Araweelo News Network

Kumanaan Iranian ah oo weerarray safaaradda Sucuudigu ku leeyaha Thahraan

Kumanaan Iranian ah oo weerarray safaaradda Sucuudigu ku leeyaha Thahraan

Abu Dhabia(ANN) dalalka Imaaraadka Carabta, Sudan iyo Baxrayn oo xulafo la ah dalka Sucuudiga, ayaa caydhiyay safaaradihii dalka Iran ka joogayay dalalkooda. kadib markii Dalka Sucuudigu xidhiidhka u jaray dalka Iran, isla markaana ku amray inay 48 saacadood kaga baxaan dalkiisa Dublamaasiyiinta dalka Iran iyo Safiirka ka joogay.

Arrintan ayaa ka dhalatay xiisad cirka ku shareertay xidhiidhka labada dal kadib markii xurguf siyaasadeed ay sii xoojisay dilka Sheekh Sheekh Nimr al-Nimr oo si weyn looga yaqaanay mandaqada, isla markaana ahaa wadaad haystay Mah’dabta shiicada oo si weyn u dhaliili jiray qoyska Boqortooyadda Sucuudiga.

waxaana lala deldelay oo xukun lagu fuliyey 47-ka qof, kuwaas oo sidoo kale ay ku jireen, culimi waaweyn oo mandaqada laga yaqaanay iyo daaciyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Fares al-Shuwail oo lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa Ururka Al-qaaciida, waxaanna dilkiisa ka hadlay laanta Ururka Al-qaaciida ee Jaziirada Carabta oo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin lagaga aargudanayo dalka Sucuudiga.

“Xukunka dilka ah ee Sucuudigu fuliyey waa fariin cad oo ku socota kooxaha argagixisada ah iyo sidoo kale kuwa u taagan, kuna baaqa in kacdoono iyo rabshado dadweyne ka dhacaan dalalka ammaanka ah, isla markaana ku hanjabaya inay waxyeelo gaadhsiiyaan midnimada iyo xasiloonida bulshada Boqortooyada Sucuudiga.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Abdullah bin Zayed Al-Nahyan. ka hor intii aanay safaaradda Iran ka caydhin dalkeeda.

Dhinaca kale Dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan iyo muslimiinta haysta Mah’dabta Shiicada ee ku dhaqan dalka Yemen, ayaa si xoogan u cambaareeyey xukunka dilka ah ee lagu fuliyey Sheekh Nimr al-Nimr, waxayna Sucuudigu waajaheen dhawaaqyo lagu tilmaamay in Qoyska Boqortooyada Sucuudigu dhadhamin doonto xannuunka lagaga soo horjeedo xukunkaas dilka ah.

Xiisada u dhaxaysay Iran iyo Sucuudiga, ayaa si weyn u xumaatay, waxaana ay hadda u muuqataa inay xaaladu faraha kasii baxayso, iyadoo loolanka dhinaca mandaqada iyo awooda ee gobolka ay ku muran sanaayeen Iran iyo Sucuudigu, isla markaana ku kala aragti duwanaayeen Dagaalada Iraq, Sryia, Libya iyo Yemen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380