Araweelo News Network.

 

Somalia: Lix Qof Oo Ay Ku Jiraan Hooyo Iyo Afar Carruur ah Oo Ku Nafwaayay Duleedka Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Roobab dabaylo watay oo ka da’ay xalay Magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimashada Lix qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ka mid ahaa qoyayka danyarta ee degan Kaamamka duleedka Muqdisho.

 

Qoyska ka kooban shanta qof, waxa ka badbaabay Aabaha dhalay Afrta Carruurta  ah iyo Hooyadood oo ku nafwaayay masiibadaa, kadib markii uu kusoo dumay halkii ay deganaayeen gidaar weyn oo gabood u ahaa qoyayska Barakacayaasha ee danyarta ah.

Masiibada ayaa ka dhacay Xaafadda Tabeelaha ee deegaanka Garas-baalay ee duleedka Magaalada Muqdisho, sida uu Idaacadda VOA, u xaqiiyeen Cumar Caynab oo ka mid ah Odayaasha kaamamka Barakacayaasha duleedka Muqdisho.

Cumar Caynab oo u waramay Weriyaha Idaacadda VOA, ee Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste, wuxuu sheegay qoys gaadhaya Hooyo iyo Afar caruur Ah oo ay dhashay iyo sidoo kale qof kale oo goobta ku sugnaa ku nafwaayeen masiibadaa, isla markaana dhaawac soo gaadhay Aabaha dhalay Carruurta dhimatay.

Dadka  ku sugan Kaamamka Barakacayaasha Muqdisho, ayaa xalaad nolloleed oo adag ku jira, kuwaas u baahan gargaar iyo caawimo, wallaw uu sheegay in maamulka deegaanka iyo dad kaleba usoo gurmadeen, balse wuxuu susay in dhibaato ba’an ay ka jirto halkaa.

Magaalada Muqdisho Toddobaakii hore Roobabka ayaa sidoo kale galfaatay shan carruur ah oo wallaalo ahaa, isla markaana ahaa qoys danyar ah ee deggan Xaafadda  Buulaxuubey ee degmadda Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com