmail.com