Araweelo News Network

Berbera (ANN)Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb, ayaa diray farriin digniin ah oo la xidhiidha qaybinta raashin mucaawano dawladda Turkigu u soo dirtay Somaliland oo hadda yaal dekedda Berbera.
Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay in qaybinta raashinkan oo la bilaabi doono maalmaha soo socda loogu talogalay dadka ay saamaysay abaartu, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobollada bari ee dalka, isla markaana ciddii kale ee aan ahayn dadka loo qorsheeyey ee farogelisa laga qaadi doono tallaabo sharciga adag.
“Raashinka waxa qaybinaya oo ku shaqo leh guddi mutadawaciin ganacsato ah oo guddigii heer qaran ee abaaraha ah, iyaga ayaanu u xilsaarnay, annaguna dusha ayaanu kaga ilaalinaynaa, afar gobol oo ah kuwii abaaruhu si ba’an u saameeyeen ee bariga ayaa la isla gartay in xoogga la saaro oo loo qaybiyo raashinka iminka, waxaanna laga yaabaa in rarku uu bilaabo maanta ama berri (shalay ama maanta). Waxaan halkan farriin u marinayaa shacabka, dadka loogu talogalay raashinkani waa dadka reer Miyiga ah ee dhibaatada xoogga ahi ka soo gaadhay abaarihii, maadaama dadkaasi uu xil naga saaran yahay dawlad ahaan waxa loo baahan yahay in raashinku dadkaasi u gaadho sidii loogu talogalay, waxaannu halkan uga digaynaa cid kastoo isku dayda inay raashinkaasi dhibaatayso, boobto ama hagar-daamo u gaysato sharciga ayaa la horgaynayaa, had iyo jeer waxa dhacda marka raashinnada la keeno tuulooyinka in la isku dayo in la boobo ama aannu gaadhin dadkii masaakiinta ahaa ee loogu talogalay oo dad iska ladan oo xoog ahi wixii gurtaan, arrintaasi aad iyo aad baan uga digayaa oo aanay suurogal noqon doonin ama aan laga aqbali doonin,” ayuu yidhi Dr. Cumar Shucayb oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka ugu warramay gudaha dekedda Berbera shalay.
Dhinaca kale, Wasiirku faahfaahiyey qorshe xukuumaddu wado oo loogu diyaargaroobayo ganacsi ballaadhan oo dhexmara Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu yidhi, “Waxa jira guddi shan xubnood ah oo ka kooban wasaaradaha oo muddo toddobaad ah halkan dekedda ku sugnaa oo shirar la lahaa ganacsatada iyo qaybaha bulshada si aynu isu qiimayno awoodeena halkaynu taaganahay si aynu innaga iyo Itoobiya isula jaanqaadi lahayn xidhiidhkeena, maadaama heshiiska rarka iyo ganacsiga dhexdeenaba u baahan yihiin in innaga iyo Itoobiya ka wadahadalno, markaa sidii aynu ugu diyaar-garoobi lahayn rarka iyo ganacsiga Itoobiya iyo in aynu istaagno meel qorshe iyo nidaam ka dawlad ahaan oo aannu ogaano ganacsatadayadii halkay marayaan.”
Waxa kaloo uu ka dhawaajiyey in socdaalkiisa qayb ay ka tahay dadaal wasaaraddiisu ku doonayso inay kala-xadayso ganacsiga, taas oo ay kulamo kala yeesheen ganacsatada kala duwan, “Waxaannu ku talo jirnaa kala xadaynta ganacsi oo noo ah qorshaha ugu horreeya ee aannu doonayno in aannu wasaarad ahaan ka hawlgalno,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Somaliland.