Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay Magaaladda Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Socdaalkiisa Addis Ababa, ayaa lagu macneeyay mid uu kaga qaybgelayo shirka Madasha Sare ee Amniga Afrika ee Tana High-Level Forum, oo ka furmaya Magaalada Baharder ee dalka Ethiopia, kaas oo ah shir sanadle ah oo ay isugu yimaadaan madaxda Afrikaanka iyo daneeyayaasha si ay uga qaybgalaan una sahminayaan xalalka amni ee ay Afrika hogaaminayso.

ALt:Araweelo News
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga Mustafe Cumar iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo,  Adan Faarax Ibraahim oo ay weheliyaan masuuliyiin kale kusoo dhoweeyeen Madaarka Addis Ababa, 13 Oct, 2022, Image Araweelo News Network.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga Mustafe Cumar iyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo, Adan Faarax Ibraahim oo ay weheliyaan masuuliyiin kale kusoo dhoweeyeen Madaarka Addis Ababa, 13 Oct, 2022, Image Araweelo News Network.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee dawladda Federaalka, Xamse Cabdi, waxa madaarka kusoo dhoweeyay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo, Adan Faarax Ibraahim iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mustafe Maxamed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyaan masuuliyiin kale oo ismaamulka Soomaalida ah, waxayna qaabka loo qaabiyay baratakool ahaan muujisay in aannay dawladda Federaalku ahmiyad weyn siinayn dawladda ra’iisal wasaare Barre, taas oo ka dhigaysa ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee madaxda Ismaamulka ay soo dhoweeyaan, halkii ay dawladda Federaalka soo dhawyn lahayd.

Hase yeeshee markaa kaddib, wuxuu ra’iisal wasaare Xamse kulan la qaatay Ra’iisal wasaare ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka rrimaha Dibedda Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen , iyadoo ay kulankaa ku weeliyeen masuulyiinta Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga PP , Madaxweyneha Kilika Shannaad iyo masuuliyiin kale.

Booqashadii ka hor, waxa soo baxayay warar sheegaya in ay qorshaha ugu jirto inuu booqdo Magaaladda Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida, taas oo ay suurtagal tahay in ay dareen kale ku abuurtay xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, maadaama aannu jirin ra’iisal wasaare dhigiisa ah oo dawladdihii soo maray Soomaalida booqday Jigjiga oo ah magaalo Soomaaliyeed, balse ka tirsan Federaalka Ethiopia.

Sidoo kale, waa ra’iisal wasaarihii u horeeyay ee dawladda Federaalka Soomaaliya ee Caasimadda Addis Ababa ay kusoo dhoweeyaan madaxda Kililka Shanaad ee Soomaalidu, iyadoo aan lagu qaabilin soo dhowayta Baratakoolka saxda ah.

Balse soo dhowaynta Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo iyo Madaxweyne Mustafe Maxamed Cumar, ayaa lagu macneeyay in ay meesha ka saartay qorshihii Ra’iisal wasaare, Xamse, ku doonayay inuu ku tago magaalada Jigjiga marka uu dhammaado shirka Tobnaad ee Madasha Tana Forum.

Intii ay dawladihii gacan-ku-rimiska ahaa ka jireen Soomalaiya, inta baddan madaxda dalwaddahaasi lama kulmi jirin madaxda ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia, balse inta la ogyahay Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa inta la xuusan yahay 8th  October 2011, xilli uu booqasho ku tegey Addis Aababa, waxa uu kulan casho ah la qaatay Madaxweynihii Kililka ee xilligaa iyo kuxigeenkiisa oo ay weheliyaan ganacsato iyo dhawr masuul oo ku xigeeno ka ahaa dawladda Federaalka Ethiopia, kuwaas oo dhammaantood ahaa Soomaali.

 Cabdiweli oo xilligaa ra’iisal wasaare ka ahaa xukuumadda Somalia ee TFG, ayaa noqday masuulkii u horeeyay la kulam Madaxda dawlad deegaanka Sooomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad, kaddib markii ay munaasibad casuumad casho ah u sameeyeen masuuliyiinta Soomaalida ee ku jira dawladda Federaalka Ethiopia, xildhibaan iyo ganacsato, iyadoo Madaxweynaha dawlad deegaanka iyo ku xigeenkiisa iyo xubna kale oo ku qaabilay ra’iisal wasaare Cabdiweli kulankaa cashada ahaa.

Sidaa awgeed ra’iisal wasaare Xamse oo dedaal ugu jira sidii uu taageero ugu heli lahaa dagaalka Al-shabaab, ayaan la ogayn inuu jiro qorshe kale oo ku lamaan.

Si kastaba ha ahaatee Madasha Tana Forum ee uu ka qaybgelayo, ayaa ah mid inta baddan lagaga hadlo arrimaha amniga ee Afrika iyo xalinta masiibooyinka collaadaha iyo khilaafyada soo noq-noqda ee dalalka Afrika, waxa xubno ka ah Guddida sarre ee Madasha Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo mar ahaa Guddoomiyaha Tana Forum.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki, Pierre Buyoya, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Burundi, Prof. Andreas Eshete, Lataliyaha Gaarka ah ee Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Ethiopia oo leh derejada wasiirka, horena u noqday guddoomiye ku xigeenka Tana Forum, iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, Dr. Tedros Adhanom, isla markaana ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dawladda Federaalka Ethiopia.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com