Araweelo News Network

Eyecan computer

Shirkadda qalabka casriga ah ee tiknoolajiga soo saarta ee Samsung, ayaa ikhtiraacda kombuyuutar noociisu caalamka ku cusub yahay, kaasoo dadka laxaadka la’, gaar ahaan gacmaha iyo lugaha la’ ay wax ku qori karaan, kaasoo la shaqayaya indhaha dhaqaaqooda.

Kombuyuutarkan oo magaciisu yahay  Eyecan+ waxa dadka laxaadka la’ awooddaan in indhahooda ku isticmalaan, iyagoo dhaqaajinaaya, xariiqda wax lagu qoraana la dhaqaaqayso oo kolba xarafka uu qofku doono indhahiisa ku dul istaajin karo.

Kombuyuutarkan nashqadiisa shirkadda Samsung waxay ku samaysay lacag la’aan, waxaanay ugu talagalay in ay kaga qaybqaadato caawinta dadka laxaadka la’a.

Qalabkan waxa uu ku shaqayayab bilaa xadhko (Wireless), kaasoo lagu xidhiidhinaayo indhaha qofku in ay soo jitaan haddii qofku 23 iinj (60cm) u jiro amma uu muraayadda ka fog yahay 27 iinj (70 cm).
Kombuyuutarkan casriga ah waxa uu u baahan yahay in la is ogolaysiiyo isticmaalkiisa iyo indhaha qofka doonaya inuu isticmaalo marka hore, balse aakhirka uu xasuusanaayo indhaha qofka oo uu markuu doono isticmaali karo.

Injineerada shirkadda Samsung, ayaa qalabkan ikhtiraacay waqtigooda firaaqada, waxaanay tijaabinaayeen 17 bilood, aakhirkiina waxay ku guulaysteen in ay dhammaystiraan.

“Kombuyuutarkan EYECAN+ waa natiijada mashruuc mutadawacnimo ah oo ay bilaabeen injiineeradayada, kaasoo ka turjumaya hawsha muhiimka ah ee ay u hayaan dadka,” ayuu yidhi SiJeong Cho oo ka mid ah madaxda Samsung.