Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Saamilayda Shirkadaha Telesom Group, kana kooban Isgaadhsiinta Telesom, Baanka Daarasalaam, Shirkadda Gaaska Cuntada ee SOMGAS iyo shirkadda korontada ee TEC, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa shalay oo taariikhdu ahayd 13 March 2016.

Kulankan oo ka dhacay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay boqolaal ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, kuwaasoo ka yimid Gobolada dalka oo dhan. Waxa kaloo kulankaas ka qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Maamulka Telesom Group iyo Masuuliyiinta sare ee Shirkadaha ka farcama Telesom.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd Isxog-waraysi ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay shirkadda iyo waxyaabaha qorsheysan sannadaha soo socda in laga midho-dhaliyo.

Mr. Cabdikariim Maxamed Ciid oo ah Maamulaha Guud ee Telesom Group oo kulankaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu Ilaahay (SWT) ugu mahadnaqayo guulaha ay gaadheen shirkadaha Telesom Group.

“Waxa inoo qorsheysan in aan sannadkan soo kordhino adeegyo cusub oo wax weyn ka tari doona ganacsatada oo ay kula socon karaan dhaq-dhaqaayqada ganacsigooda; kuwaasoo iyadoo aan kharash kaabayaal (infrastructure) ka gelin ay isticmaali karaan iyo adeegyo kaloo tignoolajiyadeed oo casri ah oo sannadka badhtankiisa la daah-furi doono,” ayuu yidhi Mr. Cabdikariin Maxamed Ciid.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxaa innagu kelifay in aan shirkadaha kale maalgashi ku samayno, waxaynu rabnaa in aan maalgelino markastaba majaal cusub oo aan hore loogu jirin, sida SOMGAS iyo Darasalaam Bank; oo hore aan dalka uga jirin, baahi weyna loo qabay.”

Maamulaha Guud ee Telesom Group, ayaa sidoo kale sheegay inay hirgelin doonaan Terminal (kaydka gaasta) ugu weyn Geeska Afrika oo laga sameyn doono Berbera, kaasoo wax weyn ka tari doona tamarta waddanka Somaliland, isagoo xusay in sidii arrintaas loo hirgelin lahaa lagu waday daraasad socotay muddo laba sanno ah.

“Shirkaddu waxay ku socotaa horumarin shaqo qabad, curinta tignoolajiyado casri ah iyo hanashada macmiilka. Sidaas darteed, saamilaydana waxa laga rabaa in ay doorkooda qaataan, waxana ugu muhiimsan in ay noqdaan safiiro, si loo wada xaqiijiyo ahdaafta aynu leenahay, isla markaana wixii talo iyo tusaale ah loo soo gudbiyo xafiiska Xidhiidhka Saamilayda,” ayuu yidhi Cabdikariin Maxamed Iid.

Maamulaha Qaybta Isgaadhsiinta Telesom Mr. Ciise Maxamuud Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa si faahfaahsan uga waramay adeegyada kala duwan ee ay shirkadda Telesom bixiso ee gaadhsiisan waddanka oo dhan, isagoo ka warramay horumarka shirkaddu ka sameysay dhinacyada tignoolajiyadda, ballaadhinta network-ga shirkadda iyo horumarinta adeegyada bulshada.
“Shirkadda Isgaadhsiinta waxa hoos yimaad saddex qaybood oo muhiim Adeegyada Maaliyadda, qayb ka mid ah Korontada, Xawaaladda Zaad iyo isgaadhsiinta. Waxa ay ka hawlgashaa 349 xarumood oo waddanka oo dhan ah.

Tignooloji isbeddel xoog leh ayey ku socotaa, shirkadduna arrintaas iyada oo ka dhabaynaysa marwalba waxa uu keenaa isgaadhsiinta ugu dambeysa ee mujtamacu u baahan yihiin,” ayuu yidhi Ciise Maxamuud Faarax.

Waxaannu intaas ku daray; “ZAAD waxa uu shirkadda u keenay sumcad weyn. Mulkiilaha Microsoft ayaa tilmaamay in uu jiro shirkad Somaliland ka jirta oo soo bandhigtay adeegga ZAAD Services oo wax laga baran karo.”

Maamulaha Qaybta Isgaadhsiinta Telesom, ayaa sheegay in shirkadu laf-dhabar u tahay shaqaale xirfad iyo ammaano leh, kuwaasoo shirkaddu tixgeliso, isla markaana ay siiso dheefo ku xidhan wax-soo-saarka shirkadda haddii ay noqoto mushahar iyo dhiirigelin kaleba, sidaas darteed shirkadda Telesom waa; “Aan u cuno, aan wada cuno, aan wada lahaano,” ayuu yidhi Mr. Ciise.
“Qof walba wuu garan karaa waajibaadka shaqo ee ka saaran maalkiisa. Waxan ku talin lahaa in aan ilaashano naas-weynta Telesom. Waxan odhan lahaa faa’iidada soo baxda shirkadda wax kaga soo celiya oo isticmaala adeegyada shirkadda, sumcadeedana ka shaqeeya. Adeegyada shirkadda haddii ay tahay Baanka, Gaaska iyo Korontadaba ha la isticmaalo,” ayuu yidhi Ciise Maxamuud.
Guddoomiye Ciise waxa uu sheegay in Telesom ay leedahay xafiis la yidhaahdo Waxa kaloo uu tilmaamay in shirkadda Telesom leedahay xafiis la yidhaah “Riqaaba Sharciyah”, kaasoo ah in aan la hirgelin wax aan loo kitaab dayin, lana soo marin culimada dalka, isagoo xusay in shirkadoodu noqotay ta qudha ee ku guulaysatay inay adeega internet-ka gaadhsiiyo dalka oo dhan buur iyo bannaanba.
Maamulayaasha Shirkadaha Telesom ka farcamay ee Baanka Daarasalaam, Shirkadda gaaska cuntada ee SOMGAS iyo Shirkadda Korontada ee TEC oo hadalo ka jeediyey kulanka loo qabtay saamilayda shirkadda, ayaa sheegay in shirkadahoogu gaadheen guulo ballaadhan oo qayb ka ah guulaha Telesom Group.
“Sida aad saamiile uga tihiin Telesom, ayaad Daarasalaam Bank saamile uga tihiin, faa’iidada ka soo baxdana qayb ayuu ka yahay.” Sidaa waxa yidhi Mr. Maxamed Ibraahim, maamulaha Darasalaam Banka.
Waxa kale oo Mr. Maxamed Ibraahim sheegay in Baananka islaamiga ah ay qabtaan dhammaan adeeegyada bangiyada caalamiga ah ay qabtaan amaba ay ka badsadaan.
Maamulaha Shirkadda SOMGAS Cabdikariim Xaaji Muuse, ayaa isna ka hadlay ujeedooyinka loo aasaasay shirkadan oo uu xusay inay tahay sidii degaanka loo ilaalin lahaa, shaqo-abuurna loo sameeyo dadka, faa’iidana loogu soo saaro dhaqaalaha ganacsigooda iyo saamilaydab, isla markaana laga guuro nidaankii hore ee wax loo karsan jiray, loona guuro nidaam casri ah.
Waxa kaloo uu ka warramay caqabadihii ka horyimid markii ay shaqada bilaabeen, waxaannu yidhi; “Waxa ka mid ahaa cabsi (phobia) oo dadku ay afka isku gaadhsiiyaan bahashan way qarxaysaa, arrintaas waannu ka gudubnay. alxamdullaah. Dadkiina way aqbaleen, in dhuxusha ay uga jaban tahay; uga fududahay. waan u mahadnaqayaa dadkii nagu garab istaagay.”
Maamulaha SOMGAS waxa uu mahadnaq u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalland Md. Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirka Deegaanka Marwo Shukri Baandare oo ka shaqeeyay dhiirigelinta Gaaska wax lagu karsado si loo ilaaliyo degaanka.
Eng. Muuse Cali Cige oo ah maamulaha Shirkadda Korontada Telesom ee TEC, sheegay in shirkadoodu tahay tii ugu horraysay ee bixisa adeeg koronto oo 24-ka saac ah, isagoo xusay in shirkadda korontada ee TEC gaar loo saaray sannadkii 2014, isla markaana ay u qorshaysan tahay sidii ay macmiishooda u siin lahaayeen koronto jaban oo joogto ah.
“Qaybo ka mid ah faa’iidada aad sannadka qaadanaysaa haddii aad tihiin saamilayda waxa soo kordhiyay TEC. Waxaan u baahanahay taageeradiina, waxana kow ka ah in aad adeegyaga isticmaashaan,” ayuu yidhi Maamulaha shirkadda TEC.
Qaar ka mid ah Saamilayda Shirkadda Telesom Group oo ka kala socday Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo kulankaas ka hadlay, ayaa iyaguna ammaanay horumarka ay samaysay Telesom.
Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah odayaasha guurtida ugu da’da weyn Somaliland, ayaa kulankaa ka jeediyay ammaan iyo ereyo duco ah, waxaannu yidhi; “llaahay shirkadda ha inoo barakeeyo iyo guushaas aynu gaadhno. Ilaahay abaaraha ha innaga qaado. Sidii roon rabbi ha ina waafajiyo.”
Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah saamilayda shirkadda, ayaa isna yidhi; “Aynu qaadano dardaaraka la ina siiyay oo ambassadors (safiiro) aynu noqono.”

Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo isna ka mid ah Saamilayda Shirkadaha Telesom Group ee kualnkaas ka qaybgalay, ayaa u mahadnaqay hawlwadeennada kala duwan ee shirkadda.
“Telesom waxay ka mid tahay nicmooinka Ilaahay ina siiyay. Ilaahay marka uu xoolo kula damco dadkooda ayuu ku siiyaa; Shaqaalaha Telesom waa carruurteennii oo Ilaahay (SWT) inoo wanaajiyay,” ayuu yidhi Xaaji Aadan.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxaynu u baahanahay in aan qabyaaladda la dagaalano. Waxyaabaha aynu ku beddelayno waxa kow ka ah Shirkadda Telesom. Waxa qabyaaladda lagaga tegi karaa shirkado noocan oo kale ah. Qabiil Telesom la idhaahdo aan ku abtirsano, oo Somaliland oo dhan ah oo aynu isku xidhano.

Waxa keliya ee la innaga codsaday waa mid xaq la inoogu leeyahay oo aan ahayn baryo. Telesom meeshaad joogtaan safiiro u noqda. Waanu aqbalay ee u wada diyaargaroobo.”
Saamilayda kale ee kulankaas ka hadlay waxa ka mid ahaa Faarax Xadhigle, Xaaji Jaamac Qumane Maydhane, Xaaji Cabdi Nuur iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood ammaanay horumarka ay ku tallaabsatay shirkadda Telesom.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com