Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland iyo raysalwasaaraha Ethiopia

Madaxweynaha Somaliland iyo raysalwasaaraha Ethiopia


Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday in gogosha wadahadallada dawladda Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha kooxda Khaatumo la dhigay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
“Muddadii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa waxaanu la kulannay madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey Dr. Cali Khaliif Gallaydh.
Waxaannu kulankaas ku heshiinnay in la sii ambaqaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay. Waxaannu ku heshiinnay in 17/11/2016 wada-hadalkii ka dhaco caasimadda dalka Ethiopia,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada, kadib markii isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ka soo dageen Madaarka Hargeysa gelinkii dambe ee shalay.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay tafaasiisha nuxurka waxyaabaha ay ka wadahadleen Dr. Cali Khaliif Gallaydh iyo sababaha wadahadallada dawladda Somaliland iyo kooxda Khaatumo loogu weeciyey Itoobiya, “Arrimahaas faahfaahintooda waxaannu kaga hadli doonnaa war-saxafadeed maalinta Sabtida, 05/11/2016,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo ay xubno ka yihiin Marwada Kowaad ee Qaranka marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Xisbul-xaakimka KULMIYE md. Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha oo safar maalmo qaatay ugu maqnaa waddanka Itoobiya, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Soo dhoweynta weftiga Madaxweynaha waxa ka qaybgalay wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin dawladeed, salaadiin iyo boqollaal qof shacabka reer Hargeysa ah oo tubnaa hareeraha jidka laamiga ee hormara qasriga Madaxtooyada Somaliland, isagoo sidoo kalena Madaarka salaan-sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada qaranka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa sharraxaad ka bixiyey natiijada kulamo uu Addis Ababa kula soo yeeshay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr.Hailemariam Desalegn iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda dalkaas.
”Wefti ballaadhan oo aan hoggaaminayey, waxaannu booqasho rasmi ah ku tagnay 28/10/2016 caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.
Aniga iyo xubnaha weftigaygu waxaannu 29/10/2016 la kulannay Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia mudane Hailemariam Desalegn iyo madax kale oo kulanka ku wehelisay. Kulankaas saaxibtinnimo ee uu nagu martiqaaday Ra’iisal-wasaaruhu, wuxuu ahaa mid qiimo badan oo si diirran oo kalgacal leh naloogu soo dhoweeyey.”
“Labadayada dhinac waxaannu is-araggaa ku qaadaa dhignay arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
1. Xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal.
2. Adkaynta iyo ka wada-shaqaynta nabadgelyada guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada waddan.
3. Iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
4. Dhiirrigelinta ganacsiga, maalgashiga iyo is-dhexgalka bulshooyinka Somaliland iyo Ethiopia.
5. Isticmaalka Dekedda Berbera iyo in ay ka qaybqaadato dawladda Ethiopia dhismaha jidka isku xidhka Wajaale iyo Berbera.
6. Iskaashiga fidinta koronto jaban iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee Somaliland.
7. La-dagaallanka qaxootiga sharci-darrada ah iyo argagixisada.
8. Qabyo-tirka Heshiis lagu maareeynayo ganacsiga iyo badeecadaha isaga gudbaya labada dal (Trade Agreement), kaas oo salka ku haya danaha iyo maslaxadda labada dal.
9. Iskaashiga ka-hortagga abaaraha iyo biyo-yarida.
Kulankaasi waxa uu ku dhammaaday guul, is-afgarad, kaslooni iyo wada-shaqayn buuxda oo laga yeesho dhammaan arrimaha labada hoggaamiye gorfeeyeen, isla markaana la isla meel-dhigay,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo taxay qodobbo kala duwan oo ay ku soo heshiiyeen Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya.