By. Maxamed Cabdillaahi Cabdi
Maxamed Cabdullaahi WhoWax kasta oo aynu soo-qaadano oo dunidan korkeeda saarani, waxay leeyihiin wax marjac u ah oo lagu haggo habka iyo nidaamka uu u dhisan yahay, kaasoo waafaqsan hagista qorsheed ee loogu tallogalay in hadba mas’uulka ama maamulkaasi gadh-wadeen kaga noqdo.

Haddii aan gundo-dego ujeeddada uu daaran yahay maqaalkaygani ee igu kelifay, waa dayac iyo baahida weyn ee ka muuqata ciyaaraha dalkeena in aan u qaato qallinka. Bal inta aan wax yar ka xuso inta aan isleeyahay waayo-aragnimo ayaad u leedahay Habka iyo Hana-qaadkii ay ku sameysantay ciyaarta Kubadda Cagtu oo aan aaminsannahay in ka saameyn badan tahay Siyaasadda qaar ka mid ah hormoodka Dawladaha Reer Galbeedka, waxa aan is-barbar-dhigo ku sameeyo doorkii yagleel ee dhabbaha cagta loogu saaray ciyaaraha kubadda cagta ee dalkeena tan iyo wixii ka dembeeyey dib-ula-soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland oo 18 May 1991 lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Haddaba, inta aanan u gudo-gelin in aan wax ka tilmaamo hana-qaadkii horumarineed ee ciyaarta kubadda cagta ee dalkeena uu soo maray, bal aynu dib u millicsano taariikhda kubadda cagta inta aan is leeyahay waad xusi kartaa oo kooban aniga oo kor-ka-xaadinaya inta ka bawdsaday dadka ehelka u ah ee Alle-na (SWT) iga waafajiyey inuu garansiiyo.

Taariikhda kubadda cagta dunida, waxa asal ahaan ay ka soo bilaabantay dalweynaha Shiinaha, waxaana sida tan ay tahay iminka u beddelay England, inkastoo tartankii ugu horreeyey ee la qabto uu qabsoomay dhammaadkii Qarnigii 16aad oo ka dhacay magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, kaas oo ay ka qeybgaleen waddamada England, France & Italy, kaas oo loogu magac-daray Calcio, oo ilaa iminka ku magacaaban Horyaalka Kooxaha ee Talyaaniga.

Sannadkii 1850, Naadiga Sheffield ee ka dhisan England waxay noqotay Kooxdii ugu horreeyey ee laga sameeyo dunida, muddo 15 sannadood ah kadib ilaa iyo intii laga gaadhayey 1865-kii oo ay 11 naadi oo kale ka sameysmeen waddankaas, ayaa tartankii ugu horreeyey uu u qabtay FA oo saameyn weyn ku leh dunida inteeda kaleba.

Markii uu tartankaasi dhammaaday, isla markaana uu indho badan soo jiitay inay xiisanayaan kubadda cagtu, waxa la isla qaatay in la sameeyo qorshihii lagu hagi lahaa ee dalka England oo waqtigaas ku taamayey istaraatijiyadii uu dunida inteeda badan u soo gacan-geli lahaa maamulkiisa, si uu horumar ugu helo Kacaankii Warshadaha ee horraantii Qarnigii 15aad ka tisqaaday Yurub.

Arrintaasi waxay suurogashay inay sharciyo u kala sameeyaan Sheffield iyo qaar ka tirsan Jaamacadaha England, arrintaasina waxay sabab in 24 sannadood kadib oo waafaqsan 1889 laga midho-dhaliyo qorshihii iyo ujeeddadii laga lahaa, iyada oo markii u horreysay laga bilaabay Horyaalka Ingiriiska ee ilaa iminka ka dhisan dalkaas, tartankaas oo uu ku guuleysteen Preston North End (un-beaten) iyada oo aan marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin ay horyaalkaas qaatay 1889 – 1890-kii.

Jidkaa dheer iyo kacaa-kufkaa ay soo martay ciyaarta kubadda cagtu, waxaan aaminsannahay inay Somaliland meelo badan ka metesho marxaladahaas kala duwan ee ay soo dhex jibaaxday kubadda cagtu. Aan iska dhaafo naadiyadii u horreeyey ee dalkeena ka dhisnaa ee uu lahaa Xaaji Mi’ateyn, taas oo ay ahayd in aan si wanaagsan u xuso, maadaama aan taariikhda ka bilaabayo wixii ka dembeeyey 18, May, 1991-kii.

Haddaba, tartankii ugu horreeyey ee dalkeena lagu qabto waxa uu ahaa tartan bisha Ramadaan oo lagu qabtay garoonka Gacma-dheer (Shacab Girls) ee ku yaalla Goljanno ee magaalada Hargeysa, inkastoo aynaan lahayn diiwaan qoraal ah, haddana waxa tartankaas waxa abaabulkiisa iyo qabashadiisaba iska lahaa Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo mar ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta.

Wixii halkaa ka dembeeyey waxa sameysmay naadiyo ku ciyaara xaafadda ay deggan yihiin, kuwaasoo tayadooda farsamo aad uga ka sarreysay kuwa iminka jira, isla markaana moodeysay inay ka xamaasad iyo xiiso badnaayeen daawashadoodu, iyada oo welibana xilligaas lagu jiray abaabul-ka-saarkii iyo dib-u-dejinta dalka, xattaa waxaynu odhan karnaa sida qalabka iyo adeegyada ciyaaraha loo helo iminka looma heli jirin markaa, ku-darsoo Ciyaaruhu may ahayn kuwo madax bannaaneyn oo waxay ahaayeen Waax ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Waxay soo laba-lag-dootaba, Cali Maxamed Warran-cadde oo Wasiir ka soo noqday Wasaaradda Waxbarashada, waxa uu dhidibada u taagay labada naadi ee Gaashaan iyo Goodir, kaasoo sidoo kalena ku soo kordhiyey waxbarashada tartan aqooneedkii KADIS, intaa kadibna Rabbi naxariistiisa janno ha ka waraabiyee Madaxweynihii hore Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa 20 February, 2000, Wasaarad madax bannaan ka dhigay Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, anigu odhan maayo waxay ka ahayd horumarinta dhallinyarada, isla markaana odhan maayo waxay ka ahayd xil uu isaga magacaabay uu mansab Wasiirnimo inuu xubin/shaqsi ama beel ugu lagu qancinayo, aragtidaas weli way taagan tahay oo ilaa iminka waxay u eg tahay in aanay jirin qorshihii laga lahaa horumarinta Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Waqtigaas waxa suurtogashay in la qabto tartankii ugu horreeyey ee Gobollada oo ay ku jireen labada Naadi Gaashaan iyo Goodir odhan maayo waxa lagu magacaabi karaa tartankii Ciyaaraha Gobollada, balse taariikhda ayaa igu kaliftay in aan xuso. Ciyaartii kama dembeysta ahayd waxa isugu yimi Gaashaan iyo Gabiley oo markaa ahayd Degmo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, waxaana ku guuleystay Gaashaan.

Intaa kadib, waxa sameysmay lix naadi oo kale oo siddeed ku noqday labadii hore u jiray loo aqoonsaday inay yihiin kooxaha heerka koowaad loo qabtay horyaalkii ugu horreeyey, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Diana Club, Herer Star, Rainbow, Sooyaal, iyo Nafta oo aan markaa tababbare u noqday xilligaas, markii uu Tabanbare Faysal Muuse Ildab oo ahaa macallinkaygii u wareegay inuu Laylyo Naadiga Goodir.

Kacaa-kuf iyo rafaad badan oo uu soo maray tartankaasi inay dhammeyaan, waxa ku guuleystaan maamulladii isaga kala dembeeyey oo ay ka mid ahaayeen; Maxamed Cabdillaahi Oomaar, Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Cabdirisaaq iyo kuwo kale.

Dhacdooyinkaas ay soo dhex jibaaxayeen ciyaaruhu oo mar xaalado kala duwan oo duruufahooda watta ay ku xeernaayeen, haddana waxa jiray in tartanno kala duwan oo loo qabanayey naadiyada dhisanaa, ha dhacdo in loo qabtay tartanka Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex, inkastoo arrintaas mar uu suurtogeliyey qabsoomitaankeeda Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo markaa ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta, haddana waxa si muddo-dhaaf lagu qaban jiray tartanka Ciyaaraha Gobollada aan is leeyahay ma aha kuwo ahmiyad la siiyey.

Haan baa gun bay ka tolantaaye, waxay sirtu ka qudhunsan tahay aasaaska naadiyada jira sida lagu bilaabay, inkastoo aan odhan karo Gaashaan iyo Goodir qaabkii loo aasaasay waxay ahaayeen mid waafaqsan habka iyo hannaanka loo marayo sameysanka unugga naadinimo, haddana maanta ma odhan karo halkii ay maalintaa taagnaayeen wax baa ugu kordhay, mana odhan karo waxay buuxin karaan shuruudihii looga baahnaa naadinimada.

Markaa waxaan odhan lahaa ha la tayeeyo naadiyada jira iyo maamulladooda jira, kadib markaasaay wax saxmi karaan, balse inta uu tababbare iyo kabtan go’aan la qaadanayo hadba maamulka jira waxba hagaagi maayaan. Soomaalidu waxay Hawraar ku tidhaahdaa; ‘Awrka iyo Ninka maxaa u dhexeeya?’ Waa ‘HOGGAANKA,’ inkastoo ay leeyihiin maamul haddana maaha kuwo saameyn leh mihnadda ciyaaraha, waxay taasi caddeynaysaa in aanay jirin ujeeddo ka dembeysa oo lagu maamulo naadiyadaas, xattaa haddii ay jiraan maaha kuwo soo bandhigi kara oo ku faani kara guulasha ay gaadheen. Ku-darsoo xattaa malaha dirays iyo astaamo u gaar ah, inkastoo meelaha ay ka tirsan yihiin leeyihiin calamo iyo astaamaba.

Markaa maxaa isbeddelay ayaad odhan kartaa markay wax sidaa ahaayeen maanta ay sidan aynu aragno yihiin? Taas waxaan u dhaafayaa cid kasta oo aan isleeyahay waayo-aragnimo iyo aqoon bay u leeyihiin ciyaaraha inay helayaan jawaabteeda, marka laga reebo inta danta gaarka ah leh.

Isku soo wada duuboo, waxay tallo tahay in hoggaanka ciyaaraha loo dhiibayo, xattaa haddii aanay aqoon u lahayn loona sameeyo habkii iyo hannaankii lagu maamulayey ciyaaraha, kaas oo uu dabada ka riixayo Madaxweynuhu, haddii kale waxba socon maayaan ayaan aaminsannahay.