mwalaaleeye
Miyeynu Sugnaa inta Warbaahinta Indhow-aragtu ka Abuurayso Somaliland Xasuuqii RWANDA oo kale?
Bishan December ee sannadkii 2016, waxaynu ku soo jirnay dhirbaaxadii ugu xumayd ee hoggaamiyeyaasha xisbiyadeenu soo gaadhsiiyaan bulshadeena, oo dal iyo dad la tacaalaysa dhibaatooyinka abaarahu iyo sida madaxda xisbiyadu ugu foogan yihiin ololeyaal cod-kasbasho, ama tudhaale la’aanta madaxda xisbiyada iyo ku hadaaqooda hadalo naxli iyo necbaansho kala dhexdhigaya bulshada walaalaha ah, halkii ay ku kasban lahaayeen codkooda u soo bandhigida barnaamij iyo qorshaha ay ku hogaamin doonaan haddii ay ku guulaystaan hogaanka dalka.
Hasa yeeshee, jawaabta keliya sababaha hogaamiyeyaasha xisbiyadeenu sidan ugu dhaqmayaa waa iyadoo dantoodu tahay helitaanka awooda iyo hanti, hadafkooduna yahay gaadhitaanka yoolkooda. Ma danaynayaan faqriga bulshada inta ugu badani waajahayso, iyo xannuunada daawooyin loo heli karo ee badi u geeryoonayaan bulshadeenu iyo mushkiladaha dhinac walba waajahaya, baadi-doonkooda xalkii looga bixi lahaa.
Haddii arrimaha noocan oo kale ka dhacaya dalkeena, waxaan si weyn isku weydiiyaa waa maxay faa’iidada ay inoo leedahay doorasho aynu galno! Ma iyadoo shaqsiyaad iyo dawlado dunida dacaleeda joogaan dalbanayaan awgeed baa?
Ninka aan waxa jooga garan, waxa soo socda ma garto! ayaa hore loo yidhi, ifafaalaha siyaasad ku sheegta hogaamiyeyaasha xisbiyada dalkeenu ku dhaqmayaan iyo tebinta anshaxa la’aaneed ee warbaahinta dalkeena qaarkood maanta marayaan haddii aan degdeg looga gaashaaman, waxna looga qaban, waxay inna gayeysiin kartaa halis riiqdeedu dheeraato oo halaag naf iyo maalba keena.
Marka laga sheekeeyo xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sannadkii 1994-kii iyo sida la isugu diray shacabkii wada degenaa dalkaa, waxa qeybta ugu weyn laga saaraa warbaahinta oo la odhan karo iyagaa kiciyey, isla markaana sii buunbiinyey in dhacdadaasi gayeysiiso shacabkii Rwanda in xasuuqii ugu xumaan dagaaladii dunida ka dib ka dhaco, isla markaana tiro malaayiin qof lagu dilo.
“Weli xabaalahii ma buuxaan” waxay ka mid ahayd hal-ku-dhigyada warbaahinta Rwanda qaarkood qorayeen, ee sii huriyey xasuuqii ka dhacay Rwanda, akhrise miyaanay kuula saansaan eekayn marka warbaahinta dalkeenu qaarkood ay baahinayaan ‘Hebel xasuuqii uu geystay xabaalahoodii way sii muuqdaan.” inay lama huraan tahay in looga dhaadhaco halista sida kuwa hore ee Rwanda gayeysiiyeen xasuuqa ka dhacay, haddii aan sida ugu horaysa wax looga qaban?
Waxaan kaga baxayaa waxaa looga fadhiyaa hay’adaha ay khusayso ee ammaanka iyo madaxda dalka iyo mulkiilayaasha hay’adaha warbaahineed ee ka qeyb ah faafinta warar iyo muuqaalo anshaxa iyo asluubka mihnada saxaafadeed ka aradan inay tallaabada ku haboon ka qaadaan dhammaan inta kala dhantaalaysa wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada, shacabka Somaliland ugu baaqayaa inay ilaashadaan nabadgelyadooda, meelena uga soo wada jeestaan cid kastoo dhaawacaysa, ha noqdaan warbaahin, madax xisbi iyo cadow dibadeed mid walba, hogaamiyeyaasha saddexda Xisbi qaran-na kula xisaabtamaan codka ay siinayaan waxqabadkooda mid hore iyo ka u qorshaysan, haddii ay hantaan hoggaanka dalka. Ilaahay dariiqa xaqa ha inna waafajiyo dhammaanteen adduun iyo aakhiro, Aamiin.
Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleye).