Baashe X xasanQabyada Qoraalka Afka Soomaaliga: Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
Waa qormo ka mid ah waxyaalihii aan kaga qayb galay Barnaamij ka dhacay Stockholm intii u dhaxaysay 4–5 Dec 2015, looguna wanqalay “Maalmaha Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.
Afafku sidooda ba waa isirro qaabeeya hab fekerka aadanaha, waxna lagu ficil geliyaa wax qabadkiisa, ujeeddadu na waa in la isku fahmo oo lagu wada xidhiidho, loona adeegsado muuqaallada nolosha oo dhan wax maskaxda laga hindiso iyo wax gacan laga hidiyo ba.
Sidaas awgeed ayay afafku u baahdaan in la ilaaliyo, la daryeelyo, la koriyo, lana taabbo geliyo tisqaad ahaan, iyo in gudahooda laga la soo dhex baxo sirta ku duugan ee ku dacal dhebaysa xeerarka iyo qawaaniinta qaab-dhismoodkoodu isugu rakiban yihiin iyo neefsiga xarakadooda la jaanqaadda kacaa-kufka, gegeddoonka iyo guclaha nololeed ee aadmigu ku jiro.
Saddex martabadood ayaa afafka la siiyaa oo lagu geeddi geliyaa adeegsigooda dusha sare ka muuqata:

Afka marxaladdiisa suuqdiga ah oo aan inta badan soo dhaafin wada macaamilka suuqa iyo dariiqa, maqaaxiyaha iyo mijlisyada iwm
Afka qaybtiisa labaad waa ta rasmiga ah oo ah afka shaqada iyo maamulka, waxbarashada iyo warfaafinta (gaar ahaan idaacadaha iyo TV-yada), khudbadaha madaxda, culimada iwm
Qaybta saddexaadna waa afka marxaladdiisa qoraalka ee wargeysyada iyo buugaagta oo isaga laftiisu qaybo hoosaadyo sii yeelanaya.

Tusaale ahaan saddexda martabadood waxa aynu soo qaadan karnaa tusaalahan:

Gole weyn oo khamriga lagu fuudo magaalada London ayuu holac ka kacay (wargeyska)
Meel khamriga lagu cabbo magaalada London ayuu dab qabsaday! (Idaacadda iyo TV-ga)
Mukhbaarad khamriga lagu walaaqdo magaalada London ayaa gubatey! (suuqdi)

Afka Soomaaligu kama duwana afafka caalamka, kama na maarmo xeer loo cuskado oo lagu kala xakameeyo badahaas kala duwan iyo dhigaallada qaab dhismeedyadiisa, gaar ahaan erey-afkeedka ku sargo’an xubinta hadalka ee dhegta (Idaacad) , ama dhegta iyo ishu (TV) maskax u sii gudbiyaan, iyo ereyga qoran dhigaalkiisa ee insha iyo maanku wadajir fahamkiisa u miciinsadann.
Afsoomaaligu waa guun, qoraalkiisu se waa cayddi. 21-kii Oktoobar 1972 ayaa dawladdii Kacaanka ee hoggaamiye Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqday in la hirgelinayo dhigaalka Afka hooyo.
Ayaan lagugu gaadin
Oo yay ku gaadin
Godadka labanlaabma
Iska giiji shaqallada!
Gumaysiyo la-jire
Fartayadu ninkay gubi
Guushayadu ninkay dhibi
Gidaarka madaxa ha ku dhuftee
Maxaa iga galay wax ba!
Tallaabo Lagu Tanaaday.
Sannadihii 1972–1973 ololayaashii qoraalka iyo cidhibtirka akhris- iyo qoraal la’aanta ee magaalo iyo miyiba ka dhaqan galay waxa ay ahaayeen kuwo la mahadiyey, guulo na laga soo hooyey.
Manaahijtii waxbarshada (saynis; Bayoolaji, Kimisteri, Fisigis, xisaab iyo taariikh, juqraafi iwm), maamulkii xafiisyada, darajadii ciidammada iyo warfaafintii waxa ka dhashay fuf erey bixineed oo casri ah oo la yaab lahaa. Horumar ballaadhan ayuu sannadahaas afku sameeyey.
Laamaha cilmiga sayniska iyo xisaabta, iyo maamulka, metelan, waxa ku soo kordhayey erey-bixin cilmi ah oo ku cusub, tusaale ahaan:
Kimisteri: curiye, iskudhis kiimikaad, kaaftoon, milan kiimikaad iwm.
Fiisigis: Xawaare, kaynaan, cufnaan, cufisjiidad, daafad, mug, culays iwm.
Bayoolagi: Hab-dhiska Dheef-shiidka, Qashin-saarka, Dhiig-wareegga,
Dareemayaasha, Neefsiga, Hiddo-sideyaal, Ugxan-side, Dareerare, Abla-ablayn, Berri-biyood, Bog-ku-socoto ama xammaarato, iwm.
Xisaabta: Isle’egyo wada jira, isirrada ay wadaagaan, dhufsanayaasha, togane iyo tabane, tigraar, saddex xagal, shakaal, asal-tiro-ma-doorshe iwm.
Juqraafiga: Sadaasha hawada, dhul-badhe, cidhifyo, kulaaleyaal, carro iyo nabaad guur, lama degaan, lama degaan-u-eke, lisan iyo rifan, iwm.
Maamulka: qorshayn, jaangoyn, maarayn, hab-raac, hab maamuus, iwm.
Siyaasadda iyo Saxaafadda: xoogsato, wadajir, midnimo, dayax-gacmeed, cirmaax, badmaax, badmareen, warfidiyeen, asal-raac, barwaaqo sooran, diyaaradaha guuxooda ka dheereeya, gantaalaha riddada dheer ama liishaanka gaaban, gujis ama maraakiibta badda quusta, iwm.
Darajada Ciidammada: dable, allifle, xadhigle, xiddigle, gaashaanle, sarreeye guuto, sarreeya gaas, iwm.
Innaga oo ah ummad dhaqankeedu hadlaa yahay, afkeenna oo qoraalkiisu fac yar yahay iyo duruufaha kakan ee ummad ahaan in haleelay saddexdii tobanle ee u dambeeyey ee af, dhaqan, dhaqaale, siyaasad, dad iyo dalka wada saameeyey, ayaa waxa ka imanaya dib u dhacyo ku yimaadda afka iyo waayihiisa; ku hadalkiisa iyo qoraalkiisa ba.
Jidgooyooyin is daba jooga ayaa afka haleelay
Dib-u-dhicii ay afka ku keentay siyaasaddii kelitalisnimo, hulaaqii colaadaha iyo dagaalladii sokeeye, burburkii weynaa iyo degganaan la’aantii xaaladdaas ka dhisaalan tahay ee weli taagan waxa ay horseedeen dib-u-dhac iyo halis afka ku yimaadda, gaar ahaan koritaamkiisii, ilaalintii daryeelkiisa iyo aayihiisiiba. UNESCO waxa ay ku dartay afka Soomaaliga afaf looga cabsida qabo in ay dhintaan oo iilka iyo luxudka jiifsadaan dabayaaqada qarnigan.
Maxaa gabay tilmaannaa
Maahmaaho toolmoon
Maalmuhu tireenoo
Qalbigaygu tebayaa
Maxaan erey tafiir go’ay
Maxaan maanso teeri ah
Tacab ba’ay ka joogaa!”
-Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) – AHUN.
Rifidda Afka iyo Maydhaankiisa

“Doonni badda quustay oo dadkii saarnaa ku le’deen!”
“Diyaarad hawada ku gaddoontay!”
“Weftigii madaxweyanaha oo dalka ku soo guryo noqday!”
“Guddoomiyaha gobolka oo bogaadin iyo hambalyo guudka kaga tuuray xildhibaannada golaha degaan ee doorashada ku guulaystay!”
“Weftiga madaxweynuhu waxa uu cagta soo mariyey degaanno ka mid ah Gobolka Maroodijeex!”
“Waxa uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey ama ka sanqadhiyey!”
“Roob oo wayn ayaa maanta Beledweyne ku biyo-baxay

‘Sida uu dhawaajiyeyda’ silloon ee beryahan carrabkeennu laasimay immisa erey oo toolmoonaa ayay barabixin doontaa, tusaale ahaan, soo qaado, sida uu yidhi, sida uu tilmaamay, sida uu sheegay, sida uu ka tibaax bixiyey, sida uu carrabka ku dhuftay, sida uu carrabbaabay iwm.
Haddii ku hadalkii afka iyo qaayihiisii halkaas marayaan, maxaynu kaga tibaax bixin karnaa dhigaalkiisii? Waa qaabaddii ninkii adhiga yar haystay ee lagu yidhi maanta cadceeddu kulalaa ee yidhi “bal xaynta xaggeeda u dareertay na ka warrama?!”
Yeelkeeda eh, Dhugashadayda maantu waa baraarujin, waxanan qabyada qoraalka ka eegi doonaa saddex god oo waa weyn, kuwaas oo la xidhiidha dhigaalka farta ama qoraalka afka:

Isku dhigid kala dihis

Inta badan waa dheddig iyo labood. Isku si bay u dhigmaan, wax se dhawaqoodu muujiyaa kala duwanaantooda, taas oo ay ahayd in qoraalkoodu na muujiyo.
Tusaale:
Waxar (ta) x waxar (ka), qaalin (ta) x qaalin (ka), inan (ta) x inan (ka), wayl (sha) x wayl (ka), dameer (ta) x dameer (ka), nayl (sha) x nayl (ka), shilin (ta) x shilin (ka), diin (ta) x diin (ka), dhiil (sha) x dhiil (ka), haan (ta) x haan (ka), dayr (ta) x dayr (ka), dacal (sha) x dacal (ka), dheel (sha) x dheel (ka), xuur (ta) x xuur (ka), mood (da) x mood (ka), geed (da) x geed (ka), laan (ta) x laan (ka) iwm.
Magacyo gaar waxa iyaga kala saaraya xarafka weyn magacu qaato mar walba, hase yeeshee waxa loo baahnaa in qoraalka si kale loogu kala garto marka weedhi ka bilaabanto ‘Xeraad baan arkay’. Ma qof baan arkay Xareed la yidhaa, mise biyo calcalyo ah?!
Tusaale
Seed x seed, Dharaar x dharaar, Maalin x maalin, Iid x Iid, Geeddi x geeddi, Xariir x xariir, Xareed x xareed, Maax x maax, Guhaad x guhaad, Guure x guure, Good x good, Barkhad x barkhad, Deeq x deeq, Burhaan x burhaan, Sarmaan x sarmaan, Colaad x colaad, Nabad x nabad, Canab x canab, , Qorrax, qarrax, Cadceed x cadceed, Abees x abees, Nuur x nuur, Baaruud x Baaruud, Ayaan, Cibaado x cibaado, Sureer x sureer, Iftin x iftin, Ubax x ubax, Hodan x hodan, Ladan x ladan, Luul x luul, Cawo x cawo, Suubban x suubban, Tusmo x tusmo, Shukri x shukri, Nimco x nimco, Barwaaqo x barwaaqo iwm
Kelida iyo wadarta ereyo kale oo qoraalkoodu kala tilmaan iyo kala soocid u baahan yahay, sida dhawaqoodu ba u kala duwan yahay si la mid ah.
Tusaale:
Dibi (ga) = dibi (da), orgi (ga)/orgac (a) = orgi (da)/orgac (da), awr (ka) = awr (ta), yey (ga) = yey (da), ey (ga) = ey (da) iwm.

Shaqal culus iyo mid fudud

Shibbane (22) iyo shaqallo (10) ayay farta Soomaalidu ka kooban tahay.
Shibbane waa kii aamusnaa (B T J), shaqalkuna waa kii codka samaynayey (A E I O U ama AA EE II OO UU).
Sida shaqallada afkeenna ka muuqata dhammaantood waa shaqallo fudud, kama na dareemaysid wax culays ah, hase yeeshee marka afka dib loogu noqdo waxa ka soo dhex baxaya ereyo shaqalkaas cusub hillaaban oo u qoraal ekaaday ereyo ay isku dhigmo yihiin oo shaqalkoodu fudu yahay.
Tusaale:
Duul (weerar, ama dad/ummad) iyo duul (haadid), dul (sanka) iyo dul (guudka), suul (is qari ama dhuumo) iyo suul (faraha), bah (sharafta, harqadda dadnimada) iyo bah (isku hooyo ah), mud (irbad ku dur) iyo mud (hilib ama cad geela kaga yaal sararta oo tahar, jiid iyo baruur ba leh), sug (ha tegin ama dhawr) iyo sug (hubi), mudan (turqan) iyo mudan (sharfan), xal (furdaamin) iyo xal (maydhid ama dhiqid sida maacuunka ama weelka oo kale), dug (seexasho) iyo dug (ku boodid qabsi la socdo), dumi (burburi) iyo dumi (isu keen, abaabul), diid (dhicitaan diifi iyo xanuun keeno) iyo diid ( qaaddacaad ama ka hor imaanshe/diidmo).

Tumaalinta ereyada

Tarminta iyo tayaynta afka waxa ka mid ah la tumaaliyo oo la isku karkaro dhawr erey oo kala duwan, si ay u abuuraan erey kale. Ereyda la tumaaliyaa waxa ay ka koobmaan laba erey iyo wax ka badan. Waa labaaley, saddexley, afarley, shanley iwm.
Qaar waynu la qabsannay oo uma aragno ereyo midoobay in ay ka dhasheen qaar na way inagu cusbaan karaan Tusaale sida cir-san-ka-yeedh, bar-ku-ma-taal, ka-fool-ka-fool, wax-xumo-tashiil, awrkii-cirka, nin-la-gigey, san-ku-neefle, uur-ku-taallo, war-sheeko, la-ma-huraan, laga-ma-maarmaan, geeddi-socod, bog-ku-socoto, suul-cawro, wa-ku-ool, si-xun-wax-u-sheeg iwm.
Ereyada nooc ah marka ay qoraal timaaddo waxa loo maraa saddex jid oo kala duwan. Dadka way way isku daraan (sixunwaxusheeg), dad kale na xarriijimo ayay u dhaxaysiiyaan (si-xun-wax-u-sheeg), qaar na way kala googooyaan oo meelo bannaan bay kala dhex geliyaan (si xun wax u sheeg).
Intaas waxa soo raaca magaalooyin iyo gobollo dhawr erey iyana ka yimi sida Dhuusomarreeb (Dhuuso-ma-reeb), Gaalkacayo, Togdheer, Laascaanood, Oodweyne, Geed-loo-kor, Godmo-biyo-cas, Ballidhiig, Ballicabbane, Balligubadle, Ballicad, Kalabaydh, Balliweyn, Habari-heshay, Gar-loo-gubey iwm.
Qormadani waa baraarujin uun. Waxa ay sahan u tahay in ay ka digto ifafaalayaasha aynu hayno ee hoos u dhaca ku yimi tayadii afkeenna, dib u gurashada dedaalladii iyo isirradii u taagnaa ilaalintiisa, daryeelkiisa, korintiisa, tarmintiisa, hodanayntiisa iyo taabbo gelintiisa, sida maqanaanta qaran iyo dawlad (dawlado) arrintaas ku baraarugsan, garasho u leh oo u darban.
Si kasta ba ha ahaato eh, waxa aan ku talin lahaa in la qaado dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:

Mac-had afka lagu cilmibaadho oo ka dhexeeya shanta Soomaalidu degto
Waxbarashada hoose ilaa jaamacadaha iyo maamulka xafiisyada shanta Soomaaliyeed oo Afsoomaaliga laga siiyo doorkiisa mudnaanta koowaad leh
Tayaynta qoraalka afka iyo fidinta awoodda ereygiisa dhigan
Dadka afka ku hadla oo lagu boorriyo qiimaha afkooda iyo hiddesidennimadiisa madhaafaannimo
Warfidiyeennada, suugaanyannada, abwaannada, fannaaniinta, aqoonyannada iyo cilmi baadhayaasha oo iskaashi ka yeesha daryeelka afka, iyada oo si togan looga faa’iidaysanayo ilaha warfaafineed iyo technology-da casriga ah iwm.

Siciid Jaamac Xuseen ayaan uga mahadnaqayaa talooyin badan oo aan ka helay intii aan ku jirey qormadan liilinteeda.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com