Wargeyska Waraystay Haweenayda Mastarin Ara Oo Si Foolxun Loo Weeraray Iyo Jawaabta Uu Bixiyay

Araweelo News Network.

Stockholm (ANN)- Wargeyska Skogseko ee kasoo baxa dalka Sweden, ayaa Cambaarayn baahsan kala kulmay Baraha bulshada ee guddaha dalka Sweden,Kaddib markii uu Wargeysku addeegsaday Sawirka haweenay xijaaban oo uu Waraystay.

Wargeyska Skogseko ayaa Bogiisa hore kusoo Sawiray Mastarin Ara oo Xijaaban,oo ah Haweenay Muslimad ah oo u dhalatay Dalka Bangladesh, isla markaana ka Shaqaysa Cilmi-baadhista.

Wargeyska ayaa Haweenaydan Muslimka ah ka waraystay natiijada cilmi-baadhis ay samaysay oo ku saabsan habka ugu wanaagsan ee loo ilaalin karo kaymaha iyo dhirta.

Lknse Dadweynaha Sweden ee Baraha Bulshada Isticmaala wax Muhimad ah ma ay siin Cilmi-baadhista ay soo bandhigtay Mastarin Ara, balse Lknse waxay ka Faaloodeen Xijaabkeeda,iyagoo ku aflagaadaynaya, oo leh “Sidee Haweenay Xijaaban Wax noogu sheegi kartaa !”

Qaar kamid ah Dadweynaha Sweden oo Haweenayda Mastarin Ara ku dhaleecaynaya Xijaabkeeda waxay soo qoreen Sidan:-

 “Hadda haweenka Muslimiinta ah ee la dulmiyay ma waxay ii sheegi doonnaan sidii aan u maarayn lahayn Kayntayada? Waa Sawir laga Wis-wiso “

Kuwo kale, ayaa qoray iyaguna sidan:- ” Waa Wax layaab leh in maanta Wargeyska Skogseko uu Boggiisa hore soo dhigo Haweenay Xijaaban,oo weliba wax noo sheegaysa “

Sidoo kale, kuwo kale, ayaa yidhi, ” Waxaan ka cabsanayaa in Caruurteenu ku daydaan iyada,oo ay u maleeyaan wax sax ah oo ay naftooda cabudhiyaan “

” Maya adigoo Xijaaban wax nooma sheegi kartid,sababtoo ah xor ma tihid,markaad is xorayso ha inoo ahaato “ayay kuwo kale oo aflagaadooyin ku qoray baraha Bulshada ku yidhaahdeen qoraalkooda.

Hase yeeshee Wargeyska Skogseko oo Gabadhan Muslimka ah Waraystay ayaa soo qoray qoraal uu ku difaacayo,wuxuuna qoray sidan.

“Waan aragnay faallooyinka naxdinta leh, Waxaan la yaabnay dadka tirada baddan ee soo caayay Gabadhan Cilmi-baadhista aan soo bandhignay,Sidani waa Ceeb wax inoo qalma maaha.

Ka Wargeys ahaan,Mastarin Ara, waxaan kuu sheegaynaa in aanu ku taageereyno adiga iyo waxqabadkaaga, Yaanay ku niyad jebin!

Waxaan kasoo horjeednaa Cunsuriyadda lagu sameeyay Muslimka iyo xidhashada xijaabka,Waxay ahayd in lagu taageero xogta ay soo gudbisay,oo aan xitaa ku saabsanayn Islaam “

Gabadha Cilmi-baadhaha ah ee Mastarin Aram, ayaa sidoo kale ka jawaabtay weerarka lagu qaaday,waxayna tidhi, “Waxaan arkay dhammaan faallooyinka laygu cunsuriyeeyay ee Xijaabkayga iyo midabka Jidhkayga,Waxay u egtahay in aannay rabin inay dhegaystaan cilmi-baadhisyo iyo fikrado ka imanaya dadka madawga ah iyo haweenka Muslimka ah,Taasina waa Ceeb weyn.

Waxaan kusoo gaadhay meesha aan joogo dadaal baddan, umana oggolaan doono inay i niyad-jebiyaan, waxaan sii wadi doonaa shaqadayda in kasta oo ay jiraan caqabado la xidhiidha xijaabkayga iyo waxa aan aaminsanahay ” ayay tidhi, iyadoo u jawaabay kuwa cunsuriyada iyo aflagaadada ku weeraray.

Araweelo News Desk

By. Dr.Ahmed Hasan Saalah

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com