Araweelo News Network

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Mulkiilaha Facebook Mr. Zukerberg

Aasaasaha shirkadda Facebook Mr. Mark Zuckerber, ayaa laga jabsaday akwanka uu ku leeyahay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee internet-ka, kadib markii koox Sucuudiga ku nool ogaadeen in lambarka sirta ay (Password) ee uu ku galaa yahay ‘Dadada.’
Koox la yidhaa OurMine, ayaa sheegatay in ay jabsadeen bogga uu Twitter ku leeyahay Mark Zuckerberg oo ka mid ah dadka dunida tiknoolajiyadda ugu wanaagsan, waqtiganna safka hore kaga jira bilyaneerada caalamka. Sidoo kale, waxay sheegeen kooxdan inay ogaadeen lambarka sirta ah ee uu ku galo akawnka kale ee waqtiyadan dadku aad u isticmaalaan ee Linkedln.
Mid ka mid ah dadka aadka caanka uga ah isticmaalka Twitter-ka oo lagu magacaabo @Ben_Hall ayaa markiiba soo dhigay boggiisa in mulkiilaha Facebook laga jabasaday akawnka uu Twitter ku leeyahay, dadka jabsadayna ay soo dhigeen lambarka sirta ah ee uu ku galo oo ah “dadada.”
“Alla, Mark Zucker akawnkiisa uu baraha bulshada ku lahaa ayaa la jabsaday.” Sidaa waxa yidhi ninka faafiyey in la jabsaday akawnka mulkiilaha Facebook.
Sida ay baahiyeen warbaahinta Sky News oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay kooxda jabsatay sheegteen in akawnkiisa ay u jabsadeen bal in ay eegaan sida uu u adkeeyey, waxaanay soo dhigeen farriin ay ugu sheegayaan in ay ku guulaysteen arrintooda oo ahayd; “Hey, waxaannu galnay Twitter kaagii & Instagram & Pinterest. Waxa aannu tijaabinaynay sida aad u ilaashatay, fadlan farriin toos ah noo soo dir.”
Mulkiilaha facebook boggiisa twitterka (@finkd) oo uu samaystay February 2009, waxa uu leeyahay 414,000 taageerayaal ah, halka baraha kale ee Pinterest Account @Zuck uu leeyahay 13,000 dad taageera iyo waliba 700,000 dad aad ay isugu dhaw yihiin.
Kooxda jabsatay ee OurMine oo akawnka ay Twitterka ku leeyihiin la hakiyey, ayaa sheegtay masuuliyadda ay ku jabsadeen baraha dad caanka ah ee dunida, hantida badanna haysta.