Araweelo News Network

dhalinyarachinaDalka Shiinaha ayaa laga sameeyey xero lagu xannaaneeyo dhallinyarada qabatimay isticmaalka internet-ka, maalin kastana in ka badan 17 saacadood isticmaala, hurdadana ka taga, isla markaana aan waqti u helan cuntada iyo inay musqusha u baxaan.
Xeradan ayaa loogu talogalay in lagaga daweeyo caadadan xun ee noloshooda khatarta ku ah, waxa dhakhaatiirta caafimadku sheegeen in la-qabatinka Internet-ku yahay xannuun ka jira dalka Shiinaha, kaasoo waqtiyadan dambe aad ugu sii kordhaya dadka da’da yar oo doorbida in ay tacliintooda, dhexgalka bulshada iyo qoyskoodaba ka doortaan isticmaalka internetka ee dhinaca ciyaaraha (Games) iyo baraha bulshada.
Waalidiinta ubadkooda uga taag waaya isticmaalka internet-ka, ayaa inta badan geeya carruurtooda xeradan oo habka millateriga u samaysan. Waxaanay bixiyaan lacag dhan $9,000.
Xarunta loogu talogalay in lagu dhaqan-celiyo dhallinyarada, waxa ubadku ku jiraa muddo lix bilood oo ay ku bartaan habka nolosha loola qabsado iyo sida ay isaga xakamayn karaan isticmaalka badan ee internet-ka, iyadoo xaruntan la furay sannadkii 2006.
Khubaro ku takhasusay cudurrada maskaxda ku dhaca iyo kornayl ka tirsanaan jiray ciidammadii PLA (People’s Liberation Army) oo la yidhaa Toa Ran, ayaa ka shaqeeyey in la sameeyo goobo lagu daryeelo dhallinyarada dhibaatooyinka kala kulma isticmaalka internet-ka, waxana lagu daweeyaa 75% bukaanka la keeno oo da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 26 jir, inta badanna lagu daweeyo hab caafimaad iyo jimicsiga millateriga la siiyo oo kale iyo talooyin badan.
Sida uu daabacay wargeyska Telegraph oo Jamhuuriya soo xigtay, khubarada xaruntan furay, waxa ay sheegeen in bukaanka laga xakameeyo internet-ka, iyagoo tilmaamay in dad badan oo loo keenay ay si aan caadi ahayn internetka ula qabatimeen oo xataa cuntada iyo in ay suuliga tagaan iska joojiyeen, balse xeradooda lagu daaweeyey.
“Dadku waxa ay ku dawakhaan internet-ka, iyagoo la ciyaara dad kaloo sidooda internet-ka ku waashay. Haddii mid ka mid ah kaadi u baahdo waxa uu ka cabsadaa in ciyaartu ka kala go’do, sidaa darteed daasad amma wuxuu ku kaajo ayuu soo qaataa,” ayuu yidhi Mr. Ran oo la hadlay dukumantari laga diyaariyey barnaamij la yidhaa China’s Digital Detox.
Waxa khubaradu sheegeen in dadka loo keeno inta badan ay la kulmaan isku buuq, cabsi iyo in jidhkoodu aannu si fiican u shaqayn fadhigii iyo curduduubnaantii badnayd awgeed.
Sannadihii u dambeyey dalka Shiinaha waxa laga soo tebinayey in dhallinyaro u dhinteen internet oo ay maalmo isku illaabeen, iyagoon cunto iyo cabbid midna qaadan.