Araweelo News Network

facebook1Degelka xidhiidhka bulshada ee Facebook oo beryahan dambe ka mid noqday baraha bulshada internetka kuwa loogu isticmaalka badan yahay ee dadku aadka ugu xidhiidhaan, ayaa hadda ku soo kordhisay qayb cusub oo qofka shaqaalaha ah inta uu shaqada ku jiro isticmaali karo.
Waxa ay masuuliyiinta facebook sheegeen in qaybtan loogu talagalay in hawlaha shaqada lagu dhammayn karo, gaar ahaan ganacsaada, hay’adaha iyo shirkadaha waaweyn ay isticmaali karaan si ay ugu wada xidhiidhaan, shaqaalahooduna uga faa’iidaysan karaan shaqo ahaan.
Qaybtan oo ay u bixiyeen Goob-shaqo (Workplace) waa barnaamij gaar ah oo qofka ku xidhiidhinaya facebook barta uu ku leeyahay, iyadoo heshiisyada lagu geli karo, ganacsiga la isku waydaarsan karo, halka dugsiyada iyo hay’adaha aan manfac doonka ahayn laf ahaantooda loogu baaqay in ay isticmaali karaan.
Hore waxa loo isticmaali jiray amma ururradu u isticmaali jireen qayb facebook ka mid ah (Facebook at work) la yidhaa 18 bilood ee u dambeeyey, balse hoos u dhac ku yimi aawadeed ayaa lagu soo kordhiyey qaybtan cusub oo leh muqaal toos ah (Live), warar iyo wax kasta oo uu qofku u baahdo leh.