Runtii aadamuhu wuxuu arkaa marar badan noole lagu magacaabo (CAARO). Noolahan yari agteena wuxuu ka yahay noole aan miisaan badan ku lahayn, laakiin waa mid ka mid ah muujinta farshaxanimada Ilaahay ee abuurkiisa.
Marka la soo qaado (caaro), waxa u horeeya ee maskaxadaada ku soo dhacayaa waa gurigeeda iyo sida uu u samaysan yahay. Gurigeedu waa mid ka mid ah guryaha Ilaahay (SWT) qur’aankiisa ku sheegay in uu yahay guryahay ugu jilicsan, balse muujinaya awoodaha Ilaahay inta ay leegyihiin iyo xikmadda ka danbaysay gurigeedan jilcsan,
Haddaba, gurigeeedu wuxu leeyahay nashqad dhisme oo wanaagsan, sidoo kalena xisaab ku fadhiya. Haddii aynu soo waynayno gurigeeda, kana yeeelno xajmi ay dadku fahmi karaan, shabakaddan dherarkeedu waxa uu leegyahay 150 mitir ku dhawaad, oo u dhiganta foogyo dhaadheer oo 50 dabac ah, haddii ay awoodi lahayd in ay samayso caaradu 50 mitir oo shabakeedda ah waxay joojin kartaa diyaaradaha nooca xamuulka ah, ma rumaysanayno hadalkaas, laakiin waa mid dhab ah.
Sidee ayey u samaysaa caaradu gurigeeeda u gaarka ah, uguna faro yaraysata dhismihiisa?
Si ay u fuliso shaqadeeda marka hore waxay diyaarinaysaa nashqada, sida uu u sameeyo Engineer-ku Design ka, waayo dhismo lagu diyaariyay dherarkaas, balladhkaas iyo awoodaasi kama maarmayo (Design), marka la helo nashaqada waa in la lehaa sidoo kale Injineerkii si uu u xisaabiyo meesha laga dhisayo guirga culayska ay xamili karto la’aanteedna shabakaddani awood ma yeelanayso.
Haddaba, waxay mucjiso ku tahay xadhkaheeda iyo sida loo sameeyay.
Markaynu u fiirsano sida ay shabagga laftiisa u samaynayso waxa inoo soo baxaysa mucjiso xaqiiqi ah. Waxay bilaabaysaa marka hore xuubka in ay samayso oo dhibco ah, ka dib hawada ayey u daynaysaa, hawadaas soconaysa ayaa caawinaysa oo isku xidhaysa xuubkaas ay taxday, sidaa ayay ku samaysmayaa xadhkihii shabagga, iyadoo sugaysa intay is gaadhayaan xadhkaha xuubku; waxayna qaadanaysaa samayntiisu amma intay hawadu is gaadhsiinayso saacad amma wax ka badan.
Markay hawadu is gaadhisiiso waxay bilaabaysaa gurigii si dhakhso ah, iyadoo shaqaduna u socota lixdan jeer jibbaar, waxay fidisaa xuubkeeda isku xidhan, una fidisaa dibada, iyadoo ka qaadaysa xadhigga ay dibada u tuurayso gudaha,markaasay haddana bilawadaa in ay samayso xuub aad u khafiif ah oo u gogol noqonaya ubucdii shabagga, iyadoo xuubkaas khafiifka ah dacalada oo dhan ku baahinaysa, waxay samaynaysaa haddana lakabyo gudaha ka baxaya oo dibadda tagaya, waxayna ugu talogaashaa si ay ugu ugaaadhsato.
Kaliya maaha mucjiso gurigeedu ee waxa layaab leh xuubkan ay samaynayso wuxuu ka xoog waynahay shan jeer birta adag ee la yidhaa (Fuulaad). Hal mitir oo isku wareeg ah xuubkani wuxuu qaadi karaa boqol iyo konton kun oo giraam, haddii xuubkan yar dhibic ka mid ah laga sameeyo soddon mili mitir oo xadhigga ah waxa lagu qaadi karaa boqol iyo konton gaadhi oo is dul saaran.
Dadka cilmiga baadhaa waxay ku metaleen xidhiggan caarada maadadda la idhaa (Kevlar) waxa loo isticmaalaa madaddan gaawadhida gaashaaman ee dagaalka, sidoo kale dadku way xidhaan si ay uga caliso rasaasta, iyadoo raasaastu waxba kugu yeelayn xawaaraha boqol iyo konton mitir oo ilbidhikhsigii, mana awoodi karno wax yar oo ka samaysan Kevlar in xabbad la dhex maryo.
Haddaba, xuubka caaradu waa madadda ka sii adag maadadii loo isticmalayay in ay xabada celiso ee (Kevlar), xuubkani wuxuu ka awood badan yahay shan jeer jibaar (Fuulaad-ka) toban jeer jibaarna (Kevlar-ka).
Xuubkan muuqaal ahaan wuxuu ka jilicsanyahay tinta timaha, wuxuu ka khafiifsan yahay cudbiga, wuxuuna ka awood badan yahay Fuulaad-ka,(waa birta aadamaha adduunka nooli u haysto in adagtahaye).
Ugu danbayntii, caarada gurigeeda waa mucjiso muujinaysa mid ka mid ah awoodaha Ilaahay ee abuurkiisa, una baahan in aynu ku cibro caadano.
Cabdiraxmaan Faysal Muuse

Abdirahmaanfm@gmail.com