Daraasado ka dayriyey in ilmaha loo diro shaqo guri, kadibna lagu xisaabiyo marka u dugsiga ku soo noqdo. …. Cabdillaahi Beershiya.
Waqtigii aan carruurta ahaa ilaa maanta oo aan ka shaqeeyo mid ka mid ah goobaha waxbarashada, waxa aan marna dhegahayga ka maqnaan arday lagu xisaabinayo inay ka soo shaqayn waayeen hawl macallin u diray oo ku saabsan casharada loo yaqaan shaqo guri amma Homework.
Waxa laga yaabaa in ilmaha yar khaati ka joogsado in si joogto ah loogu diro shaqo guri amma Homework dhawr maado ka kooban oo isla maalinta xigta macallin kastaa ka doono inuu hubiyo sida u ardeygu u soo qabtay hawshaasi.
Waa hab-dhaqan caan noqday bud-dhigna u ah waxbarashada, laakiin aan si waaagsan looga baaraan degin, natiijadiisuna marar badan keento in geedi-socodka waxbarashado ee ilmuhu kala go’.
Waxa laga yaabaa in dad badan oo warbixintan akhiryaa igula yaabaan oo ay isweydiiyaan waa noocee sida kale ee ilmaha lagu qiimayn karaa? Marka koowaad maaha fikir aan iska aaminay ee waa daraasado badan oo la sameeyey oo ay ka mid ah cilmi-baadhis laga sameeyey dalka Maraykanka intii u dhexaysay sannadihii 1987 ilaa 2003-dii.
u jeedooyinka cilmi-baadhistani waxay daaran tahay in loo kuurgalo doorka casharada guriga lagaga soo shaqeyo ku leeyihiin sii socodka waxbarashada ilmaha yar ee dugsiga hoose dhigta, waa warbixin ay saareen aqoonyahanno ka hawlgala Jaamacadda Duke University oo cinwaan uga dhigay ‘Does Homework Improve Academic Achievement? A Synthesis of Research, 1987–2003.’ Taasoo macnaheedu yahay door intee le’eg ayuu laysliska gurigu ku leeyahay horumarka aqooneed.
Warbixinani waxay hoosta ka xariiqday in ardeyda yaryar ee dugsiga hoose dhigata wax faa’iido ah oo la taaban karo aanay ka heleyn casharada guriga loogu diro.
Waxay aqoonyahanada warbixintan sameeyey ku celceliyeen in layslisku leeyahay saameyn taban oo cakirta xidhiidhka u ilmaha yar la leeyahay dugsiga, sidoo kalena uu xumeeyo xidhiidhka ka dhexxeya waalidka iyo ilmihiisa oo tusaale ahaan markuu ilmuhu ka shaqayn waayo waxyaabihii guriga loogu diray macalliminta dugsigu waxay ka ashkataynayaan waalidkiisa, waalidkuna wuxuu isku deyayaa inuu cadaadis badan ku saaro siddii uu ilmuhu uga shaqayn lahaa waajibka loo soo direy oo marka dambe keena inuu ilmaha yar laftiisu bilaabo khiyaamooyin uu kaga badbaadayo caddaadiska waalidka iyo ta macallimiintaba sida inuu wax qisho amma beeno sheego.
Ogaanshahani wuxuu keenay in dawlado badan oo waddanka Finland hormood u yahay wax-ka-beddel ku sameeyeen qaabkii loo diri jirey layliska guriga. Sidoo kale dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhabbahaas hayaan.
Aqoonyahan Harris Cooper oo aad u yaqaan aqoonta cilmi-nafsiga ayaa wuxuu sheegay in aanu helin wax daliil ah oo timaamaya in laylisyada gurigu waxtar u leeyihiin ilmaha yar ee dugisga hoose ku jira. Mr. Harris Cooper oo ka tirsan jaamacadda cilmi-baadhistan soo bandhigtay daraasad ku sameeyey 180 dugsi oo natiijadoodu noqotay in laylisyada gurigu xumeeyaan xidhiidhka ardeyda iyo waalidka.
Waxyaabaha la yaabka leh ee warbixintani xustay waxa ka mid ah in Layliska gurigu aanu ilamaha oo kaliya dhibaateyn, laakiin uu culays saaro labada waalid oo iyaga laftoodu ka daala hawshaas joogtada ah.
Sannadkii 2014-kii ayaa wargeyska Daily Telegraph wuxuu daabacay in carruurtu ay farxad iskaga jiraan marka aan homework laga doonayn. Haddaba, innaga Soomaali ahaan daraasadani ma ina anafacaysaa, mise inama anafacayso? Waxase nasiib-darro ah in aan daraasad lagu samayn inta qof ee meelihii ay dhiganayeen uga tegey cadaadis kaga yimmi macallimiinta oo la xidhiidha laylisyada, taasina ay sababtay inuu qofku noloshii oo dhan seego.