Muuqaalka Batalaale Arawelo News Network

Muuqaalka Batalaale Arawelo News Network

Berbera (ANN)Allaah ha u naxariistee afar dhallinyaro ah, ayaa ku geeriyooday biyaha badda ee magaalada Berbera shalay, kuwaasoo saddex ka mid ah maydkooda laga helay xeebta Batallaale gelinkii dambe ee shalay.
Sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Berbera, afarta qof baddu liqday oo dhammaantood reer Hargeysa ahaa, waxa magacyadoodu kala yihiin;
1. Siciid Cismaan Maxamed
2. Xasan Cismaan Axmed
3. Siciid Maxamed Cabdillaahi
4. Axmed Haybe Cabdi.
Sida wararku xaqiijiyeen dhallinyaradan oo wax ka baran jiray dugsi ku yaal caasimadda Hargeysa, waxay u dalxiis tageen magaalada Berbera, kadibna isku dayey inay ku dabbaashaan badda, balse nasiib-darro mawjadaha biyaha badda ayaa qaatay, kuwaas oo saddex ka mid ah meyadadkooda baddu soo tuftay gelinkii dambe ee shalay.
Allaah ha u naxariistee dhallinyaradan ardayda ahaa, waxay ku noolaayeen xaafadaha Calaamadaha iyo Jameeco-weyn oo ka mid ah degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380