TelesomDahabshiil
Published On: Fri, Oct 9th, 2015

Maraykanka Oo Ku Mashquulay Sababta Kooxaha Islaamiyiintu U Adeegsadaan Baabuurta TOYOTA Baadhitan Su’aalo Lagu Weydiiyay Shirkadda

BaabuurtaToyotaWashington(ANN)Dawladda Maraykanka ayaa su’aalo ka weydiisay shirkadda TOYOTA sida ay kooxda argagaxisadda ah ee Daacish (ISIS), ku heshay Baabuurteeda nooca Land-cruiserada Hilux loo yaqaan, kuwaas kooxaha argagixisadu u adeegsadaan dagaalada ay ku jiraan, isla markaana indhaha reer galbeedka ay soo jiiteen markii dhowaan kooxda Daacish ee dawlada Isalaamiga ah soo badhigeen gaadiid boqolaal nocaa ah oo ay dhoolatus ku samaynayeen.

Muuqaalo fiidyaw ah oo ay kusoo bandhigayeen kooxda Dawlada Islaamiga ah ee ISIS, dhoola-tus ay ka sameeyaan dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya, ayaa lagu arkay daadkii ay samayso shirkada Japan ee TOYOTA Hilux, kuwaas oo ay kooxdaa iyo kooxaha kale ee Aragixisadu u adeegsadaan dagaalada.

Telefishanka ABC ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in shirkadda TOYOTA ay sheegtay in aanay ka warhayn arrintaa, waxaana taa bedelkeeda soo dhawaysay baadhitaanadda ay samaynayso Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku, gaar ahaan waaxda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka iyo dabagalka argagaxisadda, taas oo loo abuuray sidii looga ilaalin lahaa in qalabka iyo waxyaabaha agabka ay soo saaraan waddamadda reer galbeedku aanay u gaadhin, ama u gelin gacanta Daacish iyo ururadda kale ee argagaxisadda ah.
Baadhitaanka natiijadan, ayaa weli la sugayaa inay kooxda baadhaysaa soo saaran warbixin.
Warbixin laga qoray arrintaa dhawr sanadood ka hor halkan la akhriso.
Why TOYOTA Hilux Advertises terrorism Stimulation Pictures?

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

 

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>