Araweelo News Network

manmusa
Qormadan waa hal-tebinta qoraal uu diyaariyey Paula Wilson oo wax ku qora wargeyska Africanglobe, waxaanay xambaarsan tahay dhacdooyin iyo taariikho qiimo badan oo meesha ka saaraya waxyaabo ay ku doodaan aqoonyahannada iyo warbaahinta reer galbeedka

Marka la soo qaado shaqsi hanti badan, waxa maanka dadka waqtigan nool ku soo dhaca boqoro iyo shakhsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin boqor Walton (Wal-Mart Fame), Warren Buffet iyo Bill Gates, balse haddii aan taariikhda dib ugu noqonno waxa aad helaysaa boqoro, boqorado, hoggaamiyayaal oo haddii hantidooda la xisaabiyo aanay bangiyada hadda jiraa qaadi kareen.
Waxa jirtay nin waqtiyo hore noolaa oo hantida uu maamuli jiray ka badnayd ta ay hadda ku fanaan maalqabeennada Bill Gates, Warren Buffet iyo qoyskii boqortooyadii Walton ka soo jeedaan ee Sidan Sam Walton. Hadda ninkaas wuxuu ahaa Mansa Musa 1aad. Hantidiisa markii la xisaabiyey, waliba ta khaaska u ahayd waxay dhammayd $400 bilyan. Waxa dhab ah in Mr. Musa ahaa ninka ugu taajirsanaa ee dunida soo mara.
Haddaba, waxa iswaydiintu tahay kuma ayuu ahaa ninkan taajirkaasi? Maxay dadku u maqli waayeen hantidisa iyo isagaba?
Boqor Mansa Musa 1aad oo sidoo kale loo yaqaannay Musa of Mali (Mansa macnaha dhabta ah waa boqorkii boqorrada) waxa uu ku dhashay dalka Mali ee qaaradda Afrika ku dhawaad 1280aadkii. Mansa waxa uu boqor u noqday si dadban. Awowgii Abu Bakr waxa uu ahaa walaalka nin la odhan jiray Sundiata Keite oo ahaa ninkii aaasaasay boqortooyadii Mali, balse Abu Bakr iyo wiilkiisii Faga Laye midna ma noqon boqor amma kuma ay guulaysan inay boqorka kala wareegaan boqornimada.
Mansa Musa waxa loo magacaabay markii uu weynaaday inuu noqdo ku-xigeenka boqorka, haddii boqorku xajka tego amma safar u baxo, isaga ayaana awoodda la sii wareegi jiray. Waxa kaloo uu noqday ku-xigeenka boqor Abubakari 2aad, kaasoo lahaa aragti fog oo ahayd inuu sahamin ku gaadho badweynta Atlaantikada (Atlantic Ocean).
Abubakari waxa uu 200 doonyood u diray badda, isagoo ku amray in aanay ka soo laaban safarkooda ilaa ay gadhaan dacalka ugu dambeeya ee badweynta Atlaantikada amma cuntadu iyo biyuhu k ago’aan. Kolba kii hor yimaada uun in ay soo laabtaan. Muddo dheer kadib, waxa soo laabatay hal doon oo kaliya oo siday war dhiilo leh oo ah in qof kasta badda ku qarax may. Abubakari ma uu aaminin warka uu kabtanka doontu u sheegay, waxa uu laf ahaantiisu qaatay 2,000 doonyood, isagaana hoggaaminta qaatay si uu runta uga midhodhaliyo.
Boqor-ku-xigeenkiisa o Mansa Musa ahaa ayaa boqortooyadii dhaxlay, awooddeediina la wareegay inuu ka soo noqonayo boqorku. Sidaasna waxa uu u ku noqday boqor rasmi ah ilayn ma uu soo noqon boqorka hummaagga dheer raacaye.
Mansa Musa hantidiisu inta badan waxa ay ka timi amma ka soo baxday masaajidada, malcaamadda qur’aanka iyo jaamacadaha, kuwaasoo badankoodii weli taagan yihiin. Tusaale ahaan, Jaamacadda Sankore waxa la dhisay waqtigii Mansa Musa uu Mali boqorka ka ahaa walina waa ay jirtaa. Nolosha xarumaha magaalooyinka aha sida Timbuktu waxa ay ka nolol fiicnayd meelo badan oo adduunka ah, waayo dadkeedu waa uu wada shaqayn jiray, sababtoo ah boqortooyadii Musa waxa ay ka ganacsan jirtay dahabka iyo milixda oo qaali waqtigaas ahaan Mali aad caan ugu ahayd…. La soco….