TelesomDahabshiil
Published On: Sat, Aug 22nd, 2015

Siyaasiga Iyo Suldaanka Cir Caddaaga Noqday Waa In Sumad Loo Yeelaa Q.2 aad

Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu dunida ka korarsada khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta “taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga” oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in dib danbe kuugu dhicin.
Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegno  loolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaa damaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, ka kalena dibindaabyo uu la rabo walaalkiis, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshoodii u durbaan tumeysayna dawakhisaa oo gelisaa dakano qabiil iyo mid dowladeedba.  Ragaas inta  uu loolanka u dhaxeeyo waa laga waayaa in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas’uulka ka ahaayeenba.
Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay “Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa”, iyo “maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaaba waa deyrta maanta ahe!”, iyadoo intii kasoo hadhayna dufaanadii colaadeed ay raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oo garbahoodii dunshay oo dushana laga wada qabsaday.
Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana  magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii,  masuuliyad kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan,  dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay.
Waxaan Shacabka reer Somaliland leeyahay, wixii maanta ka bilowda in ay  isweydiiyaan jawaab cadna ka bixiyaan,  waxa ay rabaan iyo cida ay masuuliyadaas uga fadhiyaan haday tahay dhaqan, maamul dal iyo diinba. Waa in maskaxdoodu  muxaafid noqon, ficilkooduna mucaarad ama mid saddexaad oo aan haabkaba lagu hayn.
Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan (Jaafaa)
London.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Human Rights

Businesses

Pin It