WQ: Suxufi Xuseen Cali Nuur

Sannadkan lagu jiro ee 2020, haddii Illaahay idmo, wuxuu noqon doonaa mid taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland gala, jiilasha dambe ee soo socdaana ay ku xusuustaan si u dhow sida ay u xusuustaan sannadaha 1960-kii iyo 1991-kii.

Sannadkan waxaa lagu xasuusan doonaa sida badheedhka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u diiday in dalalka kaalmada bixiyaa wax u soo mariyaan dal neceb jiritaanka shacbiga Somaliland iyo qaranimadooda. Dal burburay oo magac kaliya ka hadhay oo maanta ah qabrigii kaalmada caalamiga ah.

Dhowritaanka sharafta iyo shacbiga Somaliland muujiyey sannadkan 2020, waxa ka mid ah  sida uu uga hor yimid quwad caalami ah iyo hanjabaadeeda; quwad caalami ah iyo ballanqaadyadeeda dhaqaale, iyadoo uu diidan yahay in xornimada iyo qarannimadiisa uu wax ku beddesho.

Sannadkan 2020 waxa la xasuusan doonaa marka si dhab ah la isku barbar-dhigo nidaamka dimuqraadiyadeed ee maanta dunida ka jira  iyo qaabka karaamada, tixgalinta iyo sharafta leh oo uu ficil ahaan ugu dhaqmayso Jamhuuriyadda Somaliland.

Is barbar-dhigani wuxuu noqon doonaa iyadoo diiradda la saarayo xaaladda ka jirta dalka Maraykanka oo bisha November ee sannadkan la filayo in doorashadii Madaxwayne ka dhacdo, sidoo kale, qaar ka mid ah dorashooyinkii dalalka Koonfur Ameerika, Aasiya ama dalalkii Faransiisku gumaysan jiray ee ku yaalla galbeedka Afrika ka dhacay, kuwaasi oo khilaaf wayni ka dhashay oo haatan qaar ka mid ahi heer burbur qaran gaadhsiisan yahay.

Waxa lagu xasuusan doonaa halista siyaasadeed ee ka jirta dunida Carabta iyo farqiga u dhexeeya axsaabta siyaasadeed, Xukuumadda, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland oo aan si naxli lahayn ugu heshiisyey in muddo sagaal bilood gudahood ah Somaliland laga qabto doorasho dhici doonta bisha May 2021 (Insha Allaah).

Jaha-wareerka ka taagan doorashada Madaxwaynenimo ee Maraykanka, waxay ku abuurtay dadka dalkan ku nool walaac wayn, waxay ka baqayaan soo farogalin shisheeye, ku shubasho iyo inay dhici karto in natijada doorashada khilaaf wayni ka dhaco.

Somaliland is afgaradkeedani waxa la filayaa haddii Eebo idmo inuu u dhaco sidii qaabkii horeba loogu soo dhaqmay oo ah doorasho hal cod iyo hal qof ah, xor iyo xalaal ah, horena u soo dhici jirtay.

Hase ahaatee, nimco kasta nusqaanteeda ayay leedahay, inkastoo Jamhuuriyadda Somaliland indhaha caalamka soo jiidatay sannadkan 2020-ka, caalamkuna mawqifkeeda iyo ficilladeeda la yaaban yihiin waxaan la ilaabi karin oo muhiim ah in aan is xasuusino in aan leenahay laba nabar oo ay doogtoodu nagu soo baxdo markay doorasho soo dhawaato ama la qaban doono.

Labada nabar oo dib u dhiga doorasho oo aan jirin sannadihii ugu dambeeyey 90-aadkii balse markii dambe soo if baxay iyo saamiga kuraasta qaybsashadiisa.

Waxay ila tahay, cudur kastaa haddii la dedaalo tallaal iyo daawo ayuu leeyahay. Tallaalka cudurkan ina hayaana wuxuu u baahan yahay waddanninimo iyo daacadnimo, waxaanay ila tahay in daawadoodii ay tahay iyadoo sidii loo qaadan lahaa  dariiqeedii lagu bilaabo xildhibaannada cusub ee la dooran doono inta aanay kuraasida ku daalin, dareenkii shacbi ee soo doortayna wali nool yahay.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

WQ: Suxufi Xuseen Cali Nuur