qoraal
Axmed-yaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre
Noloshaaba geeddiyoo, gedgedoonka ku caan ahe, haddii aan waagii baryaa bildhaan iyo iftiin ku tusinm haddii aan aqoontu ku farin saadaasha maqan doon, baroorta mar uun ka guur oo barwaaqo horseed ka noqo, bur iyo biyo mid uun bislee, ilayn dameer malab sidaa aqoontaadu la siman.
Nolosha adduunka taal waxay ku dhisan tahay macno weyn oo rabbaani ah, waxaana ugu muhiimsan in Alle (SWT) la caabudo, waxaase Ilaahay adduunkan ugu talogalay in adoomihiisa ku imtixaano, mawduucaygu wuxuu ku koobnaan doonaa isbeddelada fikri ee dadka lagu hago, horumarna lagu gaadhsiiyo.
Adduunka tagay ee aynu deeqaha iyo dhaqaalaha ka sugnaa ee waraaqaha hanjabaada ah inoo soo dira maaha kuwo mucjiso rabbaani ah ku socda, Allena gargaar gaar ah siinayo ee waa rag tashaday oo maskaxdooda intii wanaagsanayd ka faa’iideeyay, bal tusaale fiican aan soo qaado waxaa jira ururo cilmi-baadhayaal oo ay ku kulmaan khuburo u diyaarsan inay si dhab ah noloshan horseed uga noqdaan.
Think tank: “a group of people, who are read, discuss, think, write, usually to address and readdress a matter of vital importance to humanity.” Waa koox dad ah oo ku midoobay inay qayb ka noqdaan xalka dhabta ah ee noloshooda, waxaanay daraaseeyaan waddooyin cusub oo horseeda nolol wanaagsan, waxay suurtagaliyaan inay doodaan, akhrin, fikir iyo qoraal si loo helo macluumaad cusub, waxayna ka gaadheen guulo la taaban karo oo aynu wada arki karno inay adduunka intiisa kale gacantooda hoos keenaan.
Dalladan wayn ee Think Tank waxaa hoos yimaad ururo ka kooban ilaa boqolaal urur oo cilmi-baadhayaal ah, isuguna jira dhammaan dhinacyada nolosha oo dhan, waxaanna ururradaas ka mid ah;
• Political and economic think tanks,Acton Institute
• Allegheny Institute for Public Policy
• American Action Forum
• American Civil Rights Union
• American Enterprise Institute
• American Institute for Economic Research
• Berggruen Institute
• Bipartisan Policy Center
• Brookings Institution
• Analysis Group
• Atlas Economic Research Foundation
• Beacon Hill Institute
• Buckeye Institute
• Cato Institute
• Cascade Policy Institute
• Center for American Progress
• Center for Automotive Research
• Center for Development and Strategy
• Center for Economic and Policy Research
• Center for Freedom and Prosperity
• Center for Governmental Research
• Center for Immigration Studies
• Center for Media and Democracy
• Center for National Policy
• Center for Public Integrity
• Center for Public Justice
Kuwani waa qaar ka mid ah ururrada cilmi-baadhayaasha ee ah ee ka mid ah dalladda wayn ee Think Tank, gaar ahaan dalka Maraykanka waxay waqti walba ku jiraan baadhitaan cilmi oo haga kolba sida ay u rabaan inay dabargooyaan baahiyaha dadkooda iyo waddooyin cusub oo u suurtagalin kara jihooyin cusub oo nololeed.
Natiijooyinka ururradani gaadheen
• Adduunka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah; qolo iyagu isticmaalayaal la yidhaahdo, tusaale iphone7 ayaa soo baxay xaga hore ka iibsanaya iyo qolo iyagu (inventions) Ikhtiraacayaal oo wixii uu uu adduunka intiisa kale ku mashquulin lahaa sameeyaba
• Debit card waa lafyar oo adag oo loo isticmaalo sidii xisaab bangi lacag aad dhigatay aad u isticmaali lahayd markaa aad u baahato, waxay innaga inoola muuqataa waxyar, balse in ka badan lix sanno ayaa sidii loo samayn lahaa cilmi baadhid loogu jiray.
• Democracy (dimuqraadiyad) waa nidaam maamul oo dawladda Maraykanku abuurtay, laguna fadhiisinayo cidkastoo la tartami lahayd, waxaanay gaadhsiiyeen dhammaan dawladaha adduunka intoodii badnayn, gaar ahaan dawladaha islaamka oo manhaj samaawi ah haysta ayaa lagu khasbay inay qaataan.
• Funding: (deeq dhaqaale) waa qaybo ka mid qaababka wax loo guumaysto, iyadoo baahida taala maahee tu kale la sii dabargoynayo.
Haddaba, innaga aqoonteenii iyo caqligeena xikmadeedii ma cid kale ku xumeebaa, cid ku caybaa, ma hoos u sii dhaadhacbaa, ma boogta dhaymada u baahan ha la qodqodaa. Qaabkee aynu uga bixi karnaa dhibaatada bulsho ee ummadeena haysata?
Annigu waxaan qabaa inay jiraan 6 qodob oo isku cagsi ah, natiijo kala duwana leh, kuwaasoo kala ah;
1- Sidee ummad u dhisantaa?
2- Sidee ummad loo kiciyaa?
3- Sidee ummad horumar loo gaadhsiiyaa?
Saddexda qodob ee kalena waxay cagsi ku yihiin saddexdaa qodob ee hore, waanna sidan;
1- Sidee ummaddi u dhaadhacdaa?
2- Sidee ummaddi u duntaa?
3- Sidee ummaddi taariikhda uga baxdaa?

1) Sidee ummad loo dhisaa?
Ummad waxay ku dhisantaa;
• Fikrad, ruux, rabbitaanka iyo hadafka, Taariikhda adduunka may dhicin tollaayeey in wax lagu dhiso, dadyowga Carabtu 1000 (kun sanno) sanno ayey Carab ahaayeen oo ay dawlad ku dhisi kari waayeen, 13 sanno gudaheedna dawlad ayey ku noqdeen adduunka qabsatay, waana xilligii Nebi Muxamed (SCW) uu hadaf iyo caddaalad uu ka hirgaliyay dhulkii Carabta.
2) ummad sidee loo kiciyaa
Ummad waxa loo kiciyaa in dib loo saxo aasaaska isbeddal oo Ilaahay (SWT) sheegay in qaaciido dahabiya jirto oo qur’aanka ku sheegay, sida suuradaha Anfal iyo Racdi; “nimcadda qoom siinay kama qaadno ilaa iyagu iska qaadaan.”
Ummadi waxay u baahan tahay khilaafka in laga saaro, caddaalad hesho, in gaajada ka baxdo, horumar dhaqaalena gaadho. In waddaniyad iyo kalgacal lagu beero oo wadajir ku wada yagleelo.
3) ummad sidee horumar loo gaadhsiiyaa?
Waa in halgan dhab ah la galo, loona sabraa dhibaato kasta oo kaa hor timaada, laguna tartamaa sidii wanaaga looga sarayn siin lahaa inta xumaha wada.
Qaybta kale ee cagsi ah
1) sidee umaddi u dhaadhacdaa?
Waxay ummadi u dhaadhacdaa waa xagii Soomaalidee marka tallada loo diro ninkii maqasha lagala quustay oo uu horseedo nolol iska wada soo horjeeda, xaasidka iyo xiqdiqana beertaba, garsoorayaashuna oo dadka ahina sacabka macno la’aan ugu tuma, iyagoo leh; “waa runtaa wasiir, waa runtaa.” Hadda waa kii liqayba ee dhibka oo dhan ka masuul ahaa. Allaahu Akbar!
2) Sidee bay umaddi u duntaa?
Hees baa ahayd “waxay nabaddi cadhootay markii carri daba la dan waayay.” Jaahilnimadda marka la dugsado ayaa nidaam qalafsan oo dhaqan jaahili ah abuurmaa, markaasay qabyaaladdu yeedhmo dheer gashaa, daallinku xoola yeeshaa.
3) Sideebay ummadi taariikhda uga baxdaa?
Waxay ka baxdaa marka xikmadu adduunka loo abuuray la hareermaro, aaway Mangoliyaankii ama Tataarkii adduunka haystay ee dawlad kasta u hanjabayay, waxaannu Ilaahay (SWT) ku ridaa khilaaf badan iyo xasad oo walaalnimada la fogeeyaa, gaalkana ka jeclaadaan, waana dhibaatada Soomaali ku dhacday ee maalinba gobol ka mid ah ay sheeganayaan Kenya iyo Itoobiya.
Gunaanadka qoraalkaygani waa haddii waddankeena xarun cilmi-baadhis rasmi ah ka jirto ha la soo eego, waa in aynu bal wax isbarbardhignaa oo istusnaa in aynu cidlo gudayno, aqoontana ta wax lagu qabto ayaa ugu khayr badan ee aynu wax ku qabano si mutadawacnimo ah.
Waxa qoray: Axmed-yaasiin Sheekh Cumar Axmed Furre