Maxamed Cismaan

W/Q. Maxamed Cismaan Xaaji

Waxaa maal mahan dhagaha shacabka haystay dhismaha casriyaysan ee laga wado magaala madaxda jamhuuriyada Somaliland ee hargeisa dhismahasoo ah kaniisad wayn qprshaheeduna yahay in kiristaankii dalka joogay ay tagaan kuwa kale ee danaynaya inay qoladaa ku biiraana sida xisbiyada loogu soo dhaweeyo, balse culumada dalka iyo shacabka dhamaantood way kazoo hor jeesteen.

Mar wax laga waydiiyay wasiirka diinta iyo awqaafta jamhuuriyada Somaliland waxuu sheegay inay xukuumad ahaan ogoladeen inay hawshooda wataan qoladaa faafinaysa diinta kiristaanka.

Waxaynu ogsoonahay dalkan waxaa ka dhacay waqtiyadii u danbeeyay abaaro, kuwasoo sababay foqor nimo, balse xukuumada waxay qaaday talaabo dadkan lagu xoolaynayo, foqornimadana lagaga hortagayo, waxaana loo baajiayay maalintii uu qarankan lahaa ee 18may tasoo loo badalay kaalmaynta walaalaha ay abaarta asiibtay, balse aduunkii faraha badnaa ee la ururiyay lama garanayo qasnadaha ay ku dhaceen.

Iyadoo ay taa jirta bulshadana ay foqor nimadii ku dhacday la dala dhacayaan ayaa waxaa dalka loo ogolaaday qoloda diinta kiristaanka faafisa inay kaniisadooda casriyaystaan,

Hadaan idin xasuusiyo dalalka afrikaanka intooda badan waxay qateen diinta kiristaanka iyagoo looga faa idaystay foqor nimada loona sheegay haday soo galaan diinta kiristaanka in la siinayo aduun lacageed,

Hadaynu nahay dadka reer Somaliland waxaynu ahayn dad isku filan qolada diimaha fidinayana aan jeclayn inay dalkooda ka fidiyaan.

Balse qoladaa dhisanaysa kaniisada waxay awood u heli donaan in kaniisada noqoto meel rasmi ah oo ay ka dulaan, waxayna heli donaan fursad aan qarsoonayn oo ah inay goob walba oo ah gudaha jamhuuriyada Somaliland tagaan iyagoo waqtiyada qaar dhex maraya hay’adaha ku shaqeeya quudinta dadka masakiinta,

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa qolada fasaxday kaniisada hirgalinteeda inaysan ku haboonayn waqtigan lagu jiro,

Waxayna naafaynaysaa kalsoonidii xisbiga kulmiye iyo xukumadiisa loo hayay, waxayna luminaysaa codad aad u badan.

Musharaxa xisbul xaakimkana waxaan leeyahay talaaba walboo waqtiyadan u danbeeyay qaday xukuumada sida lunsiga hantidii loo ururiyay abaaraha iyo hirgalinta kaniisada waxaad ku waayi doonta shacabka codeeya waxyahooda misaanka leh