Araweelo News Network.

Alt: Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Biix oo Xeer kusoo saaray Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland. 3 Feb 2021, Image File Araweelo News Network,

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magcaabay Masuul cusub, kaas oo noqonaya guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag. Sidaana waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday maanta qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Wareegtada Madaxweyne Biixi oo nuqul ka mid soo gaadhay sheebladdaha Araweelo News Network, ayaa summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021, waxaana masuul cusub loogu magcaabay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Wareegtada Madaxweynaha, ayaa qoraal ahaan u dhignayd Sidan:-

 

Magacaabid

MarkaanArkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

 

Markaan Arkay:  Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay  Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;

 

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi;  Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu ku yidhi, wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com