Araweelo News Network.

 

W/Q Cabdiraxiim Cabdullaahi Shiine

Xukuumadda kasta marka la doorto inta ay ku dhex jirto muddo xileedkeeda waxay samaysaa waxqabadyo hadhow lagu xasuusto oo la yidhaahdo xukuumaddii waqtigaas ayaa ka tagtay ama xukuumadii uu gadhwadeenka ka ahaa madaxweyne hebel ayaa waxqabdkaa samaysay,  taas oo faa’iido uyeelan karta bulshada.

Xukuumad kasta marka ugu horayse ee la doorto waxay ka wadda simanyihiin inay soo kordhiyaan waxqabad kaas oo lagu qiimeeyo 100ka cisho ee ugu horeeya mar hadii dawlada cusubi ay wax muuqda qabto maalmahaa ugu horeeya waqtigeeda, taasi waxay yididiilo galisaa bulshadii soo dooratay oo ay ku abuurta rajjo ka dhigan in dawladdani ka wanaagsantahay dawladii horre ee ay badaleen.

Xukuumaddaha dumuqraadiga ah inta ugu badan ee la doortaa waa Shan sanno iyo wixii ka yar, sanadkastaa markuu dhamaada waxaa waajib ah in xukuumaddu soo bandhigto wixii ay qabtay oo u badan kabaayasha dhaqaalaha,  tusaale ahaan wixii ay ka qabatay Caafimaadka, Biyaha, Waddooyinka, Waxbarshada Waxsoosaarka Beeraha , Warshadaha,  Amniga ,  iyo wax kastoo saamaynaya nolosha bulshada dalkaasi.

Madxweyne  Muuse Biixi Cabdi markii loo dhariyay Xilka ugu sareeya dalka oo ay tariikhdu ahayd 13 Dec 2017,  isla markaana uu la wareegay awoodda ugu saraysa ee dalka waxaa gaabis galay waxqabdkii ay dawladdu ka fulin jiratay kabaayasha dhaqaalaha oo ah meesha ay bulshada reer Somaliland u bukaan, isla markaana dhaqaalaha ugu badana kaga baxo sida Caafimaadka ,Waxbaeshada iyo Biyaha.

waxaqabdkii ugu horeeyay ee xukuumadda Muuse Biixi waxaa la soo bandhigay 13 April 2018 oo u dhignayd 120 cisho ka bacdi markii xilka loo dhaariyay, waqabdkaasi waxa uu ahaa mid bulshadu ay la yaabtay  qodobkii ugu horeeyayna wuxuu ahaa golaha wasiirada oo kulan aqoon is waydaarsi ah uu madaxweynuhu u furay kulankaas iyo midho dhalkiisiina waxaa laga waraystay Wasiirkii Arrimah Dibedda ee waqtigaas Sacad Cali Shire,  iyadoo afhayeenkii xukuumadu oo ahaa Wasiirkii Wafaafinta uu joogo waxaqabdkaasi waxa kaloo ku jiray saddex safar oo madaxweynuhu ku tagay waddamo Heshiis dhinaca ka rarani uu  kala dhexeeyay  Somaliland sida Jabuuti, Ethopia iyo Imaaradka Carabta, heshiis dhinac ka raran markaad maqasho waxaa markaba kugu soo dhacaysa inuu yhay mid dhinaca qudaati faa’iido ku qabo.

Safarki ugu layaabka badnaa wuxuu aha markii Madxweyne Muuse uu tegey dalka Imaaradka carabta, iyadoo waysi uu bixiyay wasiirkii arrimaha dibedda ee waqtigaasi uu ku sheegay in Baasaboorka Somaliland lagu tegayo dalka Imaaradka carabta arrinkaasina uu been cad noqday oo ila maanta oo ay xukuumaddu afar jirstay aanu suurto galin ficilkaa ay xukuumaddu 120 cisho ee ugu horeeyay ay ku sheegatay.

Sideed bilood ka bacadi waxaa dhaamaday sannadkii kobaad ee muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi bulshada oo dhami way la socotay waxqabd la,aamta xukuumadiisa, iyadoo taasi jirtay,  ayaa 14Dec 2019, waxaa la soosaaray fiidiyow ka kooban 53minit ah, kaas oo iska kashadeen Warbaahinta madaxtooyadda iyo wasaarada wafaafinta iyadoo laga dhigayo waxqabdkii xukuumada ee sannadkii kobaad, filmkaa markaad dawaato waxaad arkaysaa  inaanu micno buuran lahayn, waayo waxa ugu horeeya ee madxweynuhu qabatay markaad ka timaado waxqabdkii 120 cisho ee ugu horeeyay waa safarkii loo bixiyey mideeye ee madaxweynuhu ku tegey gobolada bari ee dalka taasi oo laga dhigayo waxqabd weyn oo aad moodo in intii loo doortayba ay ahayd inuu Madxweyne Muuse uu mar uun tago Sool iyo Sanaag bari, isla markaan uu xuduudka Somaliland ku dhawaado ama uu soo arko bal hadda markaad eegto safarkaa la buun buuninayo, waxaase ka weynaa oo ka qaalisanaa oo aan la soo badhigin Madaxweynihii isaga xilka uga horeeyay ee Axmed Siilaanyo safar uu ku tagay Gobolka Sool Xaruntiisa Laascanood,  isla markaana uu uhoyday Gobolkaasi iyadoon Madaxweyne u hoyan magaladaasi muddo 56sannadood ah kaddib dilkii Allah haw naxariiste Madaxweynihii Somaliya  Cabdirashiid Cali Sharmaarke loogu gaystay Magaalada Laascaanood.

Sannadkii labaad ee muudo xileedka madaxwene Muuse Biixi waxa uu dhamaaday 13 Dec 2019, isla markaan waxaa la soo badhigay waxqabdkii sannadkaa oo isna u eekaa mid aad moodo in loo soo diyaariyay ama daawanayaan dad u badan caruur iyo wax magarto sababtoo ah waxqabdkana waxaa ugu horeeyay safari uu ku tagay saddexdii dal ee uu awalba tagi jiray iyo dal cusub oo layidhaahdo Gini konokori, waxoogay wufuudo ah oo dalaka yimid, kuwaas oo Madaxweynha la kulmay.

13 Dec 2020 waxaa ku eekayd sannadkii saddexaad ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, afartana habeen oo uu kaga jiro sannadkii afraad ee muddo xileedkiisa ayaa waxay xukuumadiisa ku guuldaraystay inay soosaarto waxqabdkii sannadkii ina dhaafay ee 2020.

Hadaba aynu usoo daadagno dulucda qoraalkeenana aynu kga hadlayno waxaqabd la’aanta xukuumada Muuse ee sannadkii galbaday  ee 2020 hadaba suaasha taagana ayaa ah madaxweynuhu ma wuxuu aqoonsaday inaanu waxba qabana sannadkii ina dhaafay mise waa ka awood darro in xukumadiisu soo bandhigto waxqabdkii ay umada u qabteen.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

 

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q W/Q Cabdiraxiim Cabdullaahi Shiine