Qore: Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)

Sida la ogyahay waxa ay hoggaanka ugu sareeya xisbiga WADDANI ee ku ololeeyaan isbeddel ayaannu samaynaa oo aannu ka dhalinaynaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland, haddaba waxa aan dul istaagayaa erayga isbeddel amma cidda keeni karta, balse marka hore waa kee xisbiga isbeddel ka dhacay dhexdiisa amma isbeddel lagu sameeyey hoggaankiisa?
Haddii aan su’aashaas ka jawaabo, xisbiga KULMIYE waa xisbiga qudha ee isbeddel ka dhacay gudihiisa marka la eego saddexda xisbi qaran ee ka jira dalka Somaliland, waxaanna KULMIYE u sharaxan murrashax cusub oo aan ahayn murrashaxii KULMIYE uga qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee uu hore ugu guulaystay sannadkii 2010-kii, kaasoo ahaa madaxweyne Axmed Silaanyo, waxaanna maanta u sharaxan Md. Muuse Biixi Cabdi.
Haddaba, waxa la yaab leh inuu isbeddel sheegto amma sheegtay xisbiyo ay murrashax u yihiin nimankii aasaasay, gaar ahaan haddii aan dul istaago hoggaanka xisbiga WADDANI, waxa u sharaxan Md. Cabdiraxmaan Cirro, waana guddoomiyihii Golaha Wakiillada hor fadhiyey muddo 12 sanno ah, Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, waana mudane ka tirsan Golaha Wakiillada la soo doortay sannadkii 2005-kii, isagoo sidoo kale ka soo tirsanaa Golihii Wakiillada ee kan ka horeeyey oo uu weliba ka tirsanaa xubnihii shirguddoonka.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI waa Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada Somaliland, Xoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde wuxuu ahaa maayir-ku-xigeenkii caasimadda Hargeysa muddo ka badan 10 sanno, halka murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Cali oo qudha uu yahay masuul ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland.
Haddaba, hoggaanka xisbiga WADDANI ma hoggaan isbeddel keeni karaa, mise waa siyaasiyiin xilal hore soo maray oo kursiga ka degay shalay, qaarna ilaa imminka xilal u hayaan qaranka Somaliland? Haddii aan dul istaago hoggaanka xisbiga KULMIYE murrashaxiisa imminka tartamaya waa Muuse Biixi Cabdi, waxaanna xil uu qaranka u soo qabtay ugu dambeeyey muddo ilaa 20 sanno ah, waqtigaas oo uu ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ku guulaystay hub-ka-dhigistii maleeshiyaadkii waqtigaas ka jiray Somaliland, door weyna ku lahaa aasaaska ciidammada kala duwan ee qaranka, maamul u samaynta dalka, isagoo laga soo bilaabo waqtigaas ilaa imminka uu lahaa han madaxweynenimo, manuu hungurayn xil amma kursi intaas ka hooseeya, sida wasiir, kursi baarlamaan iyo wixii la mid ah.
Haddii aan soo qaato Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxa xil uu qaranka u soo qabtay ugu dambaysay qiyaastii ilaa 25 sanno, iyadoo intaas oo dhan uu hankiisu ahaa inuu ka shaqeeyo danaha guud ee qaranka, dhismaha xisbiyada qaranka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hano qaaday Somaliland, sidoo kale Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf weligiiba xil ummadeed sooma qaban, balse waxa uu ka mid yahay hormuudkii doorka weyn ka soo qaatay dhismaha saxaafadda madaxbannaan ee dalka Somaliland, waana dadka hadda dhallin kara isbeddelka iyo horumarka Somaliland hiigsanayso.
Madaxweyne-ku-xigeenka dalka, ahna murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Saylici oo qudha ayaa xil ummadeed ka haya hoggaanka KULMIYE, isaguna waxa uu waayo-aragnimo maamul iyo siyaasadeed dheer yahay murrashaxiinta xisbiyada kale ee WADDANI iyo UCID.
Haddii aan intaas ku dhaafo isbarbar-dhigga labada hoggaan ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, waxa isna aaan dul istaagi doonaa xisbiga UCID oo uu murrashax Madaxweyne u yahay Eng. Faysal Cali-waraabe, waana murrashax saddex jeer tartan galay, markaa waa la garan karaa isbeddelka uu keeni karo oo isaga ayaa naftiisa iyo korkiisa isbeddel ku samayn lahaa.
Sidaa darteed, wax isbeddel ah uma keeni karo Somaliland, inkasta oo uu wax badan kaga duwan yahay murrashaxa xisbiga WADDANI, markaa waxa loo baahan yahay in si fiican loo qiimeeyo murrashaxiinta codka innaga doonaya, lana kala barto waxa ay ku kala duwan yihiin amma nuxurka ku jira hadalka ay u jeediyaan bulshada iyo fikirka ay xambaarsan yihiinba, mana aha in qofku sheego wax aan isagaba ka muuqan amma aannu ku dhaqmin.
Waxa ayaan-darro ah in olole lagu galo eray amma hadal aan xiitaa runtaba u dhawayn, waana in murrashaxu sheego waxa uu kaga duwan yahay murrashaxiinta kale ee ka soo horjeeda, balse maaha inuu shaqsi caayo amma uu ummadda u sheego wax aan jirin iyo ballanqaadyo been ah, waxa kaloo aan habboonayn in qof murrashax ah ku ololeeyo hadalo kicin dadweyne ah, dadkana soo xasuusiyo dagaaladii sokeeye iyo colaadihii laga bogsaday, la iskana saamaxay.
Waxa kaloo ayaan-darro ah in nin murrashax xisbi ah uu ku dhaarto inuu codka ugu badan ka helayo Gabilay. Yaa u sheegay inuu codka ugu badan helayo, ilayn waa wax qaybka ku xidhan amma gacan uur ku jirtee? Inkasta oo aanay dhaartu sideedaba ahayn wax lagu degdego, haddana haddii laga maarmi waayo waxa lagu dhaartaa wax aad hubto amma kuu diyaarsan in aan samaynayso, adigoo raacinaya Insha Allaah, ilayn in aad maalinta doorashada gaadhi iyo in kale maba ogide.
Waxa aan idinku dardaarayaa in loo fiirsado hadalada dadka murrashaxiinta ah, waana in la iska dhaafo waxyaabaha caadiyadda ah iyo jibbada aan meel ina gaadhsiinayn, doorashada Madaxtooyaduna waa u muhiim qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waana halka lagu soo dooranayo cidda lagu aamini karo mustaqbalka iyo masiirka ummadda Somaliland.

Mucjisada Garashada Dahsoon ee Dhirta
W/Q. Axmed-Nimcaan Cali