Araweelo News Network

gabdhsamaysayGabadh magaceedu yahay Sumiya Faruq, ayaa ku hawlan samaynta bar la mid ah mareegta internetka ee YouTube-ka oo lagu ururiyo macluumaadka u gaarka islaamka, iyadoo waqtigii ay yarayd aad u jeclayd dhacdooyinkii aabbaheed uga sheekayn jiray oo intooda badan ku saabsanaayeen Nebi Muxamed (NNKHA) hab nololeedkiisii.
Waxa gabadhani ka baratay waalidkeed inay su’aal iska waydiiso, baadhitaanna ku samayso sheekooyinka ay uga sheekeeyaan markay weynaato, waxay taasi u saamaxday in ay yaraan ku barato diimaha kale, sida Kiristaanka (Christianity), Judiisamka (Judaism) iyo Hinduuga (Hinduism).
Mss. Sumiya Faruq oo wax ku baratay degaanka Hyderabad ee dalka Hindiya, waxa ay ururisay macluumaad aad u badan oo islaamiga oo ay ku jiraan muuqaallo, khudbado iyo wacyi badan oo culimada muslimku jeediyeen. Khubaro akhriyeysa qur’aanka iyo tafsiirka.
“Inta u dhexaysa qoys iyo qaraababa waxaannu iswaydaarsan jirnay macluumaad, sidaa darteed waqtiga hadda isbeddelay, macluumaadkiina adduunka wuxuu ku urusan yahay internetka, sida Youtube amma Vimeo,” ayey tidhi Sumaya.
Waxa ay doonaysaa inay samayso bar u gaar ah oo lagala socdo macluumaadka islaamka oo sida Youtube amma Vemo la mid ah, waayo waxay sheegtay in macluumaadka islaamka marka laga raadiyo internetka ay barbar socdaan kuwo halis badan, mararka qaarna lagu dhex xayeysiisyo waxyaabo aan munaasib ahayn, sidaa darteedna ay habboon tahay in la helo meel u gaar ah xogaha islaamiga.
“Dhibaatadu way sii badatay, marka dadku ubadkooda u ogolaadaan in ay baraha booqdaan. Ubadku waxa ay markaaba baranayaan waxyaabo aan munaasib ku ahayn da’dooda,” ayey tidhi gabadha hamigeedu sareeyo.
Waxa kaloo ay sheegtay inay aragtay fursad ah in la samayn karo meel nadiifa oo u gaara muslimka amma cid kasta oo doonaysa inay diinta Islaamka barato, waxaanay bisha March 2016 yagleeshay mareeg la yidhaa Taqva.com oo khaas u ah macluumaadka khuseeya islaamka oo aan wax kale wehelin.
Warbixin ay soo saartay Sumiya Faruq oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, waxa muqaallada lagu soo bandhigo bartan internetka ah dadka lagula wadaagi karaa muqaallo ay soo baahiyaan dad mutadawacnimo u soo duuba muuqaalo xambaarsan casharo diini ah, kadibna goobta soo geliya, kuwo kale oo qur’aan, xadiisyiyo iyo wacdiyo ah ku soo duuba. Waxa xusid mudan in goobtan ay ku jiraan dhacdooyinkii amma taariikhdii Nebi Muxamed (SCW).
Hadda waxa barta internetka islaamiga ee Taqva.com ku jira 1,000 (kun) muuqaal oo midkiiba 15 qaybood leeyahay. “Waxa aannu gaadhaynaa in ka badan 10,000 isticmaale, waqtiganna waxaannu haysannaa 3,000 tiro ka badan iyo dad kaloo oo baraha bulshada nagala socda sida Istagram, Twitter iyo Pinterest,” ayey tidhi Sumiya oo ka hadlaysay sida ay doonayso inay dunida u gaadho, hantina uga samayso tiknoolajiyad dhinaca islaamka ku salaysan.
“Inta badan macluumaadku Ingiriisi bay ku baxaan, isticmaalayaashuna badankoodu waa Hindi, kuwaasoo ay soo raacaan dad Maraykanka iyo Ingiriiska ku nool. Sida ugu dhaqsaha badan waxaannu ku dari doonaa luqadda Carabiga, Urdu iyo Bengali,” ayey intaa ku dartay.
Waxa ay rajaynaysaa in marka la gaadho sannadka 2020, haddii Ilaahay yidhaah ay goobteeda Taqva.com noqoto mareegta ugu ballaadhan ee macluumaadka islaamiga lagu baahiyo adduunka, iyadoo doonaysa in ay gaadho 100 milyan oo bulshada islaamka ee caalamka ku kala nool, waxaanay tidhi; “Waxa aannu diyaarinay koox mutadawaciin ah oo dunida ku nool, kuwaasoo ujeeddadoodu tahay in 500 mutadawac ay ka helaan 100 dal 12 bilood gudahood.”