Araweelo News Network

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Arrimaha Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Arrimaha Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab

Hargeysa(ANN)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa deeq lacageed oo dhan $20,000 iyo Buugaag lagu qiimeeyay lacagtooda qiyaastii $ 10,000 ugu deeqday maktabadda Qaranka Somaliland oo maraysa mar-xaladii ugu dambaysay ee dhamaystirkeeda.

Ka bilaw Bidix Gudoomiyaha Hayadda Diwaan-galinta Sakadda Sheekh Siciid Maxamed Faarax,  dhexda Gudoomiyaha Maktabaddda Qaranka Axmed-daahir iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed (Dalmar)

Ka bilaw Bidix Gudoomiyaha Hayadda Diwaan-galinta Sakadda Sheekh Siciid Maxamed Faarax, dhexda Gudoomiyaha Maktabaddda Qaranka Axmed-daahir iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed (Dalmar)


Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo qaadhaan loogu uruurinayay Maktabadda Qaranka, ayaa ka dhacday Hoolka Casiraga ah ee shirarka iyo Xafladaha ee Green Plaza ee magaaladda Hargeysa ee ay mataanaha yihiin Summertime Habeenimadii Isniinta, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan, ganacsato kala duwan, xubno ka socday Qurba-jooga iyo marti-sharaf kale.

Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed (Dalmar)

Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed (Dalmar)


Gudoomiyaha Maktabadda Qaranka Somaliland Md. Axmed-daahir Nuur oo ugu horayn ka hadlay xafladaa ayaa ka waramay mar-xaladihii ay soo martay dhismaha Maktabadda waxaanu muqaal-bandhigeed ku sharaxay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dhismaha maktabadda, isagoo sheegay in xiligan maktabadda dhismaheeda yahay 700 mitir oo isku wareeg ah, balse ay hadheen oo weli ay qabyo yihiin daaqadihii iyo albaabadii, wuxuuna xusay in dhulka u banaan Maktabadda oo gaadhaya 4500 oo mitir isku-weer laga hirgalin karo dhismayaal kale.

Muuqaalka ka qaybgalayasha kulanka lacagta iyo Buugaagta Shirkadda Telesom ugu deeqday Maktabadda Qaranka

Muuqaalka ka qaybgalayasha kulanka lacagta iyo Buugaagta Shirkadda Telesom ugu deeqday Maktabadda Qaranka


Gudoomiyaha Maktabaddda Qaranka Axmed-daahir ayaa u mahadnaqay dhamaan bulshadda ka qayb-qaadatay dhismaha maktabadda, waxaana uu tibaaxay in ay ka qayb-galeen jaaliyadaha UK, Sacuudi Arabia, Qadar iyo jaaliyaddo kale oo badan.

Gudoomiye Axmed-daahir ayaa sidoo kale u mahadnaqay Gudoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo uu sheegay inay gudoomiyaha u yahay boodhka Guddida Maktabadda Qaranka door laxaad lehna uu ka qaatay hirgalinta iyo dhaqaajinta dhismaha maktabadda.

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Arrimaha Bulshadda ee Shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax oo matalaayey shirkadda Telesom ayaa xaflada kaga dhawaaqay deeq iskugu jirta lacag iyo Buugaag ay shirkadda Telesom kaga qayb-gashay xaflada qaadhaanka loogu uruurinayay Maktabadda.

“Waxaanu caawa halkan ka balan-qaadanayaa in aanu bixin doono lacag dhan $20,000 sidoo kale waxaanu ku deeqi doonaa Kutub, ama Buugaag lagu qiyaasi karo ilaa $10,000 oo maktabadda Insha Allaahu Tacaalaa la dhigi doono” Sidaa waxaa yidhi Cabdiwahaab Maax.
Gudoomiyaha Hayadda Diwaan-galinta Sakadda Sheekh Siciid Maxamed Faarax iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed (Dalmar) ayaa iyaguna shirkadda Telesom uga mahadnaqay sida weyn ee ay shirkaddu uga qayb-qaatay dhismaha maktabadda qaranka waxaanay Ilaahay uga baryeen in Ilaahay shirkadda TELESOM barakeeyo.

Shirkadda Telesom ayaa sanadkan 2016 lacago badan kaga qayb qaadatay arimaha horumarinta bulshadda gaar ahaan dhismaha Jaamacadaha, wadooyinka, caafimaadka, waxbarashadda iyo caawimooyinka gaar ah ee bulshadda marka ay timado Baahi. Shirkadda Telesom ayaa markastaba kaalinta koowaad ka qaatadda arimaha khayriga ah ee Bulshadda, iyadoo inta badan ay xukuumadda Somaliland iska kaashadaan.