Araweelo News Network

Madaxweynaha Dalka Djibouti,

Madaxweynaha Dalka Djibouti,


Djibouti(ANN)Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay inay adag tahay in laga guulaysto oo laga saaro meesha ay galaan kooxaha xagjirka ah ee jihaadoonka ah, iwuxuuna tusaale u soo qaatay dagaallada muddada dheer socday dalka Afgaanistaan ee lagula tacaalayay sidii Daalibaaniyiinta looga saari lahaa halkaa iyo sidoo kale Somalia dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu sidaa ku sheegay Warasi uu siiyay warbaahinta Dalka Britain oo uu arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha siyaasadiisa mudadii dhawr iyo tobanka sanadood ahayd ee uu hoggaaminayay Dalka Djibouti, khaladka ugu weyn ee uu sameeyay.

Wuxuuna, isagoo tusaale ka bixinaya dalka Afgaanistaan yidhi, “Xilligii ay Taalibaan qabsatay dalka Afgaanistaan, waxaa lagu daad gureeyay boqolaal kun oo ciidanka NATO ah, dhaqaale badanna waa la geliyay sidii wax looga qaban lahaa kooxdaasi Argagaxisada ah, balse xilligii lagu duulayay Afghanistan Taliban maanta ayay ka khatar badantahay kana awood badantahay.”

Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in Somalia aan dhaqilihii lagu bixiyay dalka Afgaanistaan la geliyay oo kale aan la gelin, balse ay jiraan wax-xoogaa horumarro ah oo laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-shabaab. “Dagaalka Al-shabaab waa uun Soomaali is dilaysa Somali kale. Waana koox meel walba oo dunida ahna way isaga imaanayaan, kii la yiraahdo jannaad gelaysaa ee lacag keen, wuu keenayaa, kii la yidhaado nataada keen wuu keenayaa, kii la yidhaahdo tababar siina wuu siinayaa. Marka loo eego dhaqaalaha adduunku ku bixiyay la dagaalanka Argagaxisada soomaaliya nasiibkaasi ma helin oo waxaad mooddaa in laga gaabiyay.” ayuu yidhi, Ismaaciil Geelle, wuxuuna xusay in waddamo yar oo Afrikaan ah iyo hay’addo caalami ah ay caawiyaan dowladda Somalia iyo shacabka dhibaataysan ee Somalia, cid kale oo wax-tartaana aanay jirin.

Dhanka kale, mar la weydiiyay madaxweynaha Jabuuti khaladkii ugu weynaa ee ka dhacay 16-kii sano ee xukunka hayay, wuxuu sheegay inuu u maleynayo inuu ahaa dadka ay kalsoonida baddan siiyeen ee Djibouti dhibaatada ka abuuray, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin mucaaradka, isagoo yidhi, “Waxaan is-leeyahay khaladkii ugu weynaa ee aad gasho wuxuu ahaa dadkii aan kalsoonida siinnay ee dalka dhibaatada geliyay, innaguna ma yeelayno in dadka Djibouti la dhibaateeyo, waayo waxaan u dhaarannay waa inaan amniga dadka ilaalinno, waanan ku taagannahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Geele.

wuxuu sheegay in xaaladda amni ee dalka Somalia aan dhaqaale baddan loogu bixin sida dhaqaalaha mallaayiinka doollar ah loogu bixiyo dalalka kale ee ay colaaduhu ka socdaan, taas oo uu sheegay inay meesha ka saartay in guul laga gaadho dagaalka.

Dalka Djibouti, wuxuu ka mid yahaywadamada kaalinta ku leh dagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta qaaradda Afrika iyo Yemen, waxaana Somalia ka jooga dhawr kun oo ciidan ah, kuwaas oo ka barbar dagaalama ciidamada dawlada Somalia ee taagta daran, iyadoo ay qayb ka yihiin Ciidanka Djibouti, kuwa AMISOM ee Somalia. Djibouti, waxay xarun u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Qaida iyo kooxaha jihaadiyiinta ah, Dowladda Mareykanka ayaa saldhig weyn ku leh Djibouti, waxaana saldhiggaasi ka hawlgala diyaaradaha duqeymaha ka geysta Somalia,Yemen iyo Liibiya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380