Maxaa sababay in Qof wax bartay iyo Qof aan waxba barran aan wax farqi ahi u dhexayn waayo?

Bisaylka Qofnimo waa Dayrka ilaaliya dhismaha Dawladnimo iyo jiritaanka qaranimo. Somaliland waxa soo maray sokeeye.

Dagaalkii faqashta ee 88-kii, ee dalka lagu xorreeyay oo u dhexeeyay Jabhadii SNN iyo dawladdii Milateriga ahayd ee Siyaad Bare.

Dagaalkii sokeeye ee Somaliland ka dhacay 1994-kii  iyo sidoo kale dagaalka sokeeye ee maanta ka socda baraha bulshadu ay ka wada xidhiidho sida Facbook-ga; waana dagaalka ugu xun marka loo eego dagaaladii sokeeye ee hore inoo soo maray; waana halka ay sartu ka xuntahay iyo boogta aynu isdul taagi doono.

Haddii aynu saddexdaas dagaal ka itaagno xagal quman, waxa inoo soo baxaya wax ay ka siman yihiin iyo wax aanay ka sineyn. Waxa ay wadaagaan horta labada dagaal ee hore waxa aynu ku wayney geesiyaal faro badan iyo hanti faro badan lakiin dagaalkan warbaahineed ee sokeeye, waxa aynu ku waayi doona wadan dhan oo leh geesiyaashiisa, aqoonyahankiisa, culimadiisa, hantidiisa iyo huwiyadiisaba, waxa aynu waayi doonaa dadkii indheer garadka inoo ahaa ee bisaylka lagu tuhmayey; waxana tashuush  badani ku furmidoonaa jihada loo socdo.

Dhibaatada maanta jirta ee ina dhexqaaday waa mid iclaamku sabab u yahay, waayo xoriyadii fikirka ayaa xadhkaha goosatay, waxa dhacay mulaaqan faro badan iyo fasaqan faro badan, waxa soo daahirtay fidno sokeeye, waxa isku mulaaqmaya oo is fasaqaya caqligii soo jeeday iyo caligii hurday, dadkii indhaha inoo ahaa iyo dadkii raciyadda ahaa ayaa isku si u wada fikiraya oo isku si u wada hadlaya, dagaaladii hore waxa ay ahaayeen ku dhiig badani ku daadatay oo laga soo kabtay, laakiin dagaalka sokeeye ee warbaahineed ee maantu waa mid sahayanaya oo eber ka dhigaya maskaxo badan oo lagu kalsoonaa, waa mid baa’binaya mabaadi’da wadanka, waa mid burburinaya qawaaniinta wadanka, waa mid horseedaya fawdo iyo fitan; waana mid dhulka la simaya milgaha iyo bisaylka qofnimo.

Maxaa sababay in Qof wax bartay iyo Qof aan waxba barran wax farqi ahi uu u dhexayn waayo marka loo eego naca, nacaadiirta, nusqaanta iyo naxliga dhex hoganaya baraha bulshadeenu ay ku wada xidhiidho? Aaway bisaylkii qofnimo? Bisayl maxaynu uga jeednaa? Su’aasha reer Soomaaliland maanta u taalaa waxa ay tahay Sidee ayeynu u  badbaadin karnaa bisaylka qofnimo?

Hadaynu u nimaadno erayga Bislayl waxaa loo jeedaa: Qof dhisan wacyi ahaan—oo waayaha dalkiisa ka warqaba, qof dhisan aqoon ahaan iyo Akhlaaq ahaanba oo garanaya xaqa uu leeyahay iyo xuquuqda qof ahaan lagu leeyahay. Marka lasoo koobo kelmada bisayl qofnimo aragtidayda gaaban, aniga oo halbeegsanaya astaamo cayiman waxay iila muuqata siyaabahan soo socda:

  1. Waxa uguma fiirsado, Sida qof kasta oo caadi ahi uu ugu fiirsado mawaaqifta iyo dhacdooyinka ku xeeran, laakiin waxa uu isku miisaamaa saxa iyo qaladka, xaqa iyo xaqdarada, caqliga iyo caadifada; waxana aakhirka uu soo saaraa fikir talo saliim ah oo lagu bogsoodo.
  2. Waxyaabaha u gaarka ah qofka bisil waxa ka mida weligii kama xishoodo inuu aqbalo waanada iyo talada loo soo jeediyo.
  3. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu garto bisaylka qofnimo waxa kamida tawaaduca iyo is-dhul-dhigidda, waayo waxa uu ogsoon yahay in Rabi ka cilmi iyo awood badani uu ka sareeyo; waana mid aqoonsan daciifnimadiisa.
  4. Qof bisili waa mid si dhab ah u garanaya waxa uu damacsan yahay, sida uu ula dhaqmayo dadka ku xeeran, xurmeynta afkaarahooda iyo dareenadoodaba; waana mid ogsoon halka uu wax ka bilaabayo markay ra’yi noqoto.
  5. Qofka bisil waxa aan lagu garan waayin deganaanshihiisa marka uu doodayo, dulqaadkiisa marka lagu qaldamo iyo habka hadalkiisa ee xanafta iyo ka madhan shakhsi weerarka ee leh xikmada iyo hoga tusaaleynta.

Eng.Ridwaan C/Laahi Cilmi

Agaasimaha Han-dhis Academy

Email.ridwaancilmi@gmail.com

Tel: 25263-4044827