Araweelo News Network

FadalIimaanHargeysa(ANN)Taliye Cabdillaahi Fadal oo khudbad ka jeediyey xuska sannad-guurada 23aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ee 3-da bisha November oo lagu qabtay xarunta Taliska guud ee Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in ay ciidanku waajibaad sharci ah ka gudan doonaan cid kastoo kala hortagta hub xilliyada ay ku guda jiraan hawlgallada ammaanka lagu sugayo.
“Ciidanka Booliska oo ah naftood hurayaal hadh iyo habeen diyaar u ah hawlaha qaranka waxa sannadkan hawlgallo qaran kaga dhintay 6 askari, waxaanna kaga dhaawacmay 64 askari, kuwaas oo loo adeegsaday rasaas, toorray, budhadh iyo dhagxaan. Waxaan dadweynaah reer Somaliland u sheegayaa in cid kastoo ciidanka hub kala hortimaada ay ciidanka Boolisku iyagoo waajibaadkooda Qaran gudanaya inay habka ugu sahlan ee xeerku tilmaamayo tallaabo sharci ah kaga qaadi doonaan. Waxa kaloo aan ciidanka Booliska farayaa inay shacabkooda ilaaliyaan mar kasta oo ay fulinayaan hawlaha qaranku u igmaday,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Waxa kaloo uu xusay hawlgalladii ugu waawaynaa ee ciidanka Boolisku fuliyeen muddadii sannadkii u dambeeyey, waxaannu yidhi, “Hawlgalladii ugu cuslaa sannadka ee Ciidanka Boolisku qayb-libaax ka qaateen waxa ka mid ahaa; sugidda amniga hawshii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo si nabadgalyo ah inoogu dhammaatay, hawlgalkii shaqaaqadii iyo iska-horimaadkii beelaha ee ka dhacay gobollada Sool iyo Sanaag oo ciidanka Boolisku si adag uga hawlgaleen ilaa haddana ku jiraan iyaga iyo ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, hawlgallo kooxaha argagixisada lagu qabtay oo dhammaantoodna la horgeeyey sharciga.”
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu warbixi ka bixiyey horumarka uu gaadhay ciidanka Boolisku uu ku tilmaamay mid ballaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka laga hortago mudaharaadyada oo la soo kordhiyey, mashiinka lagu sawirro faraha dadka gala dambiyada ee kaydiya xogtooda iyo xidhiidhka wadashaqaynta Booliska iyo dadweynaha oo kor loo qaaday, lana dhisay afar saldhig ciidan oo arrintaasi lagaga shaqaynayo, iyadoo Taliyuhu tallaabadaasi uga mahadceliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo uu sheegay inuu wax wayn kala qabtay sidii ay u suurtogali lahayd wadashaqayntaasi.
“Ciidanka Boolisku waxay hawlgallo kala duwan ku qabteen sannadkan 10,485 (toban kun iyo afar boqol iyo shan iyo siddeetan qof) tahriibayaal oo ay si wadajir ah uga hawlgaleen ciidanka Booliska iyo Waaxda Socdaalka Somaliland, kuwaas oo dhammaantood ahaa Qoomiyadda Oromada ee Itoobiya oo dib loogu celiyey dalkoodii. Waxa kaloo ciidanka Boolisku qabteen dhallinyaro 470 reer Somaliland ah oo tahriibayey, kuwaas oo iyagana dhammaantood gacanta laga galiyey waalidkood, loona caqli-celiyey,” ayuu yidhi Taliyaha oo ka hadlayey hawlgallada ciidanku kaga hortageen tahriibka.