galaydh2Maxaa Xilligan Keenay in Cali Khaliif Galaydh Ogolaado inuu la Hadlo Somaliland?

Faallo: Maxamed Xassan Daacad

Su’aashanni waxay ka guuxaysaa bubaaqa dad badan oo Soomaliyeed,kuwaas oo dhegahooda ay ka badatay dagaaladda fool-ka-foolka ah, weerarada afka ah ee warbaahinta la isku mariyo iyo eedaymaha aan gabashada lahayn ee dhex-mari jiray siyaasiyiinta Laammaha Dawladda Somaliland iyo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh,waxaana uu dhawr jeer faro-cidiyahood kaga baxsaday dagaallo culus oo dhex-maray Ciidammada isaga u daacada ah iyo kuwa Somaliland oo cudud xooggan ku leh jiddaha bari ee Somaliland marka loo eego goobaha kale ee ay joogaan Ciidammada millatarigu.
Maxaa ku dhaliyey Cali Khaliif Galaydh inuu yagleelo ka soo hor-jeeda Maamul Somaliland?
Jawaabta su’aashanni waxay yeelanaysaa labbo weji,kuwaas oo kala danno ah siyaasaddeed ah; ugu horaynaba waxa uu si weyn uga faa’iidaystay dareenka dadka deegaamaddaas ku nool, kuwaas oo aamin-san inay xuquuqdoodii ay ku lahaayeen ay ka-waayeen maamuladii xilalka u kala danbeeyay ee soo maray Somaliland iyo Puntland-ba, kuwaas oo ay rumaysan yihiin inay labadoodaba dhismahooda wax-ku-lahaayeen,iyada oo Cali Khaliif Galaydh iyo inta badan Garaadada reer SOOL ay goob-joog ka ahaayeen Shir-weynihii 18 May ee sannadkii 1991-kii lagaga dhawaaqay Somaliland, kaas oo lagu qabtay Magaalada BURCO ee xarrunta Gobolka Togdheer.
Dhinaca Puntland-na waxa dhismaha Maamulkaas door weyn ku lahaa siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed reer Sool ah oo ay ka mid Siyaasigga Axmed-Xaabsadde oo ay Is-qabteen Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Xaabsadde ka qaaday Xilka Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, kuna beddelay Qaybe, taas oo keentay in Xaabsadde iyo madax-dhaqameed reer Sool ahi ay qeyb-ka-noqdaan samaynta Maamulka Puntland, iyaga oo meteliyay Goboladda Sool iyo Sanaag,waxaana ka mid ahaa madax-dhaqameedkii ay wakhtigaas is-raaceen Axmed Xaabsadde Garaad Cabdiqani, Garaad Ismaaciil iyo Garaad Abshir oo intooda badan ahaa rag ay iska soo hor-jeedaan Maxamed Xaaji .Ibraahim Cigaal.
Ta kale ee ay dad badan aaaminsan-yihiin inay Cali Khaliif Galaydh ku dhalisay inuu maamulkaas sameeyo,ayaa waxay ahayd debayl maamul-goboleedyo oo ka socotay guud ahaanba dalka Soomaaliya sannadkii 2012-kii, waxaanay fursad ay Somaliland ku-kalo-dhantaalaan u noqotay siyaasiyiin badan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse aaminsan-naa mabda’a Soomaali-weyn, xiligaas oo la-rabay in Ku-meel-gaadhka laga saaro Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Soomaaliya loo sameeyay, ka dib burburkii Jamuuriyaddii Soomaaliya ee sannadkii 1991-kii oo aan helin dawlad haysta kalsoonida Beesha Caalamka iyo dalalka Soomaaliya dannaha Siyaasaddeed ka leh, iyadda oo ugu danbeyntii Bishii 9-aad ee sannadkii 2012-ka lagu guulaystay inay Soomaaliya yeelato dawlad aan ku-meel-gaadh ahayn oo muddo-xileedkeedu yahay afar sanno, Madaxweyne-na uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Madaxweynaha Soomaaliya. Cali Khaliif,ayaa isaga oo taas maanta ku-haya waxa uu 17 Januray 2012 uu Magaaladda TALEEX kaga dhawaaqay Maamul ay yeellan-doonaan Deegaamadda Sool,Sanaag iyo Buuhoodle, kaas oo ka madaxbannaan Somaliland iyo Puntland, isaga oo sheegay inay hoos-taggaan Xukuumadda Fedaraalka ah ee fadhiggeedu yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Prof.Galaydh oo hadal jeediyay maalintaas uu ku dhawaaqay Maamulka Khaatumo,waxa uu farriin u diray Somaliland iyo Puntland,waxaana ka mid ahaa hadal dheer uu maalintaas munaasibaddiisii dhaarinta Madaxweyne Ka Jeediyay ““ Waxaan ugu baaqayaa maamulada Somaliland iyo Puntland in gobollada SSC wixii hadda ka dambeeya ay samaysteen maamul ka arrimin doona danahooda, idinkuna sidaas u ogaada”. Ayuu yidhi Prof.Galaydh
W/Q: Mohamed Hassan Daacad
Qoraa,Suxufi ah,
Email: Daacad461@gmail.com