Araweelo News Network

Eritrean President  Isaias Afwerki

Eritrean President Isaias Afwerki


Qormada 3aad
Madaxweynaha Dalka Eriteria Isaias Afwerki iyo Denis Sassou-Nguesso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo

Mr. Isaias Afwerki waa Madaxweynihii ugu horreeyey ee ka taliya dalka Eritariya (Eritrea). Waxa uu shahaadadiisa u horraysay ee dibloomada (diploma) ee dugsiga sare ka qaatay sannadkii 1965kii dugsiga Prince Makonnen High School. Waxa uu ku baasay darajo aad u sarraysa, taasina ay u fududaysay inuu waxbarasho ka helo Jaamacadda kulliyadii Injineerinka ee Haile Selassie I University ee hadda la yidhaa Addis Ababa University. Markii uu muddo sannad ah dhiganayey ayuu kaa baxay jaamacadda, waxaannu ku biiray halgankii lagu doonayey xorraynta Eritariya (Eritrean Fredom Struggle).

Maadaama aynu dhinaca aqoonta uun ka eegayno madaxda, waxa madaxweyne Afwerki ka mid yahay masuuliyiinta ugu aqoonta liidata hoggaamiyayaasha Afrika, waxa uu ku koray magaalada Asmara, waxaanna isagoo yar dhiigga ka raacday inuu dalkiisa xorreeyo, waannu ku guulaystay, inkastoo lagu eedeeyo tacadiyo badan inuu ku kaco, haddana waxa uu ku guulaystay hamigii ahaa in Eratariya ka madaxbannaanato dalka Itoobiya.


Denis Sassou-Nguesso (Jamhuuriyadda Congo)

Congo-Brazzaville President  Denis Sassou-Nguesso

Congo-Brazzaville President Denis Sassou-Nguesso

Madaxweyne Denis Sassou-Nguesso oo madax ka ah Jamhuuriyadda Congo-Brazzaville, xilkaasoo uu hayey laga soo bilaabo 25 October 1997. Waxa uu dhigtay amma uu galay kulliyadii macallimiinta ee College in Dolisei. Markii dambe waxa uu helay tababar millatari oo uu qaatay 1961kii iyo 1963kii oo uu ka helay dugsiga Cherchell oo ku yaala Algeria iyo kulliyadda lagu tababaro ciidanka lugta ee Saint-Maixent ee dalka Faransiiska.
Madaxweyne Denis oo ka soo jeeda qabiilka Mbochi waxa uu ku dhashay tuulada Edou oo ka mid ah degmada Oyoe ee waqooyiga Koonfog sannadkii 1943kii.

Waxa uu caan ku yahay millateriga oo uu ku biiray 1960kii, waxaannu ka qaybqaatay afgambigii 1968kii millatarigu xukunka ku saareen Marian Ngouabi, isla markaana aasaasay xisbiga la yidhaa Conglese Labour Party (Parti Congolais du Travail) markay taariikhdu ahayd December 1969kii.
Waxa uu jaran jarooyin badan u soo koray sidii uu xukunka dalkiisa u qabsan lahaa, iyadoo ay joogaan rag aqoon iyo karti ahaanba kaga fiican. Sannadkii 1970kii waxa loo magacaaba Denis inuu noqdo Agaasimaha Ammaanka, aakhirkiina waxa uu noqday Wasirka Golaha Cusub ee Madaxtooyada. Markii Madaxweyne Ngouabi la shirqoolay amma shirqoolka lagu dilay March 1977kii, waxa loo dalasiiyey Kornayl inuu noqdo iyo jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ee Guddida ciidammada ugu sarraysa ee CMP (Comitee Militarie Du Parti). Waxa uu jagadaas sii joogay ilaa 5 February 1979kii, kadib markii si farsamaysan awoodda lagaga qaaday amma lagu afgambiyey hoggaamiye Yhombi-Opango, kadib markii lagu eedeeyey inuu musuqmaasuq iyo siyaasad xumo ku kacay, kadib waxa Denise loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee dalkaas.

Doorashooyin ka dhacay dalka, ayaa sababay inuu kursiga waayo 1992, balse wuxuu xukunka dib ugu soo laabtay 1997. kadib dagaalo ehli ah oo ka dhacay dalka, wuxuuna dhowaan dhamaystay teeramkiisiil labaad oo ahaa todoba sanadood, isagoo markii sadexaad loo codeeyay inuu sii haysto dalkaa Oct, 2016.
source: Jamhuuriya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380