‘Ilmo ayuu ugu Mahadnaqay!’
Qallinka: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)

Waa habeen ka duwan habeenno badan oo farxadeed. Waa habeen aan la hilmaami karin waa habeen jawigu wacan yahay oo cirku huwaday daruurta RABBI ku gedaamay, waanna habeen ay laydh macaan dhacayso oo naftu jeclaysanayso, waa habeen goobta aanu joognaa ay ku wacan tahay jawiga lagu jiro iyo farxadda martida isugu timi oo dhammaandood dhan qudha u wada jeeda, isla markaana aamusnaan qadarini keentay ku dhegaysanaya qofka keliya ee indhahoodu ay dhawrayaan.
Waa Habeen Sabti sii sagootiyay oo ay Axad soo gelayso, kuna taariikhaysan 29/07/2016-ka waxaan ku suganahay Xarunta Dhaqanka Hargeysa. Madal kulmisay marti dhammaantood Is-direyaal ah iyadoo lagu kala duwan yahay hawlaha la isku diray iyo dalalka is-direyaashu shaqadan is xilqaanka ah ay uga kala yimaadeen. Intaan qalinku ila dhaafin aan ku hakado in aan martida qaar ka xuso aan u arko in ay ugu mudan yihiin kolay aragidayda gaaban in la magac dhabo.
Abwaan/Bare Sare. Siciid Saalax Axmed oo ah is dire Bandhiga Buuggaagta Hargeysa uga yimi dalka Maraykanka, qoraa Indheer-garad Rashiid Sheekh Cabdillaahi oo London ka soo kicitimay, Sheekh/weriye aqoonyahan Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar. Intaa aan ku daro Is-diraha koobaad ee martida loo ahaa qoraa Jaamac Muuse Jaamac oo ahaa mudanaha loo marida ahaa ee suurtogaliyay in kulankan is-diyeyaashu qabsomo oo farxad lagu wada caweeyo.
Dhammaan dadka goobta joogay ee kulankan sharafta badan isugu yimi oo wadaagayay erayga Is-direyaal ayaa ka kala socday, haddana qaybo kala duwan sida warbaahin, qoreyaal, ciyaartoy dhaqan dhaqameed ah. Dhallinyaro waqti iyo maskax isku diray oo kaga qaybqaatay suurtagalinta bandhigga 9aad ee Carwada Buuggaagta Hargeysa iyo is-direyaal kale oo badan.
Ugu horrayn, waxaan ka cudur-daaranayaa cid kasta oo qallinkaygu ka booday ama aanan ku xusin qormadaydan kooban iyo madashii aan ilawga mudnayn intaan ka xarriiqay. Goor waliba xusuusteed joogto, waliba hadal eraygeed iyo hadal guntinteed’e waxaan xaqiiqsaday in mahad naq cid hawl wanaagsan qabatay sida loogu mahadnaqaa ay ku kala dareen duwan tahay habka iyo hannaanka loosoo gudbiyo amma loogu yidhaahdo waad mahadsan tahay.
Waad mahadsan tahay adduun badani la socdo iyo dhaqaale faro badan oo lagu siiyo waxaan ogaaday in ay ka wanaagsan tahay habka iyo sharaftida ay huwanayd mahadnaqa weriye/qoraa Barkhad Maxamuud Kaariye ugu mahadnaqay shan mudane oo is-direyaal ah oo ugu mudnaa is-diyaraashii suurtogaliyay qaab tabineedkii warbaahintu uga hawlgashay Hargeisa Book Fair.
Bandhigga 9aad ee carwada buuggaagta Hargeysa oo ka duwanaa dhammaan sannadihii 8-da ahaa ee ka horreeyay oo dhan, isla markaana sannadkan toos uga baxayay warbaahinta qaarkeed, kuwo kalena u soo gudbinayay dhacdo kasta oo goobta ka jirta maqal, qoraal iyo sawir intaba.
Barkhad Maxmuud Kaariye oo kelidii hadlayay ayaa si dareen iyo qallin aan midnaba lagu cabiri karin, isla markaana aan lagu sheegi karin waxaa uu ugu mahadnaqay shanta dirane ee aan kor ku soo xusay hawlaha ay suurtagaliyeen, taasoo uu markii ugu horrasay ee uu carrabka ku dhuftay shanta mudane ee is-direyaasha ah.
Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa mahad naqa shantan dirane wuxuu madasha intayadii ku sugnayd uu dareen siiyay in uu qalbiga iyo niyadda uga mahadnaqayo ilaa ilmadii indhihiisa ka qubatay ay dharkiisa qoysay oohintii kalgacalku keenayna ay hadalkiisii kala joojisay ee ay jartay isla markaana uu hadli kari waayay.
Haddii aan is idhaado qoraal ku sheeg hannaanka uu Barkhad shantan is-diye ugu mahadnaqay waxaan Is leeyahay ma suuayn kartid, laakiin aan soo ergisto tuduc ku jira Heesta Jacayl Dhiig Malagu qoray ee uu curiyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) walibana aan erayada aan ergisanayo aan ku gefo,e, isla markaana erayada jamaca ah aan keli ka dhigo si aan isku dayo in aan sawiri karo inyar oo dareenkii Barkhad ka mid ah.

Ilma dhalatay xiisuhu

Sida dhibic ma hiigaan

Ma ka qubatay dhaayaha

Ma ku qoyey dharkiisii

Naxariis ma dhididay.

Waan ka raaligelinayaa in aan ku gefay Abwaanka maansadiisa, isla markaana aan qadaf ku sameeyay, laakiin, waxaan uga ergistay, uguna dhigay sidan in aan ku cabbiri karo. Waxaa xusuustayda ku mudan, isla markaana qalinka aan ugu qaatay in aan qiro Barkhad hannaanka uu ina baray ee ah in shaqsiga ama shaqsiyaadka mudan in loo mahadnaqo ay ka qaalisan tahay Adduunyo kasta oo la siiyo sida niyad-samaanta iyo kalgaylka huwan ee loogu mahadnaqo.
Waxaa kale oo uu muujiyay in ay kala qiimo duwan yihiin oohinta iyo baroorta oo dad badan iskaga qaldan, waxaana hubaal ah in farxad la ooyi karo, laakiin aan la barooran karin. Barkhad Kaariye waxaan leeyahay waxaad na tustay gobanimada iyo u hannaynta ay mudan yihiin cid hawl wanaagsan oo lagu farxa qabatay. Waana dariiq aad furtay oo u baahan in lagaaga daydo.

Qalinka Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
abafgaab@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland