Araweelo News Network

Addis Ababa(ANN)- Wiilasha Dhalinyarada ah ee xulka Soomaaliya ee kubadda Cagta 17-jirka, ayaa markii ugu horraysay ku guulaystay tartanka koobka is-reeb-reebka 17-jirada Bariga iyo Badhtamaha Africa 2022,

Kooxda dhalinyarada Soomaaliyeed oo soo bandhigay ciyaaro xiiso baddan, ayaa kasoo gudbay dhawr wareeg, iyagoo muujiyay ciyaar wanaag, waxayna ugu danbayntii xiisa baddan oo lagu qaadayay Koobka Final-ka oo lagu qabtay magaalads Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ku hanitiyeen guusha.

Ciyaarta, ayaa ahayd mid xiiso baddan oo si weyn indhaha loogu hayay, isla markaana dheggaha loo raaricinayay, kaddib markii ay isugu soo hadheen dhalinyarada dhigooda ee dalka yar ee Juba, waa  Koonfurta Suudaan .

Hase yeeshee xilliga loogu talagalay ciyaarta ayaa oo aan waxba lagu darin ayay wiilasha Soomaaliyeed  3 iyo 1 oo ay ku guuleysteen Ciyaartoydii koobka u metelaysay xulka Qaranka Soomaaliya, kuwaas Koobka ka qaaday dhalinyadii dhigooda ahayd ee ka socotay dalka South Sudan.

Kooxda dhalinyarada Soomaaliya ayaa hore ciyaarta is-reeb-reebka wiilasha 17-jirada ee Bariga iyo Badhtamaha Africa 2022, ku reebtay xulalka dhigooda ahaa ee u metelayay tartanka Ciyaarta dalalka Ethiopia iyo Uganda.

Hase yeeshee Ciyaarta ugu danbaysay ee koobka ay ku hantiyeen wiilasha xulka Soomaaliya, ayaa si weyn loo xiisaynayay,   iyadoo ay Garoonka buux dhaafiyeen taageerayaal Soomaali ah oo qaarkood masuuliyiin ay yihiin, kuwaasoo uu ugu weynaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee waxa su’aalo ka taagan yihiin in dhalinyaradda Soomaaliya ee xilligan hantay guushu ay sidii ku gaadhaan Semi Final-ka marka la gaadho koobka Qaramada Afrika ee 17-jirada,  kaasoo ka dhici doona Algeria horaanta sannadka 2023.

Dad baddan oo Soomaaliyeed, ayaa si weyn ugu farxay guusha dhalinyaradda, balse waxay is weydiinayaan ma ku gaadhi doonaan guushaa in ay  kaga qayb galaan Koobka Adduunka ee  17-jirada ee lagu qaban doono Peru marka la gaadho badhtamaha 2023.

Araweelo News Desk

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com