Araweelo News Network

facebook1Shirkadda Facebook ee waqtigan aadka loo isticmaalo, dadkuna ku wada xidhiidhaan, waxa ay maalintii heshaa hal milyan oo warbixino ku saabsan xadgudubyo ka dhex dhaca isticmalayaasheeda, sida ay sheegtay Monika Bickert oo ah Madaxa Siyaasadda Maamulka ee shirkaddaas.
Masuulkan ka tirsan Facebook oo la hadashay CNN Money oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay tilmaantay inay arkaan warbixinno ku salaysan cunfi iyo qaar xornimo sheeganaya oo khatar ku ah dad kale, iyadoo xustay in aanay shaqsi ahaan garanayn boqolayda khatarta ah ee warbixinahaas ay helaan, maadaama ay yihiin qaar aad u badan.
Sidoo kale, waxa ay ka hadashay sida xarumaha u qaabilsan ka saarista waxyaabaha khatarta iyo dhaawaca u keenaya dadka ula tacaalaan, waxaanay tidhi; “Waad dhaleecayn kartaa hay’ad, diimo, sidoo kalena siyaasiyiinta wax baad ka sheegi kartaa, laakiin waxa aanad samayn karin waa in aad ka gudubto khadka oo aad qof weerarto amma koox, adigoo caydaada ku caayaya waxyaabo u gaar ah dadkaas.”
Mrs. Bickert waxay sheegtay in siyaasadda ay ka leeyihiin farriimaha khatarta ku salaysan tahay hab khiyaamo ah, gaar ahaan in 80% dadka isticmaala Facebook ee 1.6 bilyan qofka ah ka baxsan yihiin dalka Maraykanka, isla markaana leeyihiin fikrado kala duwan oo ku saabsan waxyaabaha aflagaadada amma khatarta ah, balse waxyaabaha ugu dhibta badan shirkad ahaan tahay fulinta arrintaas.
Waxa kale oo ay sheegtay in shirkaddoodu u kala horraysiiso sida farriimuhu u kala khatar badan yihiin oo ay ugu horrayso waxa sababa dhaawac jidh ahaaneed, balse dhammaan warbixinaha oo dhan ay dib u eegaan shaqaale Facebook u tababaray.
“Marka ay timaad hadalka cunfusiga ah waxa aan u aragnaa in ay muhiim u tahay in dadku go’aankaas gaadhaan, waqti dhawna soo saari doonaan barnaamijyo si toos ah uga saaraya waxyaabaha dadka dhiba,” ayey tidhi Bickert, waxaanay intaas ku dartay in tirada warbixinaha xad-gudubyada ah ay sii korayaan marba marka ka dambaysa.
Shaqooyin Cajiib ah oo Qaar Madaxweyneyaasha Maraykanku u soo Mareen Guulaha ay Gaadheen