cuntayaridaiyocaruursabool ahGeneva(ANN)Madaxa Hay’addaha sadaasha Hawada (World Meteorological Society) Michel Jarraud ayaa ka digay in dhibaatooyin cunto yaraan sabab u noqda ay keeni doonto cimilada kululaanaysa, taasoo meelo baddan oo adduunka ay biyo la’aan baahsan saamayn doonto.

Biyo yaraan ay sabab u tahay kulaylka cimilada, ayaa lagu saadaaliyay inay keeni doona cunto yaraan iyo guur guuris noolaha ah, taas oo khubaro dhinaca cimilada iyo cuntada ku takhasusay ka digeen.

Saadaashan oo ku beegan in ay dhaci doonto 2025, inkastoo Alleh ogyahay wixii dhici doona, balse waxa ay ku doodayaan khubaradan in 2.8 bilyan qof ay ku noolaan doonaan biyo yaraan, halka waqtigan 1.6 bilyan aanay biyo haysan.
Qaybo badan oo ka mid ah qaaradaha Africa iyo Eeshiya ayaa ay aad u saamayn doonta dhibaatadan, halka Australia, Maraykanka iyo Koonfurta Yurub laf ahaanteeda ay saamayn ku yeelan doonto masiibooyinkan cunto yaraanta sababi doona.

Horraantii toddobaadkan, ayaa Hay’adda Cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda marka la soo gaabiyo la yidhaa FAO ay ku dhawaaqday in Koonfurta AFrika ay cunto yaraan ku soo food leedahay, taasoo ay sababi doonaan abbaaro iyo duufaanno noocooda lagu sheegay El Nino oo dib u dhigi doona in Beeraha iyo midhaha gobolku ku nool yahay ay ka baxaan.
“Waqtigan dabaylaha El Nino ee sadaasheedu tahay 2015/2016 waxa ay sababeen oo ay saameeyeen cuntada. Sannadka 2015 qamadida bixi jiray ee ahaa 80% Hadhuudhka la quuto waxa ku yimi 27% hoos u dhac ah oo cimiladu sababtay,” ayey FOA war-murtiyeedkeeda ku sheegtay.