Hargeysa(ANN)-Dowladda Somaliland, ayaa shaacisay magacyada maxaabiista maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo lagu qabtay dagaalkii sannadkii hore 2018, magaalada Tukaraq ee duleedka Garoowe ee xadka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo ka Soomaaliya.

Maxaabiistaa oo ka kooban 14 maxbuus, oo saddex iyo toban ka mid ah ay rag yihiin iyo haweenay, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi cafis u fidiyey 18-kii bishan May oo ku beegnayd munaasibada sannad-guuradii 28aad ee xuska maalinta qaranimada Somaliland. .

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, oo maanta Saxaafadda kula hadlay qasriga Madaxtooyadda, ayaa sheegay in la fasaxay, iyadoo la fulinayo cafiska Madaxweynaha maxaabiistaa.

Magacyada Maxaabiistaas Puntland Somaliland ka haysay ee cafiska Madaxweyne Biixi lagu sii daayey, ee afhayeenka warbaahinta u akhriyey, waxay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran.

1-Cabdinaasir Cismaan Cali

2-Cabdinuur Maxamed Cabdulle

3-Maxamed Siciid Yuusuf

4-Cali Faarax Aadan

5-Maxamed Cabdi Caynab

6-Cabdixaafid Cabdillaahi Xalane

7-Xuseen Siciid Warsame

8-Cabdinaasir Maxamed Nuur

9-Maxamed Abshir Aadan

10-Ibraahin Xasan Salaad

11-Axmed Maxamed Axmed

12-Siciid Ducaale Cali

13-Axmed Nuur Cali

14-Faarax Maxamed Cabdi