Araweelo News Network
xiligiidhagxaanta
Hargeysa(ANN)Waqtigii la odhan jiray Da’da Dhagxaaanta (The age of Stones), ayaa dad ka soo guuray agagaarka bad la odhan jiray Aegean sea oo ah hadda halka u dhexaysa Giriigga iyo gacanta Anatholian Peninsulas ay reer Yurub bareen sida loo qoto beeraha, balse waqtigan dadkaas badankoodu way cidhib-tirmeen.
Saynisyahanno cilmi-baadhis sameeyey, ayaa sheegay in dadkan sida beeraha loo qoto, isla markaana looga faa’iidaysto wax-soo-saarka dhulka ay ku baahiyeen qaaradda Yurub muddo hadda laga joogo ilaa 8,000 (siddeed kun) oo sanno.
Maxsuulka ka soo baxay cilmi-baadhista ayaa lagu ogaaday in hidde-sidayaal (Genetic sample) dadkan lahaayeen laga helay dalalka Jarmalka, Hungary iyo Spain. Hadhaaga dadkan ee baadhitaanka lagu sameeyey ayaa la barbardhigay hidde-sidayaal laga soo qaaday dad hore ugu noolaan jiray dhulka Giriigga iyo woqooyiga galbeed ee Turkiga, kuwaasoo aad caan ugu ahaa beeraha qarniyo badan ka hor. Waxa ay cilmi-baadhayaashu awoodeen in ay helaan xidhiidhka ka dhexeeya dadka Yurub iyo bulshadii la odhan jiray Aegean ee beeraha ku faafiyey Yurub.
Cilmi-baadhista ayaa ay caqabad ku noqotay habka beero-falashada oo bulsho kastaa hab dhaqan ahaan ah ugu sii gudbinaysay habka beeraha loo qoto, balse aakhirkii daraasadan oo lagu guulaystay waxa lagu daabacay wargeys la ydihaa National Academy of Science oo Jamhuuriya soo xigtay, iyadoo xogtan cusubna soo baxday Isniintii toddobaadkan.
Mr. Joanchim Burger oo ka mid ah khubarada daraasaddan sameeyey ayaa sheegay in baadhitaan dheer oo ay sameeyeen kadib ku ogaadeen beeralaydii hore ee badhtamaha Yurub iyo Spain ku noolaan jirtay xidhiidh la leeyihiin dadkii la odhan jiray Aegean oo lagu andacoodo in ay Yurub beero qodashada ku fidiyeen.
“Mid ka mid ah darriiqyada ay soo mareen waa dariiqa dalalka Balkans ee bariga qaaradda Yurub, halka darriiqa kalena uu ahaa Badweynta Mediterranean, waxaanay ku yimaadeen hab haajiris ah oo waqtigan loo yaqaan tahriib,” ayuu yidhi Burger oo ah khabiir takhasusay baadhista taariikhda qadiimiga ah oo ka tirsan Jaamacadda Johannes Getenberg University oo ku taal maaalada Mainz ee dalka Jarmalka.
Cilmi-baadhayaashu waxa kale oo ay ogaadeen hab-nololeedka dadkaas iyo muuqaalkooda jidh ahaaneed oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dad dhaadheer oo dhuudhuuban, indho madow.