Dharaaro Xusuustood

Sannadkii 1999 ayaa dhawr Wasiir oo aan ka sii xusuusto; Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dareewal), Marxuun Maxamuud Salax Nuur (Fagadhe), Xuseen Axmed Oomane, Axmed Maxamed Siilaanyo, Marxuun Cabdi Aw Daahir, Axmed Jaambir Suldaan iyo Aniga [Maxamed Siciid Gees], ayaa Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir kooban noogu yeedhay oo uu noogu sheegay; “Inuu magaalada Hargeysa joogo ergay oo la-taliye u ah Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka socda oo la yidhaahdo Yuusuf Cumar Azhari.”
Dabadeedtana, Madaxweyne Cigaal waxa uu ka sheekeeyey ninkaasi; “Yuusuf Cumar Azhari waxa uu ahaa Safiirkii Jamhuuriyadda Somaaliyeed markii aan dalkaas ka ahaa Wasiirka Koowaad (Ra’iisal-wasaaraha) 1967 – 1969. Waxa xaaskiiisu ahayd gabadh uu dhalay Madaxweynaha dalku waqtigaas Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke.”
Madaxweyne Cigaal waxa uu noo sheegay isaga oo kaftamaya Yuusuf Cumar Azhari uu yidhi; “Khayr badan ma lahayn safiirku waxa uu i seejiyey inaan Madaxweyne L B Johnson ee Maraykanka xiligaas aan gaadhsiiyo codsigaygii. Kulanku Madaxweynuhu waxa uu ahaa mar qudha, oo waxaan u haystay in mar labaad la kulmayo Safiirku intaas baratakoolka ah iima sheegin. Sidaas darteed, kulankii waxba uma gudbin codsigii aan watay, mar dambena ma helin fursad kale oo sidaas ayaa kulankii iiga lumay.”
Sidaas ayuu weli u hibanayey fursaddaas uu ka baajiyey Yuusuf Cumar Azhari. Ninkan in arrinkiisa i laga tashado uu shirka noogu yeedhay, kadibna waxa uu noo sheegay inuu dhawr jeer oo hore uu yimi Hargeysa oo uu dhambaalo u kala gudbiyey Cabdullahi Yuusuf Axmed. Akhristaw waqtigaas waxa caadi ahayd in la wada xidhiidho oo la wada hadlo madaxda Somalia oo la iskulama yaabi jirin oo la iskuma ceebeeyn jirin.
Qofka siyaasiga ihi waa isku kalsoonaan, waanna lagu kalsoonaa AMISOM iyo IGAD iyo Turki midna uma kala dab qaadi jirin ee toos ayaa Af-soomaali loogu wada xidhiidhi jitay. Haddii aan ku soo noqono shirkii isaga oo warkii sii wata waxa uu Madaxweyne Cigaal yidhi; “Waxan maanta idinku yeedhay bal inaad ila eegtaan arrintan aan u soo jeediyey Cabdillaahi Yuusuf.” Dabadeedtana, qoraal ayuu noo soo fidiyey, oo la isu dhiibdhiibay.
Markii la wada arkay qoraalkaas Madaxweynaha, lana akhriyey, deeto Cigaal ayuu ka hadlay nuxurkii qoraalkiisa; “Waxan ku idhi, ‘Cabdillaahaw adigu waxaad ku doodaysaa dad i doonaya oo aannu isku hayb nahay ayaa Sool iyo Sanaag qeyb ka deggan. Aniguba waxan ku doodayaa xadkii aan xorriyadda kaga qaatay Dawladdii Boqortooyadii Midawday iyo Waqooyiga Irland (United Kingdom and North Irland).”
Madaxweyne Cigaal isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku daray; “Waxan kuu soo jeedinayaa inaad adigu horreyso aad qirtid xadkaas dalalka Afrika ay xoriyadda ku wada qaateen ee aan muranka lahayn ee jeexan. Aniguna waxan oggolaanayaa markaas in dadkaas aad sheeganaysid la weydiiyo ayaa ka talin loo wada joogo cidda ay raacayaan.” Kadibna, Wasiirradaydii shirka fadhiyey soo jeedintii Madaxweyne Cigaal waa ku wada raaceen, ciddina wax kuma kordhin, waxna kama dhimin. Sidii ayaa warqaddii loogu dhiibay Ambassador Yuusuf Cumar Azhari.
Muddo kadib ayaa Madaxweyne Cigaal xubnahayagii shirkii hore joogay dib noogu yeedhay, waxa uu noo sheegay in ninkii Ambassador Yuusuf Cumar Azhari uu soo noqday isaga oo jawaabtii ka sida Cabdillaahii Yuusuf. Dabadeedtana, qoraalkii ayuu noo soo gudbiyey waa la isu wareejiyey markii la wada akhriyey, nuxurka qoraalkiisuna waxa uu noqday; “Xuduudii Istacmaarka waxa la tirtray markii xorriyadda la qaatay oo ma qirsani.” Wax talo oo kalena ma keenin oo lagu furdaaminayo muranka muddo middi-middi ku-taaggii ahayn.
Madaxweyne Cigaal waxa uu yidhi; “Warkaasi halkaas ayuu ku xidhaymay, ninkiina sidaas ayaan u sheegay.” Arrintii waa taagan tahay ilaa maanta oo ay ka dembaysay 19 sanno, oo xaalkii waxa uu marayaa; “Wallaahi, bilaahay dagaal ayaa dhacaya.” Rag siyaasiin isku sheegayaa oo cayilsan/buuran, xarrago iyo dhereg ka muuqdo ayaa la soo taagan hanjabaadaas shaashadaha tiifiyada la iska arko iyo jawaabteed oo ah; “Garoowe ayaa laga qaxi.” Oo rag Ehelu-naarka adduunyadu ee saboolka ah ee qoriga loo dhiibay ee lagu dhaaran ayaa diihaalka iyo gaajada ka muuqata waad ka argagaxaysaa.
Waa Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland (APD) iyo PDRC laba hay’adood oo samafal ahi oo Hargeysa iyo Garoowe kala deggan ay u kala wareejiyeen maxaabiis lagu kala qabsaday dagaal 2005 ka dhacay Sool ayaan laga yaab xaaladda iyo dar-xummadda maxaabiistaa.
Gabadh Cumar Maxamuud ah (Majeerteen) oo Isaxaaq (Habar-Yoonis) u dhaxday oo Hargeysa degganayd ayaa abaabulkaas ka dembaysay markay maxaabiista Hargeysa iyo Garoowe jeelasha ku booqtay oo ka naxday dhibta haysata. Bal gabadhaas iyo rag tiifiga ka dhaaranaya isu eeg, oo iyaba waa wax-ku-qaadasho.
Madaxweyne Cigaal xal la isugu yimaaddo ayuu raadinayey (win/win solution), kadibna caqligii waa laga maarmay dhawr weedhood iyo dad garaadkoodu hooseeyo ayaa isku celceliya; “Wallaahi cirka ayaan soo dumin!” “Soo dumi halkii aad ka gashid ayaan ka geli doonaa.” KKKKKK. Shirkaas kadib waxan raadiyey Ambassador Yuusuf Cumar Azhari, waxa uu ii sheegay inuu ku soo deggo huteelka Aadan Barado ee Hargeysa Hotel, halkaas ayuu kala xidhiidhaa Xoghaynta Madaxweynaha oo ballan u sameeya, baabuurna u soo dira.
Waxan kula kaftamay; ‘Ma Majeerteen iyo Isaaq ayaa dushayada ku gorgortamaya? Xaggan waa ogahay oo Cigaal ayaa nala socodsiiyey ee maxaad ku haysaa dhankiina.’ Ambassador Yuusuf Cumar Azhari oo waxa uu ahaan jiray Diblomaasi isaga oo ku af-gobbaadsaday, “Anigu xidhiidhiye ayaan ahay keliya.”

Bal  adba Boowe maxaa kuu baxay.?