#Araweelo_News_Network.

 

Marka hore waxaan aad uga murugaysanahay  dabkii  gubay  Magaalo ganacsiyeedkii Tog-Wajaale Illaahay waxa aan uga baryayaa inuu bedel khayr qaba siiyo dhamaan ganacsatadii dabkaa ku tabaalowday,  waxaanan ku boorinayaa kuna baraarujinayaa in aanay xukuumada odhan baadhitaan noo samee siday wax u dhaceene iyagu Ganacsatada Tog-Wajaale iyaga oo isku duuban Inta ay shaqaalaysiiyaan dad xirfad u leh masiibooyinka dabka inay ka Gun-gaadhaan wixii sababay!, oo waxa usoo baxa ama ku ogaadaan baadhitaanka ay ka duullaan haday tahay wixii sababay iyo foojignaan aayaha Danbe.

Marka taa ka Imaado, aan u daadego dulucda maqaalka oo aan Afhayeen Buuni mid aan idhaahdo, oo Dowlada mid aan idhaahdo, oo Halaasigay Xukuumadu wadana mid aan ka idhaahdo, oo Shacabka Jamhuuriyada Barakaysana Mid aan ku idhaahdo.

AFHAYEEN BUUNI MID AAN IDHAAHDO:-

Waxa Jirta Shinbir yaalaa ku guud sugan dhirta waaweyn ee Qadhaabka ah sida Geedka Gobka, Shinbirkaa waxa la yidhaahdaa GOBYAHAN-DHOORLEH, Afka Qalaad waxa loo yaqaanaa (Babqaa ama Parrot “Baarrot”), Shinbirkan hadii geed Gob ah oo uu ku dul joogo  aad soo hoos joogsado oo aad tidhaahdo Gobyahan-dhoorlow Gob ii soo Tuur, wuxuu kuugu Jawaabayaa Erayo deelqaaf iyo afxumo ah, iyo horta Ciddaa ma kuddaa!?.

Hadaba sida shinbirkaa Gobyahan-dhoore ayuu Afhayeen Buuni Caadaystay in hadii Ciddi eray ka tidhaahdo qaladaadka xukuumada inuu Erayo Deelqaafa oo xanaf iyo xajiin leh ugu jawaab celiyo, inkastoo Jawaabaha kasoo burqamaa ay yihiin qaar madaxda sare ee Xisbiga uu Gobyahan-dhooraha u yahay sida cajalad ku duubaan, Bal markaa Mudane Buuniyow ama Qof noqo dul iyo dareenleh oo doonid iyo diidmo leh ama sameecadaa codka xukuumada Gobyahan-dhooraha noqotay soo tabisa iska ahow aduunbay eedi Buunow kaa raaciye.

DOWLADANA MID AAN IDHAAHDO:-

Beri ayaa nin xoog weynaa oo la odhan jiray Feedho-Geelle oo laba mitir iyo dheeraad ahaa ay Maqaaxi agteeda isku Af dhaafeen nin aad u yar oo gaaban oo Jiir la odhan jiray, waxay murmaanba gacan ka Hadal ayey gaadhay, oo siday wax noqdeen mooyee ninkii Feedho-geelle ayaa inta Feedh iyo Hirdi lala tiigsaday ayaa sabaaxadna loo raaciyey, ayaa marka uu isyidhaahdo kacba waa lays weydaariyaa markii danbe intuu kacay ayuu orod isasii daayey, ninkii Jiirna waaka toocsaday Markuu dhowr goor maqaaxidii orod ku wareejiyey, ayuu ninkii Feedho-geelle maqaaxidii naflacaarid daf yidhi, isaga oo Neef tuuraya ayuu dadkii maqaaxida dhex fadhiyey is dhex taagay, iyo Waar Feedho Maxaa kugu dhacay? Iyo nin baanu islaynay isagoo ninkii yaraa ee Jiir ee toocsanaayey qarin raba, oo qofkii kolba doc loo eryanaayey madiguu ahaa? Suu yidhi Maya ee markaa waanu is Ereryanaynay!, Hadaba xukuumadu iyana siday wax u dhaceen ummadda waa inay u sheegtaa weli warbixintii ayaa looga fadhiyaaye.

HALLAASIGA XUKUUMADU WADANA MID AAN KA IDHAAHDO:-

Dhulka Kiiniya waxa ka baxa jaadka Miirooga ama miiraha layidhaahdo kaas oo Dadku marka ay tagaan Dhulkaa waa LAFADHIISIYAA inta ay u FADHIISTAAN qayilaad ayeyna ka kicin, intay ku ilko iyo cimri beelayaan oo yaalaa Dib looma arko ciddii aada ama tagta degelkaa, waxa dhacday in Fanaanka wayne Qamar-Suugaani uu gaadhay dhulkaa oo hadana kasoo noqday, markii layidhi Qamarow dhulkaa ciddii tagtaa dhayal kagamay soo noqon jirin ee sidaad ugasoo noqotay?  Wuxuu yidhi aniga waa LAYTAAGAY!, oo taagnaantaa ayaa isoo celisay, Iminka Xukuumadii waanala falay iyo jinkii Qardho ee halalow iyo haybooqan yaalay ayuu ina Buuro-dhaqaajiye Nagu soo didiyey oo kasoo Degel-Rogmanay Hadal maaha oo waa hallaasiye Jinkii xeero dhiigtii Hargaysa laga barakiciyey ee Dhulka laga qaaday ee buuraha Naaso-Hablood guudkooda baro-kaca ku ah iyo jinkii Kamorooyaan Maxaa loogu beegi waayey ee loorogaal noqon waayey?.

SHACABKA JAMHUURIYADA BARAKAYSANA MID AAN KU IDHAAHDO:-, 

Lo’da marka Sac Duq noqdo wuu weydoobaa oo uu Tamar dareeyaa, marka LO’du ceel tagto ee lawaraabiyo Sacii Duqoobow Markuu Biyaha cabo wuu fadhiistaa oo ma taagnaan karo mana kicin karo oo marka LO’du fusho ee ladareerinaayo ayaa la Ruug-qabtaa (Ruug-qabad = marka LO’du duqowdo oo ay weydoobaan oo tabar gabaan oo marka ay biyo cabaan wey fadhiistaan oo makicikaraan sidaa owgeed inta Dibka iyo dhinacyada la qabto ayaa lakiciyaa oo Ruug-qabad ayaa layidhaahdaa) Hadaba waxa la Ruug-qabtaba maalinta danbe marka saca Duqa ahi uu darka ka fulo Barbar ayuu u Dhacaa ama u jiifsadaa taas oo ka dhigan wuu ku daayey neefkaasi oo ciddi iskuma howsho Ruug-qabad ama kicin danbe, Iminka Xukuumadii Shacabyahow Dalka aad u igmateen waatan juuqda gabtaye iyana miyey Barbar dhacday?.

Hadal iyo Dhamaan Jamhuuriyadii Barakaysnayd ee Calanka Tawxiidka leh sidatay ayuu Fal, Qataar iyo Jin Dardaray wax la qaadan karo maahee wixii dhacay warkoodii waa la sugayaa oo loo fadhiyaaye Muusaha lasugaayow adna yaad sugi?.

 

SaKaaro Saalo muuqmuuqatay Aas-aastaa!.

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

Khadar Hooyoley (Fartaag)

Fartaagmuwaadin@gmail.com