Araweelo News Network

 

Daahir Rayaale Iyo Maxamed Kaahin

Hargeysa (ANN)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in aanay jirin doorasho jilicsan oo mar qudha ka qabsoontay Somaliland, doorashooyinkuna la soo qabtayna ahaayeen qaar adag oo lagu tartamay.

Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, waxa la weydiiyey su’aal ahayd; “Doorashadii adiga lagugu beddelay kadib, waxa dalkan ka dhacday doorasho adag oo aan hore loo arag, kolayna waad la socotay wararka, sidee ayaad markaa u aragtaa doorashadaas?

Waxaannu ku jawaabay; “Ma jirin mar ay dhacday doorasho jilicsan. Afar doorasho ayaan qabtay oo midna may jilicsanayn, doorashana ninkii bilaabay aniga ayuu ahaa, imitaankayguna waxa uu ka mid yahay dimuqraadiyadda oo Maxamed Kaahin iyo halgankii ayey sheeganayaan, aniguna dimuqraadiyadda ayaan sheeganayaa.”
Madaxweynihii hore ee Somaliland, ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu uga qaybgeli lahaa xafladda ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi marka ay taariikhdu tahay 13 December 2017, kuna beegan maalinta Arbacada toddobaadka dambe, haddii Ilaahay yidhaah.

“Salaan weyn ayaa halkan shacabka ugu gudbinayaa, waxaanan u imid in aan ka qaybgalo haddii uu Alle yidhaahdo xafladda madaxweynihii aniga i beddelay iyo madaxweynihii ka dambeeyey ay xilka kula kala wareegayaan, taas oo laygu marti qaaday,” ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ay la socotay xaaskiisa marwo Huda Barkhad Aadan, waxa qolka nasashada martida ee madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno ka mid ah golihii wasiirrada ee xukuumaddii UDUB.

Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Daahir Rayaale yahay Madaxweynihii hirgeliyey hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ee Somaliland.
“Saaka (gelinkii hore ee shalay) waxa halkan farxad weyn noo ah in masuuliyiintaydan kala duwani qolka nasashada madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aannu ku soo dhawayno Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad Aadan. Madaxweyne Daahir Rayaale waxaannu ku soo marti-qaadnay xafladda caleemo-saarka iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, inuu nagala soo qaybgalo, waayo waa Madaxweynihii ku suntanaa geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxay ay muujinaysaa sawir qarankan sumcad ugu suntan oo ah laba Madaxweyne oo xilkii ka degay iyo kii saddexaad oo la wareegaya oo madashaa fadhiyi doona, muuqaal weyn ayey qarankan ka muujinaysaa oo dunida kale maanta nasiibkaa aanay haysan, wixii hadal ah ee uu odhan doono, waxa madaxda kale odhan doonto iyo munaasibadaa muuqaalkeeda maalintaas ayeynu ka war sugaynaa.”
Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
“Sharaf ayey inoo tahay maanta in dimuqraadiyaddii inoo bilaabantay dhawr iyo toban sanno ka hor uu maanta qaangaadh yahay, waxaanna Rayaale faan u ah oo uu ku faanayaa inuu goosanayo midhaha geedkii uu beeray, waana tusaalaha aynu u nahay Afrika iyo casharka la innaga baranayo,” ayuu yidhi Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.