#Araweelo_News_Network.

Niamey (ANN)- Hoggaamiyayaasha afgambiga Niger ayaa xidhay hawada dalkaasi kaddib markii ay diideen amar ka soo baxay wadamada Galbeedka Afrika  eek u midoobay ururka ECOWAS, kaas oo ahaa in dib loo soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum.

 

Dalalkan oo ku midaysan Ururka Millateri ahaan iyo dhaqaale ahaan, ayaa xilligan reer galbeedku ku dirqiyayaan in tallaabo laga qaado Millateriga Niger, ayaa ku hanjabay haddii ay dheggaha ka furaystaan Millateriga Niger in ay soo celiyaan Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay inay waajaahaan halis, isla markaana lagu samaynayo faragelin Millateri

ALt: "Araweelo News"

Hoggaamiyaha Inqilaabka Niger Colonel-Major Amadou Abdramane, Image Araweelo News, 7 August 2023.

Hase yeeshee markii ay dhammaatay muddada loo qabtay waxay taas beddelkeeda Millateriga Niger qaadeen tallaabo ay ku muujinayaan innay diyaar u yihiin weerar kasta oo kaga yimaada ECOWAS iyo xullufadda Faransiiska iyo wadamada reer galbeedka.

ALt: "Araweelo News"

Qaar ka mid ah shacabka Niger ee taageersan Afgenbiga oo lulaya Calanka Ruushka, 7 August Image Araweelo News Network.

Millateriga Niger, ayaa ku dhawaaqay galinkii dambe ee Axadii innay gebi ahaanba xidheen hawada dalkooda, iyadoo tobanaan kun oo taageerayaasha afgambiga ah ay isugu soo baxeen garoon ku yaala caasimadda Niger, Niamey, si ay ugu farxaan jeneraalada la wareegay awoodda iyo tallada dalka, ama ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Golaha Qaranka ee Badbaadinta dalka oo loo soo gaabiyo (CNSP).

Laxidhiidha: Dad Gadoodsan Oo Hujuumay Saldhiga Millateriga Maraykanka Ee Niger

 

Afhenbiga lagu sameeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Niger, ayaa si weyn ay u taageereen shacbiga dalka Niger, taas oo ay ku muujinayeen dareenkooda, iyadoo qaarkood canbaaraynayeen Faransiiska oo dalkaa si weyn ugu dhex jiray siyaasadiisa tan iyo markii uu xorriyada ka qaatay, waxaana dadka taageeraya inqilaabka qaarkood siteen calanka Ruushka oo ay ruxayeen, halka ay gubayeen calanka Faransiiska.

Wakiilo ka socda ururka ECOWAS ayaa dalka Niger u tegey toddobaadkii hore si ay wadahadal ula furaan ciidamada Millateriga, iyadoo Faransiiska iyo dalalka kale ee reer galbeedku doonayaan in xukunka lagu soo celiyo Madaxweynihii xilka laga tuuray.

Laxidhiidha: Dalalka Galbeedka Afrika Oo Lagu Riixayo In Faragelin Millateri Lagu Sameeyo Niger

Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ECOWAS, ayaa sheegay in inkasta oo faragelinta Millateri ay tahay “maciddii ugu dambaysay”, haddana ay miiska saaran tahay, laakiin ay doonayaan in marka hore lagu qanciyo Millateriga inay xukunka kusoo celiyaan xukuumaddii rayidka ahayd..

 

Dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa boqolaal muwaadiniin ah ka daad gureeyay dalka Niger, sidoo kale Afartan Jarmal ah ayaa lagu qaaday duulimaadyada Faransiiska maalmo kaddib afgambigii xukunka lagaga tuuray Madaxweynihii dalkaa Mohamed Bazoum, iyadoo Arbacadii lasoo dhaafay ay afgenbiyeen koox Millateri ah oo uu hoggaaminayay Colonel-Major Amadou Abdramane, iyadoo Ilaalada Madaxtooyada Niger ay xidheen Bazoum.

 

Inqilaabka xukunka ay kula wareegayaan Millaterigu ayaa kusoo laabanaya Afrika sannadihii u danbeeyay, taas oo muujinay in aannay ka shaqaynayn dimuqraadiyadu, waxayna Colonel-Major Amadou Abdramane iyo Hoggaamiyayaal kale oo Afrika ah go’aansadeen innay xukunka ka tuuraan Madaxweynayaal xukunka ku yimi doorasho, taas oo ay qayb ka tahay loollanka Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ee siyaasadda aduunka.

Ururka ECOWAS, oo ka kooban 15 dal oo dalalka reer galbeedka Afrika ah, waxa hore uga baxday sanandkii 2000, dalka Mauritania, kaas oo ka mid aaha aasaasayaashii Ururka 1975, wuxuuna ahaa dalka keliya ee ku hadla Af Carabi, wallow ay mar kale soo codsatay 2017, sidoo kale Morocco, ayaa isla sanadkaa soo codsatay inay xubin ka noqoto ECOWAS.

Sideed waddan oo ka mid ah ururka ECOWAS ayaa ku hadla luqada faransiiska, halka shan ka mid ah ay ku hadlaan English, laba keliya ayaa ku hadla luqada Portuguese. Dalalka ECOWAS, ayaa hore ugu soo rogay cunaqatayn dalalka xubnaha ka ah ee inqilaabku ka dhacay sida Mali waxaa laga joojiyey ururka ECOWAS 30 May 2021, kaddib afgambigii labaad ee millateriga ee sagaal bilood gudahood.

 

Guinea ayaa sidoo kale la hakiyay 8 September 2021, wax yar kaddib markii afgambi Millateri uu ka dhacay dalka, waxaana la saaray cunaqabatayn labada dal 16 September. Laakiin 10 January2022, Mali waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ah inay xidho xuduudaheeda ay la wadaagto daalalkaa, waxayna u yeedhtay dhowr safiir oo ka joogay dalalka ECOWAS,  si ay uga jawaabto cunaqabateynta lagu soo rogay dib u dhigista doorashooyinka muddo afar sano ah.

Sidoo kale,  January 2022, Burkina Faso waxaa laga joojiyay xubnimadii ECOWAS kaddib afgambi Millateri, sidaa oo akle Niger ayaa laga joojiyay ururka ECOWAS kaddib afgambigii  Arbacadii toddobaadkii hore, 2023-, waxaana loogu hanjabay in ay faragelin Millateri uu ku samaynayo Ururku haddii aan Madaxweyne Maxamed Bazoum dib loogu soo celin xafiiska, taas oo noqonay haddii laga dhabeeyo tallaabo cusub oo aannay ECOWAS hore uga qaadin dalalka kale ee xukunka inqilaabka lagula wareegay, kuwaas oo xubno ka ahaa ECOWAS.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com