Araweelo News Network

Washington(ANN)Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa ku dhawaaqay in dawladdiisu qorshaynayso in ay meeraha Mars u dirto dad bani’aadam ah 15 sanno ee soo socda, waxaannu xusay in arrintaas ay ka caawinayaan in ka badan 1,000 (kun) shirkadood oo gaar loo leeyahay.
Sidaana waxa uu ku sheegay warraysi uu telefiishanka CNN oo qayb ka ahaa aragtiyo madax la waydiinayey oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa uu kaga dhawaaqay in hadafka dawladdiisu tahay in sannadka 2030 ay dad u diraan cirka, marka ay sahamintoodu soo dhammaatana dhulka lagu soo celiyo, iyadoo waliba la doonayo in ay muddo dheer joogaan halkaas.
Madaxweyne Obama waxa uu tilmaamay in shirkaddo gaar loo leeyahay shuraako kula yihiin qorshahan si degaan cusub oo lagu noolaan karo looga sameeyo meerayaasha kale ee ugu soo dhaw dhulka.
Arrintan oo lagaga hadli doono kulan Aqalka Cad lagu qabto (Wite House Frontiers Conference) oo khamiista maanta lagu wado inuu qabsoomo, ayaa la isugu yeedhayaa saynisyahanno, injineero, dadka ikhtiraacyada sameeya iyo arday si ay uga fikiraan mustaqbalka barnaamjkan cusub sida uu noqon karo. Waxa kaloo ku weheliya sida Madaxweyne Obama ka dhawaajiyey 1,000 shirkadood oo dawladda kala shaqeeya hawlaha cir-bixinta.
“Waxa aan dejinay hadaf cad oo ah in Maraykanka cutub cusub u furmo oo dhinaca tegista hawada sare ah; in bani’aadam loo diro Mars sannadka 2030, kadibna ay dhulka yimaadaan iyadoon waxba soo gaadhin waa hadaf noo dhiman oo aan doonayno inaan gaadhno,” ayuu qoray Madaxweyne Obama.
Khubarada xidigiska ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka Maraykanka ayaa labada sanno ee soo socota ku hawlnaan doonaa dejinta qorshahaas, sida uu Obama sheegay.
Waxa kale oo uu intaas ku daray; “Haddii aan hoggaamintayada cirka ku gaadhno, inkastoo qarnigan aan ka xoogganahay kii hore, kama faa’iidayno oo kaliya tamar, daawo, beero iyo tignooljiyad kaliya waxa aan ka fahmi doonaan in aan fahan u yeelano degaanka iyo nafteenaba.”